Ilmo saddex hide side leh oo markii u horeysay ku dhashay UK

Dalka Ingiriiska waxaa ku dhashay ilmo isticmaalayaa hidde sidaha (DNA) saddex qof oo kala duwan sida ay xaqiijiyeen qolyaha u qaabilsan dhanka taranka ee dalka UK.

Inta badan hidde sidaha ilmaha ka yimid laba qof oo kala ah labada waalid ee dhalay iyo wax ka yar 0.1% oo ka yimid haweenay ku deeqday unugyo.

qaabkan ayaa ah isku day la doonayo in caruurta lagaga ilaaliyo in ay ku dhashaaan cudurka halista ah ee (mitochondrial diseases).

ilaa iyo shan caruur ah oo noocan ah ayaa dhashay balse ma jiro wax faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyey weli.

Cudurka mitochondrial ayaan la daweyn karin wuxuuna dili karaa ilamaha maalmo amaa xitaa saacado kadib marka uu ilmuhu dhasho. Qoysaska qaar ayaa cudurkan ku waayey dhowr caruur ah, farsamadan ayaan u noqotay waxa kali ah ee ay sameyn karaan.

Bandhige@gmail.com