Wasiirka Caafimaadka oo Bandhigtay Waxyaabaha u qabsoomey shaqaalaha caafimaadka ee gobolka Maroodi-jeex 9-kii bilood ee u danbeeyay

Xubinta kowaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu u ku soo qaadan doona kulan ku saabsan wixii u qabsoomey shaqaalaha caafimaadka ee gobolka Maroodi-jeex 9-kii bilood ee u danbeeyay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ย ayaa soo xidhay kulan socday muddo laba cisho ah, kaas oo lagu lafa-gurayay ย ย ย 9-kii bilood ee inasoo dhaafay waxyaabihii u qabsoomay iyo shaqooyinka caafimaad ee ay qabteen shaqaalaha Caafimaadka Gobolka Maroodij-eex, caqabadaha jira iyo waliba talooyinka lagu hagaajin karo dhibaatooyinka haysta adeeg-bixinta caafimaadka.

Kulankan oo uu taageerayay mashruuca Damal Caafimaad, ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan hayโ€™addaha taageera adeeg bixinta caafimaadka Gobolka Maroodijeex, oo ay ka mid yihiin, hayโ€™addaha Alight, Sci ,wvi,SRCS iyo Islamic relief,

Sidoo kale waxaa ka soo ย qayb-galay madaxda caafimaadka, heer gobol iyo heer degmo, iyo madaxda xarumaha hooyada iyo dhalanka ee Gobolka Maroodi-jeex.

Gaba-gabadii kulankan ayaa waxa si wada jir ah uga hadlay, isuโ€™duwayaasha Caafimaadka Gobolada Maroodi-jeex, Hawd, Gabilay iyo Agaasimaha waaxda qorshaynta iyagoo si qotodheer uga waramay mudadii uu Kulankani socday iyo waxyaabihii lagu gorfeeyey, iyagoo hoosta ka xariiqay in kulankani ka qaybqaadan doono dadaalada lagu horumarinayo adeega Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo si rasmi ah usoo gunaanaday kulankan ayaa dhankiisa boggaadiyay dhammaan haw-lwadeennada Caafimaadka ee kasoo qaybgalay, waxaanu intaas ku daray in ay lagama maarmaantahay in marwalba wax layska waydiiyo halka ay wax maraayย  iyo waxyaabaha qabsoomay caqabadaha jira iyo sidii loo xalin lahaa.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com