Sheeko Xariiro

Bari baa amin Jiilaal ah, Sagaaro Dabangaalle ku tiri; Waar adigaa geedaha fuulee xoogaa caleen ah iyo dhaameel ii soo daadi. Dabangaallow abaar baa i dishay, oo waan gaajaysnahaye haddaad sidaa ii yeesho, gabadh baan ku siin. Dabangaallihii wuu yeelay, oo sidii buu abaartii kaga soo saaray Sagaaradii. Roobkii baa da’ay welise tigaaddii ma soo bixin, waase dhawdahay. Dabangaallihii oo geed fuushan, sagaarana hoos joogto, waxaa u yimid Maroodi. Maroodigii baa yidhi; “Naa sagaaro maxaad geedka sare ugu eegaysaa?”

Sagaaradii baa tiri; “Geedka waxaa saaran dabangaalle, anna waan hoos xaabaa, gabadhna sidaas ku siiyay Dabanggaalaha.”

Maroodigii baa yidhi: Naa Sagaaro haddaann geedka dhanba hortaada soo dhigo dabangaallaha gabadha ma iiga qaadi? Sagaaradii baa tidhi:- Haa waan kaaga qaadi, oo adigaan ku siin. Maroodigii baa geedkiba soo rujiyay, oo soo hordhigay Sagaaradii. Dabangaallihii oo la socda geedkii baa dhulka ku soo dhacay, oo iska cararay. Dabangaallihii isaga oo sii cararaya, waxaa lagu yidhi; gabadhii waxaa lagaa siiyay Maroodi, dee sideed yeeli? Dabangaallihii wuxuu ku jawaabay; 

“Waar anigu yeelkaye sino sagaaro maroodi sidee yeeli doonaa”