Wasaaradda Beeraha Oo Bilaabaysa Mashruuc Muhiimad u leh Beeralayda Togdheer

Wasaaradda horumarinta beeraha oo uu hoggaaminayo Isuโ€™duwaha Wasaaradda ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdilaahi Ibraahim, ayaa todobaadkan ku hawlana sidii ay mashruuc balaadhan oo Hayโ€™adda FAO iyo Wasaaraddu iska kaashadeen uga hirgalin lahayd 5 deegaan oo hoos yimaadda Togdheer.

Shanta tuulo ayaa kala ah, Qudhac dheer, Boodhley, Booraamo, Beer iyo Kaba dheere oo ka mida deegaamada beeralayda ah ee Wasaaradda beeruhu kala shaqayso horumarinta waxsoosaarka Beeraha, ayaa Isku-duwaha Gobolka iyo Madaxda Hayโ€™adda FAO waxay ka sameeyeen wacyigelin, si dadku u fahmaan ahmiyadda Mashruuca.

Sidaas oo kale, Wasaaradda beeraha iyo Hayโ€™adda FAO ayaa badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi (Nafaqo) warbixin ka siiyay mashruucan cusub ee sida rasmiga hawshiisa loo bilaabayo dhawaan.

Mashruucan ayaa Beeralayda ka caawin doona tababarrada, qalabka beeraha, siidhka iyo waxyaabo kale oo waxtar u leh beeralaydu siday Wax-soo-saarka beeraha u kordhin lahaayeen.

Badhasaabka gobolka ayaa soo dhaweeyay mashruucan cusub, waxaanu xusay faaโ€™iidada uu gobolka ku soo kordhinayo iyo in gobolku aad ugu baahan yahay mashaariicahan oo kale.

Badhasaabku wuxuu Wasaaradda Beeraha iyo Hayโ€™adda FAO ku amaanay hawshan ay wadaan.

Wasaaradda horumarinta beeraha oo uu horkaco wasiirka Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Wasiir ku-xigeenka Yurub Abiib Cabdi iyo agaasimaha guud Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse, ayaa waajibaadkeedu yahay sidii loo kordhin lahaa wax-soo-saarka dalka, sidaas awgeed ayaa Mashruucan iyo kuwo kale qayb uga yihiin kor u qaadista Wax-soo-saarka Beeraha dalka.