Waxaa jirtay tuulo la yidhaahda, Casar-taah, tuuladaas oo xoola dhaqato ahayd, ilaa dhowr iyo toban reerna dhul-aamin bay iska ahaayeenoo, beero yaryar bay lahaayeen.
Haddaba waxaa dhacday in carruurtii iyo xoolihii uu saf cudur ah kaga dhacay. Markay dhibaatadii ka badatay waxay ku kalliftay in odayaasha tuulada qaar ka mid ahi talo isaga weydiiyaan.
Dabeedna oday la yidhaahdo Dirqi-i-Bad isagoo subaxdii ku bariisanaya geed weyn oo aad u hoos qabow oo magiciisa la yidhaahdo Isku-Tuur, ayaa waxaa soo jilib mareeyey saaxiibkii Dani-i-Tidhi: Salaan ka bacdi Dirqi baa yidhi: ‘Bal soo fadhiiso’.
Markaasuu Dan-i-Tidhi ku jawaabay: Waar carruurtii baa xiiq-dheer ku galgalatayoo fadhi iima yaalee. Talo ma igu dhaanta?’ Dirqi ayaa ku jawaabay: ‘Amba kuwaygii Jadeecay la liitaan oo way iga baahsan tahay. Maxaan ku daaweya?
Dan-i-Tidhi wuxuu ugu kordhiyey: ‘Jadeecada dadka ay hayso, biyo qabow oo loogu rusheeyaa daawo u ah.’ Dirqi wuxuu ayaa isna xasuustay una sheegay saaxiibkii: ‘Oo anna waxaan maqli jirey: Caanaha dameeraha ayaa kol uun gaadhaa dadka xiiq-dheertu hayso.
Dan-i-Tidhi ayaa la soo booday: ‘Fajac iyo la yaab. Daawo ninkay u gasho, daniba way ku qasbiye. Dameeraha sidee loo lisaa? Ma sida lo’daa la dabraa mise sida idahaa macasha la qabtaa?’
Dabeedna Dirqi baa ku jawaabay: ‘Waan maqli jirey uune, hay weydiin. Waxaanse ku su’aalay: Biyo qabow sidee jadeeco loogu daaweeya?’
Dan-i-Tidhi ayaa u celiyey: ‘Sidaad adiguba u maqashay dameeraha in caanahooda la isku daweeyo, ayuun baan aniguna u maqlay.’
Dabadeedna waxaa u yimid Ka-Maarsan-Waa oo aad u murugeysan oo geelii bukay madaxa kaga jiro.
Markuu salaamay kadib ayaa Dan-i-Tidhi ku yidhi: ‘Bukaan carruureed ayaanu la werwersan ahay. Bal adiguna iska warran?’ ‘Aniga geelii baa iga wada cashiyey oon la rafaadsan ahayoo, dheg wax maqashaaba ma lihi,’ buu isna ku jawaabay.
Markaasaa Dan-i-Tidhi ku yidhi: ‘Oo sow taan maqli jirey geela cashiyey fuud baa u dawo ah.’ Maarsan-Waa baa yidhi: ‘Waa yaabe, ma Geel bukaa fuud lagu daaweeya.’ Markaasuu Dan-i-Tidhi degdeg u yidhi: ‘Oo maxaad ula yaabi, anba carruurteydii baa caano dameeraad ku dawee laygu yidhiye. Waxaase ila tahay, intaan berri ku calaacali lahayn, maxaad maalkiina iyo carruurtiina u daaweysan weydeen. Arrintaa aan ku dhaqaaqno.’
Dabeedna waxaa wadajir lagu dul tegay carruurtii jadeecadu haysay. Dirqi oo aad u walaacsan ayaa wuxuu yidhi: ‘Carruurtii waa tan. Mid qudha oo madaxa kor u qaadi karaana kuma jiro. Biyaha ma loo dhiirinaya mise iyaga oo qabow baa loogu maydhaya?’
Dan-i-Tidhi ayaa afka kaga booday oo yidhi: ‘Biyaha in loo baryoodiyo oo aad loogu qabowjiyo si ay u kabuubiyoodaan ayaa weliba fiicane, haddaan kuleyl kuleyl ku darro way isla qiiqayaane. Midkiinowba carruurta mid qabo, anaa biyaha idinku shushubayee, waar xajiya biya aan ku roge.’
