Faa’iidada Ay Leedahay Cashada Oo Lacuno Xiliga Hore Ee Habeenkii!

Weli maka fikirtay xiliga aad cuni laheyd cashada habeenkii ah? Ma ogtahay in ay muhiimad gaar ah leedahay go’aaminta waqtiga lacunaayo cashada xiliga habeenkii ah?

Maqaalkaan waxaan ku soo qaadaneynaa cilmi baaris lasameeye oo lagu ogaaday in muhiimad gaar ah ay leedahay cashada oo lacno xiliga hore ee habeenkii ah.

Cilmi baaris lasameeye dhawaan ayaa sheegeysa cunista cashada xiliga danbo ee habeenkii ah ay leedahay khatar cayil ama miisaanka jirka oo ku siyaado qofka.

Quraacda miyaa ah cuntada ugu muhiimsan ee lacuno Maalinkii!!

Waxa ay cilmi baaristu leedahay hadii uu qofku cuno cashada xili danbo oo uu jiif isku diyaarinaayo in dheefshiidka uu shaqadiisa yareen doono, Tamatii cuntadaas ku jirtay oo muhiimka aheyd loona baahnaa in la isticmaalo ay baaqi ku sii ahaan doonto jirka, hadii ay jirka ku nagaatana loo badali doono dufan.

Goormaa Lacunaa Cashada Xiligi Habeenkii ah?

Cilmi baarayaal kala duwan waxa ay ku taliyeen in la cuno cashada xiliga hore ee habeenkii ah ay leedahay muhiimad gaar ah waxaana lagu taliyay in uu qofku casheeyo 5:00 pm ilaa 6:00 Pm ugu danbeyn.

Jadwalka ama Shaxda Cunista Raashinka?

Dr Pam Taub oo ka tirsan Jaamacadda California ee dalka Mareekanka ayaa waxa uu daaha ka qaaday cilmi baaris ay sameeyen aygoo ah kuux khubaro ah.

Waxa uu sheegay in koox dad ah oo cayilan ama miisaankoodu culusyahay loo sameeye jadwal cunto cunis ah kaas oo ah in ay 10 saac oo ka mid ah 24 ka saac ee maalin walbo ay wax cunaan, halka 14 saacna aysan waxaba cunin oo ay biyo kaliya cabaan.

Qudaar Muhiim ah in uu Qofku cuno xilaga uu xanuun dareemo!

 

Mudo 3 bil ah kadib waxaa ay cilmi baaristu soo heshay in dadkii cayilnaa uu Miisaankoodu wax la taaban karo iska dhimay.

Jadwalka ay dadkaan ku shaqeynayeen ayaa ahaa in ay wax cuni karaan inta u dhaxeyso 8:00 AM ilaa 6:00 Pm, halka saacadaha soo harayna loo ogolaaday kaliya in ay biyo cabaan oo aysan waxba cunin.

 

 

xigasho:daraasad.com

bandhige@gmail.com