Faa,iidada Caafimaad ee Galleyda Iyo Cilladaha Ay La Dagaallanto

 

Todobaadkan qormadeena kowaad ee Barnaamijka Caafimaadka waxa aynu ku soo qaadanaynaa, faa,iidada caafimaad ee ay Galleydu u leedahay caafimaadka qofka iyo cilladaha xanuun ee ay kala dagaalanto jidhka bani’aadamka.

 

 

 

Inta aynu ku jirno qormadeenan kowaad waxa aynu sharaxi doonaa Galleydu maxay u tartaa dheefshiidka qofka, sidoo kale maxay u tartaa caafimaadka lafaha iyo maqaarka ee qofka, dhiig yarida ma ka hortagtaa, xannuunada waawayn sida Kansarka ma ka hortagtaa, su,aalahaasi oo dhan waxa aynu kaga jawaabaynaa qormadeenan balse aynu faahfaahin ka bixino midhaha Galleyda iyo faa,iidadeeda.

 

 

 

Galleyda waa cunno siyaabo kala duwan loo isticmaalo, waxayna xambaarsan tahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan.

 

Galleydu waxay kulansatay nafaqo kala duwan, waxaa laga helaa barootiin, faybar, fitamiin C, fitamiin B1, folate, magnesium, potassium, zinc, xadiid, copper iyo manganese.

 

Caafimaadka dheefshiidka:

 

Galleydu waa il qani ku ah fiber oo u fiican dheefshiidka. Waxay la dagaallantaa calool istaagga, iyo baabasiirka, waxayna ka hortagtaa kansarka mindhicirrada ku dhaca.

 

Waxaa ku badan kalooriska (calories):

 

Haddii miisaanka ilmahaaga uu hooseeyo cunnada ugu dar galley. 100-kii garaam oo galley ah waxaa ku jira 342 oo kalooris ah, si darteed si dhakhso ayay u kobcisaa miisaanka.

 

Caafimaadka lafaha:

 

Galleyda waxaa ku badan macdanaha magnesium, iron, copper iyo phosphorus kuwaas oo u wanaagsan caafimaadka lafaha. Macdanahaani waxay lafaha ka ilaaliyaan burburka iyo inay duqoobaan.

 

Caafimaadka maqaarka:

 

Galleydu waxay qani ku tahay maadooyin sunsaarista kuwaas oo ilaaliya muuqaalka dhalinyaronimo ee maqaarka. Marka laga soo tago joogtaynta cunista galleyda, saliideedana waa la marsadaa dubka, waxayna hodan ku tahay maado la yiraahdo “Linoleic acid” oo maqaarka waxtar u leh.

 

Ka hortagga dhiig yarida:

 

Dhiig yari waa tirada unugyada dhiigga cas-cas oo ka yar sidii caadiga ahayd. Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jirka oo dhan. Galleyda waxaa laga helaa xadiid, fitamiin B iyo folic acid oo ka hortagga dhiig yarida.

 

Xakamaynta kolestaroolka:

 

Galleyda waxaa laga helaa maadooyinka fitamiin C, “carotenoids” iyo “bioflavonoids” kuwaas oo uroon caafimaadka wadnaha iyagoo xakameeya heerka kolestaroolka xun, islamarkaanaa kordhiya qulqulka dhiigga ee jirka.

 

Caafimaadka uurka:

 

Galleydu waxay muhiim u tahay hooyada uurka leh, maxaa yeelay waxay ka helaysaa maadada “Folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, waxayna muhiim u tahay korriimada uurjiifka, waxay ka ilaalisaa inuu ku dhasho miisaan yari iyo cillado kale. Si fiican u mayr galleyda, sidoo kale la tasho dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto gacmaha iyo cagaha oo ku barara.

 

Ka hortagga kansarka:

 

Galleyda waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista kuwaas oo xanniba shaqada xididada xorta ah (free radicals ee sababa cudurka kansarka. Waxaa kaloo galleyda ku jira maadooyinka “phenolic” iyo “ferulic acid” oo yareeya cabbirka burooyinka kansarka naasaha iyo kansarka beerka.