Dirqi oo beer-la-xawsaday baa yidhi: ‘Waar cagaha kaga horreysii, carruurtu way sasayaane.’ Maarsan-Waa oo la yaaban baa yidhi: ‘Ninku ilma jecelaa, oo siduu ku daaweysan? Maxaa cagaha lagaga horreysiiya, waaba lagu hafiyaaye.’ Dani-i-Tidhi oo ku garoriyey ayaa wuxuu yidhi: ‘Waar carruurta jiifiya oo deda. Ha huuraane.’
Maarsan-Waa baa yidhi: ‘Kuwan hawshoodii way na deyseye, xaggeenu u raadinnaa dameero irmaan?’ Dirqi baa u celiyey: ‘Anaa kuu xasuustay oo Ina-Maal-Baas bay dameerihiis laba waa dhoweyd ka dhaleenoo, waaba dambar.’
Dabeedna Maarsan-Waa baa yidhi: ‘Waar idinku dameerihii raadiya, aniguna dhallinyartii geela la joogtay ayaan u tegi oon ku odhan: Neef dhuunta dhaba oo degdeg isugu burburiya, fuudkuna ha sii qaboobo, geelaa lagu daweynayaye. — Oo idinkana aan idin tilmaame: Dameeraha waxaad ka helaysaan, lo’da reer Burgal ee togga daaqaysa dhexdeeda.’
Markuu Maarsan-Waa xaggii geela isu majiiray, ayay Dan-i-Tidhi iyo Dirqi intay xaggii lo’da u leexdeen ayay Maarsan-Waa ka daba tuureen: ‘Waar, noo soo dhakhso.’ Markay labadii oday togga ku soo foororsadeen ayuu Dirq-i-Bad yidhi: ‘Waar haddaba dameerta qaysha yari ku naban tahay taasaa irmaane, mijinta dambe qabo oo labadaada gulad ku qabso. Anna dhiilka ii dhiiboo, lisidda igu daa oo iga xaji intaan caanaha kaga xoorinayo.’
Dan-i-Tidhi baa kula taliyey: ‘Waayahay, xaggaa hore ka mar oo shug shug dheh.’ Markaasuu kii kale yidhi: ‘Waar markaa hore yesh yesh baa loogu soo yeedh yeedhaa, kolkaa la qabtaa shug shug loogu beddela.’ Dani-i-Tidhi baa yidhi: ‘Isuba dhex eriyoo shug shug iyo yesh yeshba dheh.’ Dirqi baa ku billaabay: ‘Waayahay. Shug shug, yesh yesh, shug, shug, yesh yesh.’
Dani-i-Tidhi oo ku dhegay baa yidhi: ‘Waar waan hayaa lugtii dambe, ka lis oo dheg muggeedna ha kaga tegin.’ Ha yeeshee markii naaskii ugu horeeyey la dhiijiyey ayay lo’dii oo la yaabtay dameeraha la maalayo ayaa hinaaso wada gadoodday. Markaasaa Dan-i-Tidhi ku yidhi: Waar, yaanay lo’du na hirdiyine, dameeraha dhinac inoogu saar.’
Dabadeed mar labaad bay dhiilkii dameertii la hoos galeen. Dirqi oo lisayey baa yidhi: ‘Waar aad iiga xaji sow ta boodboodaysa. — Wuxuu naasa yaryaraa, ma sagaaraa?’ Dan-i.Tidhi oo lugta hayey baa yidhi: ‘Waar way biqlaynaysa, halis baan ka baqayaaye, hore uga lis.’
Dirqi baa yidhi: ‘Waar xaji, fuley yahow, wadnahaa laguu geliye, maxaad la cabaadi.’ Dameertiiba intay u baacisay harraati Dan-i-Tidhi ayay lawga kala wareejisay. “Aaaah, Sow ta i dishay, aniga dameer caano u doontay ayaa waallaa”. Waar dhintaye, waxuun ma ka listay, jirfac ha dilee.’
