Cunto karisadii Kooxda Arsenal oo iska casishay shaqadii ay kooxda u heysay

Bernice Kariuki oo asal ahaan ka soo jeeda Kenya ayaa iska casishay shaqadii cunto kariyaha gaarka ah ee Arsenal kaddib labo sano oo ay joogtay naadiga Premier League ee dalka Ingiriiska.

Waxay ku dhawaaqday bixitaankeeda iyadoo Arsenal ay guul weyn ka gaartay Wolverhampton Wanderers Axadii, iyadoo ku badisay 5-0 si ay xilli ciyaareedka ugu dhameysato kaalinta labaad.

“Maalintii u danbeysey, xilli ciyaareedka waxa uu ku dhammaaday si cajiib ah! Kaliya kan ugu fiican!!! Arsenal… Arsenal… Arsenal. 2020/2023, xilli ciyaareedkii khaaska ahaa abid. kooxda ugu fiican aduunka oo dhan.” Ayey ku qortay barteeda Facebook.

Ms Kariuki waxa ay kooxdu soo dooratay 2021-kii waxayna ka qayb qaadatay diyaarinta cuntada ciyaartoyda.

Waxay maareysay nolol maalmeedka iyo nafaqeynta kooxda ka hor iyo ka dib ciyaaraha, iyo sidoo kale liiska kooxda ee xilliyada safarka.

Kahor inta aysan ku biirin Arsenal, Ms Kariuki waxay ka soo shaqeysay dhowr hoteel oo heer-sare ah oo ku yaalla magaalada London.

Ma aysan shaacin talaabada xigta ee ay qaadi doonto balse waxa ay uga mahadcelisay Kenya taageeradii ay la garab taagnaayeen sanadihii lasoo dhaafay.

Bernice Kariuki
Xigasho:BBC somali
Bandhige@gmail.com