Waxaanad Inantada yar u Quudhin Maxaad Ilmaha Muslimiinta ugu Quudhaysa”Sheekh Axmed Iid.

Sheekh Axmed Iid Cabdisalaan, oo ka mida culimda waa-weyn ee reer Somaliland,   ayaa uga digay cidkasta oo ku hawlan qorshe ay ku doonayaan in hablo yaryar oo 8   jir ah  lagu tabbabaro jiliinka filimada.

Sheekha oo khudbadiisa siiwada waxa uu intaas ku daray in qofka warqada ogolaanshiyaha kala xulista hablaha loo qaadanayo inay filimaanta jilaan, haddii la yidhaahdo keen inantaada yar Hudheelka aanu keenayn,  waxaa uu ka codsaday in dadka arrintaasi ku hawlan in waxaanu gabadhiisa yar u quudheen aanu dadka muslimiinta ahna u quudhin.

Waxa uu si gaar ah fariin ugu diray dawladda iyo dadka xilka haya waxa uu ku baraarujiyay in xilka ay hayaan ay ILLAAHEY kaga baqaan bulshada oo Nimcada ILLAAHEY dalka ku maneystay aanay iska daadin.

Sheekhu waxa uu sidoo kale  waxa uu sheekhu Masjidul Rashiid uga duceeyay mulkiilaha Huteel Hamdaan ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu   ku dhiiraday joojinta baaqii bulshada lala wadaagay ee lagu doonayay hablo yar yar oo 8 jira, lana rabbay in lagu tabbabaro jilinka filimada.

Waxaanu yidhi.“Cid ALLA cid xaaran fasaxi karta ma jirto, xaaraani waa xaaran, waxaan leeyahay dadka masuuliyiinta ee leh waanu fasaxnay waar ILLAAHEY ka baqa, waar dadkiina u tudha, waar diintiina ilaaliya oo ha khilaafina, waar umaddiina iyo bulshadiina u tudha.

Waar maanta waa adduunyo barrina waa aakhiro ILLAAHEY dartii ayaan idiinla talinayaa, ILLAAHEY dartii ayaan idiin waaninayaa, horena waan u sheegay imikana waan ku celinayaa, waar qalinkaad hayso iyo xilka laguu dhiibey walaahi, bilaahi, tolaahi waad ku imtixaanantahay oo imtixaan ayaad ku jirtaa, ILLAAHEYna waa ku eegayaa, waarbal waxaad ku dadaashaan in aydaan idinka iyo ILLAAHEY isa’seegin, waar idinka iyo diintu haysa seegina, waar idinka iyo umadda Islaamka ahi haysa seegina, waar wixii xun wuu xun yahay, ciddina ma banneyn karto, xaaraani waa xaaraan, wixii dhaqan xumo ah haynagu banaynina albaabkeeda ee inaga awda.

Waxaan hubba maanta ka warqada ogolaanshiyaha qoraya maanta gabadhaadii 𝟖 𝐣𝐢𝐫𝐤𝐚 ahayd keen oo Hudheelka u soo dir in aanu u soo diray oo ay ku adag tahay, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝 𝐢𝐧𝐚𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐲𝐚𝐫 𝐮 𝐪𝐮𝐮𝐝𝐡𝐢𝐧 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐢𝐥𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐮𝐬𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐪𝐮𝐮𝐝𝐡𝐢? Dawladda iyo dadka xilka haya bulshadan ILLAAHEY hakaga baqaan, oo ILLAAHEY waa idiin nimceeye waar nimcada hayska daadiniina”

 

Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com