Dirqi baa yidhi: ‘War maxaan ka lisa, markay biqlaynaysay sow tii jeeniga ku dhufatay dhiilkii oo dhan, wuuba kala jabaye.’ Dan-I-Tidhi: ‘Alleylehe waan tacab khasaarnay. Aan dhintee, haddaan carruurta uun ka daawaysan lahaa, ciil maan qabeen. Haddaba maxaan yeelaa?’
Labada oday oo midi sinta ku xamaaranaya ayay dameerihii oo sii yaacaya waxay arkeen laba wiil oo xoola-jir ah oo kayn agtood ah cabaadkoodii kaga soo orday.
Wiilashii baa weydiiyey: ‘Odayaal, maxaa idin helay?’ ‘Waar xoolo shaydaan baan maala is nidhi, waxaa na helay, dameerahaas oo caanahooda daawo noo gashay ayaa na laayey. Sida loo liso xeesheeda miyaad nagu dhaantaan adinku?’
Ina-dooli oo labada wiil ka mid ahaa ayaa wuxuu yidhi: ‘Adeer, dameeraha markaad doonaysid inay kuu jogsadaan, horta waa loo soo yeedhyeedhaa. Kolkay dhegaha wada taagaan ayaa dameerta irmaan magaceeda la sheegaa, oo, geelo, geelo, koy, koy, la yidhaahdaa. Markay kuu timaado ayaa weel oo buunshe ku jiro afka loo saara. Labada jeeni ee dambe waa laga shakaala. Intay buunshaha ku sii jeedda ayaa lisidda laga gaarsiiya. Annagu dameeraha waan soo rogaynaaye, idinkunka buunshe u sii raadiya.’ Dan-I-Tidhi baa yidhi: ‘Waar adigaa i socod dhaamee, Dirqiyow, Islaanta Budeeya ah ee aqalka hortiisa mooyaha ku tumaysa, orod oo wax xoogaha buunsha ah inooga keen.’ ‘Waayahay’ buu isna yidhi oo xaggii Budeeyuu u sii hadaafay.
Dabadeedna, Dan-i-Tidhi oo lugtii duugduugaya ayaa waxaa u yimid Maarsan-Waa oo warkii geela sida. Waxaanu ku yidhi: ‘Maxaad la taahaysa ee ku helay?’
Intuu Dan-I-Tidhi u soo sharraxay siday wax u dheceen ayuu yidhi: ‘Eeggana inyar oo Buunshe ah oo Dirqi inoo keenaya ayaan sugaynaa, dameerihiina waa kuwa carruurtu soo waddee, adiguna maxaad soo qabatay?’
Maarsan waa baa u jawaabay: ‘Waad dadaasheen. Anna kolkaan dhallinyartii u tegay waxaan la kulmay iyaga oo hal cudurkii dilay qalaya. Waxaanan ku idhi: hilbaha iyo lafaha isku sii wada burburiya oo maraq ka dhiga. Geelaa lagu daweynayaaye. Fuudkuna ha sii qaboobo oo yaan far la saarin.’
Dan-i-tidhi baa yidhi: ‘Maarsan-Waa, kol haddii hasha cudurkii uu diley, maad mid fayow u qashid. Ma cudur baa cudur lagu daaweeya?’ Wuxuuna ugu jawaabay: ‘Laba halaad xerada kama wada bixi karaane, taasuun Alla ha ku daaweeyo.’
Dabeedna Dirqi oo buunshihii sida ayaa soo laabtay, wuxuuna ku billaabay: ‘Waar waxay islaantu i tidhi maan idiin sheegaa?’
“Oo maxay ku tidhi?” baa la yidhi.
“Dameeraha caanaha laga maali bay la yaabtoo, waxay tidhi, haddii maanta dameero la lisi, berrina caana-qubtaa la maali.
War kol hadday na siisay buunshaha yeelkeedee, dameerihii waa kuwan carruurta nagu soo kediyeene, aan u diyaargarowno.
Dan-i-Tidhiyow, adigu iska joog, yaanu lugta kale ku jabine.’ Kureydii wuxuu ku yidhi: ‘Ilaahow idin daa, ducaqabooyin, dameerihii ma noo keenteen.’ Dabeedna yaryarkii baa mid wuxuu u soo jeediyey: ‘Adeer, idinku masafta iyo dhiilka noo dhiiba oo anaga nagu eega.’
