Xadiiska Rasuulka (Scw)

Daraasad la soo saaray ayaa cadaysay in hurdada habeenkii ay aad ugu fiican tahay nasashada maskaxada. Waxaana ay sheegtay in Wakhtiga qofku hurdo maskaxda waxa ku yaraada soo  daynta dheecaanada Dopamine oo ka masuul ah faraxadda iyo wanaagga qofka.

 

Haddaba daraasadan ayaa si buuxda dadka ugu dhiirgelisay inay hurdada ka toosaan ka hor inta aanay soo bixin cadceedu taasi oo keenaysa in maskaxdu ay si fiican u hesho dheecaandaasi ka qayb qaata farxadda ee Dopamine.  Iyadoo Islaamkuna hore ugu dhiiri geliyay bulshadiisa inay  goor hore hurdada ka toosaan si ay salaadad subax u tukadaan.

 

Rasuulka Allah (Scw) ayaa isna ku dhiirgeliyay dadka muslmiinta ka hor daraasadan waxaana uu ku yidhi Xadiiskan : “ Shaydaanku midkiin marka uu seexdo wuxu ku xidhaa saddex guntimood,  marka uu tooso wuxu ka furaa guntin , marka uu wayso qaatana wuxu ka furaa tan labaad, marka uu tukadana waxa ka furanta tan sadexaad waxaan uu waagu u beryaa isagoo firfircoon  oo nashiid ah “ (  Muslim)