Cilmi-baadhis: Faa’iidada Caafimaad Ee Laga Helo Liin-dhanaanta.

Khubarada nafaqada ku takhasustay iyo dhakhaatiirta caafimaadka, ayaa sheegay in biyaha liin-dhanaanta laga helo faa’iido badan oo caafimaad, tusaale ahaan in ay ka qaybqaadato hab-dhiska dheef-shiidka, waxayna beerka ka caawisaa inuu sunta jidhka ka saaro. Waxa kaloo ay maqaarka ka baabiisaa finnanka, halka ay dedejiso hab-dhiska kiimikaad ee jidhka ka dhaca, waxaanay hoos u dhigtaa isku buuqa, murugada iyo laab-dillaaca iyo in kansarku jidhka ku fido. Sidoo kale, waxa lagu yaqaan inay caabuqa dawo u noqoto.
Khubaro tijaabisay muddo laba toddobaad ah liin-dhanaanta, isla markaana muddo labadaas toddobaad cabbayey maalin kasta laba koob oo liin-dhanaan ah, waxa ay ogaadeen in ay faa’iido badan leedahay.

Faa’iidooyinka ay ogaadeen waxa ka mid ah;

Maqaarka ayey u fiican tahay
Liin-dhnnaantu waxa ku badan maadada anti-ogsiidhants (Antioxidants) oo ka qaybqaadata ama jidhka ka caawisa inuu ka hortago in unugyadu dhaawacmaan, isla markaana jidhku iska saaro unugyada dhinta ee aan loo baahnayn. Waa sababta daawooyin badan oo maqaarka ah uga kooban yihiin maadada Anti-ogsiidhants oo ay ka sii mid yihiin Faytamiin C-da, waxana dadka lagula taliyaa inay quutaan cuntooyinka maadadan ku badan tahay oo liin-dhanaantu ka mid tahay.

Muddada labada toddobaad ah waxa ay khubaradu ogaadeen in maqaarkooda isbeddel ku yimmi. Waxa jidhkooda ka baabiismay finan, waxaannu wejigoodu noqday mid nadiif ah.
Caloosha oo si fiican u shaqaysay
Baadhitaannada kala duwan ee la sameeyey waxay soo bandhigeen in liin-dhanaantu, gaar ahaan biyaheedu ka qaybqataan hab-dhiska dheef-shiidka, kana qaybqaadato in la burburiyo cuntada adag.

Aysiidha la yidhaa Sitrig Aysiidh (Citric Acid) ee laga helo liin-dhanaanta waxa ay caloosha ku kordhisaa, kana taageerta soo saarista aysiidha si cuntada ay u burburiso. Sidoo kale, waxa khubarada muddadaas baadhayey ogaadeen in liin-dhanaantu tahay il dabiici ah oo laga helo macdanta Botaasiyamta la yidhaa oo ka qaybqaadata in jidhka macdanaha kale lagu xakameeyo. Halka koob ee liin-dhanaanta qasan waxa ku jira 125 mg oo Botaasiyam ah, marka loo eego xabada muuska ah oo ka kooban 211 mg.
Waxa kale oo liin-dhanaantu qayb laxaad leh ka qaatadaa dibiro dhaca amma in qofka cuntadu hore uga bixi weydo ee dibirada lagu ridi karo.

Cawiisiifta oo ay dejiso
Waxa jira faa’iidooyin kale oo aan kuwa jidhka ahayn oo liin-dhanaantu leedahay oo haddii la ogaan lahaa si toos ah loo iibin lahaa oo lacag badan la kala siisan lahaa. Khubaradan muddada labada toddobaad ah tijaabinaysay waxay ogaadeen in cawaasiifta gudaha ee qofka ay dejiso, cadhada badan iyo isku buuqana ay ka hor tagto haddii qofku caadaysto cabitaankeeda.

Hargabka oo ay la-dagaallanto
Liin-dhannaanta (Citrus) waxa ku badan faytamiin C-da iyo maadooyinka Anti-ogsiidhants (Antioxidant), waxaanay cilmi-baadhisaha lagu sameeyey sheegeen in ay ka qaybqaadato in hargabka amma duriga jidhku iska difaaco, waxaanay hoos u dhigtaa xannuunka iyo caabuqa jidhka.
Qofka muddo badan caadaysta cabbitaanka biyaha liin-dhanaanta waxa uu ka badbaadaa in hargabku ku dhaco, waxana kor u kaca hab-dhiska difaaca cudurrada ee jidhka sida khubaradu sheegeen.

Waxa ay riddaa miisaanka amma culayska xad-dhaafka ah ee jidhka fuula
Daraasad lagu qoray wargeys la yidhaa Clinical Biochemistry and Nutrition oo Maankaab soo xigatay, ayaa lagu ogaaday in maadada Bolifonols (Polyphenols) oo laga helo liin-dhanaanta ay jidhka ka ilaaliso in duxdu ku badato muddo hal toddobaad ah. Haddii qofku caadaysto cabbista liintana aannu fuulayn miisaanka jidhka ee keena xannuunada badan amma waqtigan lagu daray inuu ka mid yahay cudurrada halista ah ee dunidu la tacaalayso.
Khubarada labada toddobaad maalin kasta labada koob ee liinta ah cabaayey waxa ay ogaadeen oo ay khibrad u heleen sida liin-dhanaantu awood ugu leedahay in ay jidhka nadiifiso, kana saarto duxda badan ee ka mid tahay caloosha ka soo baxda waqtigan dad badan, gaar ahaan ragga.

 

Bandhige@gamil.com