Dabeedna Ina-Dooli baa yidhi: ‘Ina-Burgalow, markaan shakaalo, dhiilka qaad oo ka lis. Haddaad kari waydona anaa kaa qaadiye ii sheeg.’ Wuxuuna ku jawaabay: ‘Waan kariye, adigu bogga iiga xoodi, dameertu aad ha u godlate.’
Maarsan-Waa baa yidhi: ‘Waar dameertu caano badanaa, bal xawda ka yeedhaysa fiiri. Illeen dameertu xaafad dhan bay deeqi lahayd.’ Dirqi wuxuu ku daray: ‘Waxaa iga yaabiyey wiilka yari siduu u lisi yaqaan dameerta. Waxaan u malaynaya in lagu ababiyey. — Waar ma aabbaha baa ku baray?’
Maarsan-Waa baa wuxuu yidhi: ‘Yarka sida ha ula hadlin, Burgalna waa ka soo socdee, yuuna ina maqlin.’ Ina-Burgal intuu dameertii ka hoos booday odayadii ku yidhi: ‘Adeer, iga hooya caanaha. Aabbahay hadduu i arko, oofahuu isugu kay celin doonaaye.’ Dan-i-Tidhi ayaa qalbiga u qaboojiyey oo yidhi: ‘Iska joog, anaga kuu dirsannay oo, kuma taaban karo, farna kuma saari karo.’
Burgal oo isa soo dul istaagay ayaa yidhi: “Maarsan-Waa, maxay ahaayeen, dameerahaad ku xoonsaneydeen, ma shilin baad ka gureyseen?’
Dabeedna Dan-i-Tidhi baa u jawaabay: ‘Maya, dameeraha caanaan ka lisaynoo, carruurteyii xiiq-dheertu haysaan ku daaweyneyna. Oo dameeraha maba anaan lisi kareene, wiilashan baa noo gargaaray oo wiilkaadaa dhiilkaa afka nooga joojiyey, Khayr Allah ha siiye.’
Burgal baa intuu sida xoorka is dibbiriyey hadal uu feedhaha ka soo gooyey ku yidhi: ‘Yaa!? wiilkaagaa lisayaa? Waar maxaa ku baray, dameeraha lisiddooda, anigu kumaba barine. Wejigeyga ka hor dhaqaaq. Dhulku kula go’ye. Haddaabad ii noolaato, aabbahay dabadii baan dhashay, Tol la’ay oo magacay ba.’
Maarsan-Waa baa ku qaboojiyey: “Burgal! Waar wiilka dhirbaaxada ka daa oo sababtayada ha ku dilin. Anagaad noo dan leedahaye, miyaanad nin weyn oo xishoonaya ahayn?”
Burgal baa ugu jawaabay: ‘Maxaan xishoonna? Intaad kuwiinii jiijiifiseen baad kuwayagiina dameera lisa tidhaahdeene. Ma waxaasaa loo dul-qaadan kara? Waa dhafoor taabashe. Sow la odhan maayo ilma Burgal caano dameeraad bay ku soo koreen.
Alleylehe, ishiisa laga arkaa, ushiisaa lagu dilaa baa la odhan jiray.’
Dirqi baa yidhi: “Burgal, shaydaanka iska naar oo ha na dhaafin”. Wuxuu isna ku celiyey: ‘Maxaan shaydaanka iska naaraa? Sidan dhimashadaa dhaantee, oo waa gabadhaada guur ha waydee. Magac iyo masiiboba maalin bay baxaane sow hadhow nala odhan maayo Reer-Dameero-Maal. Ceebtaa maxaa naga fujinaya? Sow qayrkaa ka hadh maaha? Waxaanse idiin sheegaya, ragga yaryar ee aad disheen, haddaad magtooda halkaa dhigi weydaan, madax badan baa ku engegi.’
Dirqi baa ugu jawaabay: ‘Tol iyo xididba waan nahaye. Wax Allaale wixii aad ku bogsanayso waan yeelaynaa, ee ha naga tallaabsan”.
Burgal: “Waa haddii laydinka helo.”
Sheekadan waa inoo qaybta xigta