Jose Mourinho oo loo magacaabay tababaraha cusub ee Tottenham

Kooxda kubada cagta Ingariiska ee Tottenham Hotspur ayaa u magacowday Jose Mourinho macalinkooda cusub saacado kadib markii shaqada laga cayriyey tababarihii hore Mauricio Pochettino.

Tababare Jose Mourinho oo soo maamulay kooxaha ugu waa weyn England, Spain, Italy iyo Portugal – ayaa saxiixay qandaraas soconaya ilaa dhamaadka 2022-23.

56 jirkan reer Portugal ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii shaqada laga ceyriyay Manchester United bishii Diseembar 2018.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku biiro koox leh dhaxal weyn iyo taageerayaal xamaasad leh Tayada labada koox iyo akadeemiyadeyda ayaa iga farxiya. La shaqeynta ciyaartoydan ayaa ah waxa i soo jiitay, ”ayuu yidhi Jose

kooxda ay haatan ku jirto kaalinta 14aad ee horyaalka, isla markaana aan muujineynin wax horumar ah, maamulka kooxdu waxay shaqada ka eryeen Pochettino habeenkii talaadada, talaabadaas oo aheyd lama filaan iyadoo kooxda ay hoos uga dhacday nasiibkii ay ku laheyd garoonka.

Bandhige@gmail.com