Sheekadii Khayaaliga Ahayd Ee Rumoday!

Morgan Robertsonwaxa uu ahaa qoraa caan ku ah sheekooyinka gaagaaban, waxaana uu u dhashay Maraykanka. Sanadkii 1898 ayuu qoray  Buugga sheekada laga magac baxaday “The Wreck of the Titan ( Burburkii Titan)”. Muu ahayn faaliye mana uu ahayn xidigiye, laakiin sheekada uu curiyay ayuu kaga waramay  Markab Titan oo ku burburay isagoo ka talaabaya badaweynta Atlatinga meel 400 km  u jirta  Jasiirada New foundland, kaasi oo jiidhay buur goor habeenimo ah.

Rakaabkii Markabkan ayaa wada dhintay ka dib markii ay waayeen saxiimado badbaadiya.  Waxase yaab noqotay muddo 15 sano ka dib markii uu sheekadan qoray oo ahayd 1912-kii 15 April, inuu markabkaasi goobtaasi ku burburay kaasi oo  ku dhinteen kala badh rakaabkii sarnaa. Waxa yaab noqotay sida ay mararka qaarkood sheekada khayaaliga ahi ay u noqoto mid rumowda.