 

Caafimaad wadnaha:

 

Galleyda waxaa ku jira walxo la yiraahdo “phenolic phytochemicals” oo la dagaallama dhiig karka caafimaadka wadnahana xoojiya. Cunista galleydu waxay hoos u dhiigtaa halista cudurrada wadne qabadka iyo dhan-qallalka (stroke)

 

Xanuunka kala-goysyada:

 

Dadka waa wayn ee da’da ah ee ka cawda xanuunka kala-goysyada waxaa lagu taliyaa in si joogto loo siiyo galleyda maadaama ay xambaarsan tahay magnesium, iron, fitamiin B iyo barootiin.

 

Caafimaadka aragga:

 

Galleyda waxaa ku jirta maaddo la dhaho “beta-carotene” oo indhaha faa’ido ugu jirto oo kordhisa awoodda aragga. Maadadan Jirku wuxuu u bedelaa fitamiin A oo kordhiya awoodda aragga.

 

Calaamadaha Dhiig Yaraanta

 

 

 

Qormadeena labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa todobaadkan calaamadaha dhiig yaraanta lagu garto, siu u qofku marka uu calaamadahan isku arko u ogaado in dhiigiisu yar yahay, una booqdo goob caafimaad siu u talo bixin u helo.

 

Qormadan inta aynu ku jiro waxa aynu ku ogaan doonaa maxaa keena dhiig yaraanta,calaamadaha lagu garto in qofka dhiigu ka yar yahay iyo macnaha dhiig yaraanta.

 

Dhiig yaraanta (Anemia)

 

anemia-da micnaheedu Waa marka unugyada cas cas ee dhiigu kaa yaraadaan ama tirada heamoglabinta ku jirta unugyada cas cas ay ka yaraato dabiicigeeda . Hemoglabiintu waa curiye ay ku jirto macdanta birta oo loo yaqaan (Iron) tasoo dhiigga u yeesha midabka cas waxaana ay ogsijiinta ka soo qaadaa sambabada iyadoo gaarsiisa unugyada jirka. Markaa qofka Dhiig yaraantu haysaa inta badan waxay u keentaa inuusan jirkiisu helin Ogsijiin ku filan.taas oo ka dhigaysa qofka mid tacbaanimo iyo daal iyo tabar dari ka muuqato waxaana ay ku badantahay wadamada africada ee aanay kajirin wax daryeel caafimaad ah.

 

Maxaa keena dhiig-yarida?

 

-Macdanta birta oo dhiigaada ku yar oo ay sabab u tahay dhiig bax kugu –dhaca ama adigoon cunin cunto nafaqo leh.

 

-vitmin yaraanta sida vitmin B12.

 

-Yaraanta hormoonka curiya samaysanka unugyada dhiigga cas cas taas oo Keenta cuduro kudhaca kalyaha iyo kansarka

 

-Unugyada cas cas oo sidooda u burbura sabab la’aan (Hemolytic aneamia)

 

-Ku dhalasho cudur waxyeeleeya unugyada cas cas.

 

-Cuduro kale oo badan kuwaas oo faafa kuna dhaca waxayna sababan dhiig yaraan.

 

-Cudur ku dhaca dhuuxa dhiigga sameeya cudurkaas oo noqon kara kansarka dhiiga ku dhaca

 

-Dhiig badan oo xilliga caadada ka baxa ruuxa dumarka ah.

 

calaamadaha lagu garto cudurkan dhiig-yarida

 

1: Daal iyo awood la’aan

 

2: Wareer

 

3: Neefta oo kugu xirmaysa

 

4:Wadno garaac

 

5: Madax xanuun

 

6: af xanuun

 

Cudurkan dhiig yarida waa noocyo badanyihiin waxaa kamid ah kuwo ay sababaan cudurada kansarka aidska kansarka lafaha iyo cudurka joogtada ah ee caabuqa iyo kuwo lamid ah

 

Aneemiyada hadii aan la daaweeyn waxey keeni kartaa in aneemiyada noqoto mid joogta ah ama waxey sababtaa geeri deg deg ah oo ku timaada qofka.