Xoqado xannuunka iyo Maarayntooda: Qaybta 1aad W/Q :(Dr-Abdikarim D Hassan)

Xoqado xannuunka iyo Maarayntooda: Qaybta 1aad

Xoqaduhu waa laba qanjidh oo ku yaal dalqada. Ilaa hada lama hubo shaqada dhabta ah ee ay qabtaan, laakiin marka ilmuhu gaadho toban sanno labadan qanjidh way dhadhaan (atrophy) wixii intaa ka danbeeyana lama dareemo hadii aanay bukoon.

Xannuunka ku dhaca labadaa qanjidh, oo inta badan infakshan uu Fayras ama bakteeriyo keento ah, waxaa la yidhaahdaa Tonsillitis. Waxa jira xannuuno kale oo Xoqado-xannuunka ka duwan laakiin lagu qaldi karo; sida infakshan ku dhaca dalqada ( Pharyngitis) oo ah barta ay ku kala baydhaan hunguriga iyo qasabada hawo mareenku. Sidoo kale waxa infakshan ku dhici karaa bilowga qasabada hawada oo loo yaqaan Laryngitis.

Maxaa keena Xoqado xannuunka:

Xoqado xannuunku wuxuu ku badan yahay caruurta iyo da’yarta ilaa labaatan jirka ah. Sababta ugu badan ee xannuunkan keentaa waa Virus. badanaa uma baahna in dhakhtar lala xidhiidho oo dawo loo qaato. Xannuunku wuxuu ku tagaa ugu badnaa afar maalmaad.

Sababta labaad ee Xoqado-Xannuunka keentaa waa Bakteeriyo (Bacteria). Infakshanka Bakteeriyadu wuu ka halisaysan yahay, kana wakhti dheer yahay infakshanka Viruska. Qofba si ayuu u qabtaa; waxa lagaga bogsan karaa mudo kooban oo usbuuc ka badnayn. Sidoo kale si degdeg ah ayuu usoo laaban karaa, ama waxa uu isu bedeli karaa mid aan guurin oo Xoqodaha dega (Chronic tonsillitis).

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah: Cuno xannuun uu qofku liqi kari waayo cuntada iyo cabitaanka; Xannuunka waxa laga yaabaa in laga dareemo dhegaha. Xumad aad u saraysa gaar ahaa afar iyo labaatanka saac ee hore. Madax xannuun, xabeeb iyo codka oo qofka kasoo bixi kari waaya ayaa iyaguna lagu arki karaa bukaanta. Caruurta yaryar waxa dhacda in ay ka cowdaan calool xannuun uu keeno Xoqado xannuunku.

Sidee Loo baadhaa Xoqado –xannuunka:

Majiro shaybaadh u gaar ah Xoqado xannuunka. Waxa dhakhtarku ku go’aan qaataa inta badan astaamaha qofku la yimaado iyo calaamadaha uu isagu ku arko marka uu eego dhuunta qofka. Marka ay go’aaminayaan in qof qabo Xoqado xanuun Bacteria keentay, dhakhaatiirtu waxay raacaan hab layidhaa Centor Criteria oo ka kooban afar Astaamood oo kala ah:
• Xumad gaadhaysa ama ka saraysa 38℃
• Dheecaan kasoo baxaya oo dulsaaran xoqodaha.
• Qufac la’aan
• Barar ku yaal qanjidhada qoorta.

Waxa jira in marjicyada qaar ku taliyaan in dheecaan laga soo masaxo qanjaha (throat swab) kadibna lagu eego shaybaadhka laakiin waxa la xaqiijiyay in aanay wax faa’iido oo buuran ku kordhinin xaqiijinta xannuunka ama baratakoolka dawaynta qofka

Dadka qaba xannuunada difaaca jidhka hoos u dhiga (Immunodeficiency) ama la ogyahay in ay qaataan dawooyinka Unugyada dhiiga ee cad yareeya (Agranulocytosis) waa in iyaga laga qaado shaybaadh dhiig oo lagu hubsanayo in aanay Bakteeriyadu dhiigooda u gudbin.

Lasoco qaybta labaad