Waligaa kabo isku cag ah ma iibsatay? tuugadan ayey sidaas ku dhacday

waxaa dhici karta in aad xilli mugdi ah xidhato kabo isku cag ah, ama aad dukaanka si aan ku tala gal ahayn uga iibsato kabo midigta ama bidixda oo kaliya loogu tala galay, balse kawaran ninka rar idil oo kaba ah ay noocaas ka wada noqdeen.

Dembiilayaal ku sugan dalka Peru ayaa u muuqda in ay “kaba isku cag ah xidheen” ka dib markii ay jabsadeen dukaan lagu iibiyo kabaha ragga ee fudfudud.

Saddex qof ayaa jabsaday dukaanka ku yaal badhtamaha magaalada Huancayo waxayna la soo baxeen in ka badan 200 oo ah kabaha fudud ee nooca loo yaqaan ‘Tarniers’ – laakiin dhamaantood waxay ahaayeen kuwa lugta midig ah.

Milkiilaha dukaanka ayaa ku qiyaasay inay ka dheceen kabo qiimahoodu ka badan yahay $13,000 oo dolar – in kasta oo tuugada laga yaabo inay ku dhibtoonayaan iibinta kabahan hadana khasaare ayey gaarsiiyeen dukaanlaha.

Isku dayga tuuganimada faa’iido doonka ah ee dhicisoobay, ayaa waxaa qabtay kamaradaha ammaanka xilli ay dal dalanayeen kabaha.

Muuqaalku waxa uu muujinayaa dambiilayaasha oo saqdii dhexe ee habeenimo jabinaya qufulka ku xidhan dukaanka oo isticmaalaya baaskiilka saddex lugoodka ah si ay ugu gurtaan kartoomada kaba wada midigta ah noocyadooda kala duwan.

Taliyaha booliska deegaanka Eduan Díaz ayaa u sheegay warbaahinta Peru: “Waxaan ku uruurinay cadeymo goobta uu ka dhacay, Arinta aan caadiga ahayn ee dhacan ayaa ah in kabaha lugta midig oo kaliya laga xaday.

“Muqaalka iyo faraha aan haynno, waxaan awood u yeelan doonnaa inaan helno shakhsiyaadkaas”.

Ganacsatada og in ay halis ugu jiraan in laga xado kabaha cusub ee ay iibinayaan, ayaa marar badan adeegsada xeeladda ah in ay hal lug kabahood ku guraan kartoonkiiba iyaga oo lugta kalena ku guraya kartoon kale, kadibna kala fogeynaya ama kala xaseynaya, waxaadna mooddaa in tuugadani dabinkaas ku dhacday.

Xigasho:BBC somali

Bandhige@gmail.com