Twitter oo Meta ugu hanjabtay dacwad la xidhiidha App-ka Threads

Shirkadda Twitter ayaa ku hanjabtay inay maxkamad la tiigsan doonto shirkadda Meta saacado kadib markii ay billowday app cusub oo la yiraahdo Threads oo loogu talo-galay inuu la tartamo twitter.
Warqada uu u diray madaxa Meta Mark Zuckerberg, oo ay daabacday warbaahinta Semafor Khamiistii, ayaa qareenka Elon Musk, Alex Spiro wuxuu ku eedeeyey Meta โ€œinay si sharci-darro ah u isticmaashay siraha ganacsi iyo hantida caqli,โ€ ee twitter.
Warqadda ayaa ku eedeysay Meta inay shaqaaleysay tobanaan ka mid ah shaqaalihii hore ee twitter โ€œkuwaas oo weli heli karay sirta ganacsi ee twitter iyo xog kale oo aad sir u ah.โ€
Threads ayaa ah loolankii ugu adkaa ee ay wajahdo twitter, oo uu leeyahay Elon Musk, taasi oo ay kusoo baxeen dhowr app oo kala duwan balse aan awood u yeelan inay suuqa kala wareegaan mid ka mid ah baraha bulshada ee ugu weyn caalamka.
Tallaabadi ugu dambeysay ee uu qaaday milkiilaha Meta Mark Zuckerberg ayaa qeyb ka ah loolanka sii kordhaya ee u dhaxeeya labada bilyaneer oo hadda ku ballansan dagaal feer ah.
Threads ayaa kasoo muuqatay halka app-ka lagala soo dego ee Apple iyo Android ee 100 dal Arbcadii, waxaana falcelin horudhac ah ay muujineysaa inay shabahdo twitter.
Saacado gudahood ayaa waxaa lasoo degay in ka badan 30 milyan oo qof, sida uu Khamiistii sheegay Zuckerberg.
โ€œWaxay u egtahay billowga wax gaar ah, balse weli waxaa na sugaya shaqo badan si aan u dhisno app-kan,โ€ ayuu Zuckerberg kusoo qoray cinwaankiisa Threads.
Waxaa durba akoono ka sameystay shaqsiyaad caan ah sida Jennifer Lopez, Shakira, Oprah Winfrey iyo Hugh Jackman, iyo sidoo kale warbaahin ay ku jiraan The Washington Post iyo The Economist.
Qoraal uu Elon Musk soo dhigay twitter, oo la xiriira tallaabada sharciga ah ee ka dhanka ah Meta, ayuu ku yiri โ€œtartanka waa wanaagsan yahay, balse qishka maya.โ€
Afhayeen u hadlay Meta, Andy Stone ayaa Threads kusoo qoray โ€œma jiro qof ka mid ah kooxda Injineerada Threads oo horey u ahaa shaqaale Twitter — taasna ma ahan wax jira.โ€

Doonni sidday muhaajiriin oo ku degtay badda Mediterranean-ka
Ugu yaran 10 muhaajiriin ah ayaa lagu la’yahay halka la xaqiijiyey dhimashada hal qof ka dib markii ay doon sidday tahriibayaal ku degtay badda Mediterranean-ka, halkaas oo ay doonayeen in ay uga sii gudbaan dalalka koonfurta Yurub sida Giriigga iyo Talyaaniga.
Tunisia ayaa wajahaysa mowjado muhaajiriin ah oo xeebaheeda u isticmaalaya si ay igasii gudbaan dalalka Yurub iyaga oo raadsanaya nonlol ka wanaagsan ta ka jirta dalalka ay ka bxasanayaan oo badanaa ay dagaallo asqeeyeen.
Masiibadii ugu dambeysay ayaa tirada dadka ku dhintay iyo kuwa lagu laโ€™yahay xeebaha dalka Waqooyiga Afrika ka dhigaya in ka badan 600 oo qof qeybtii hore ee sanadkan 2023, taasoo aad uga badan tiradii sannadkii hore isla xilligan oo kale, sida lagu sheegay tirokoob ay soo aruurisay wakaalada wararka ee Reuters.