Caafimaadka Lafaha:
Koritaanka fiican ee lafaha jidhka waxa qayb weyn ka qaadata isticmaalka saliidda kalluunka.
Daraasado laga sameeyay arrintan ayaa tilmaamay in dhismaha lafaha jidhka iyo caafimaadkoodaba ay door ku leedahay isticmaalka saliidda kalluunku.
Sida ugu wanaagsan ee ay lafuhu u koraan, waa qofka oo hela kaalshiyaam ku filan, taasoo sida khubarada daraasadda sameeyay ay ku caddeeyeen in ay saliidda kalluunku qani ku tahay kaalshiyaamta ay lafaha jidhku u baahan yihiin, si ay u helaan koriin iyo caafimaad fiican.
Dejinta xaaladda nafsiyanka ah:
Daraasad ayaa tilmaantay in saliidda kalluunku ay hormood u tahay waxyaabaha isticmaalkoodu faaโiidada u u leeyahay deganaanta xaaladdaha nafsiga ah ee qofka.
Isticmaalka saliidda kalluunka ayaa qofka ama dadka ka caawisa dejinta maskaxda, waxaanay khubaro caafimaad oo arrintan daraaseeyay ay ku dooddeen in qofka isticmaala saliidda kalluunku uu maskaxiyan ka degan yahay qof aan isticmaalin, marka ay lasoo dersaan xaalado cakirani.
Sida aynu kusoo xusnay saddexdaa qodob ee sare isticmaalka saliidda kalluunku faaโiidooyinka ay leedahay waa kuwo muhiim u ah dhismaha muruqyada, isla markaana xoojisa, iyadoo aan si toos ah uga qayb qaadan dhismaha jidhka, balse si dadban faaโiido ugu leh dhismaha jidhka iyo caafimaadkiisaba, taasoo qofkana ka caawisa inuu qaban karo shaqo badan jidh ahaan iyo maskax ahaanba.
Haddaba akhriste, isku day inta karaankaaga ah ee aad isticmaali karto saliidda kalluunka iyo guud ahaan cuntada baddaba.