Pep Guardiola: Wax ka ogow nolosha maamulaha ad adag ee aan oggolaan guuldarrada

Tababare Pep Guardiola

Saacaddu waxay sii caga cageyneysay saq dhexe magaalada Istanbul markii ugu dambeyn ay Manchester City heshay wixii ay hamuunta u qabtay.

Uma fududeyn Manchester City inay ku guuleysato Koobka Champions League balse way gaartay hadafkeeda makrii ay ka guuleysatay Inter Milan.

Pep Guardiola, tan waxay u ahayd riyo rumowday. Wuxuu noqday tababarihii ugu horreeyay taariikhda ee ku guulaysta saddex jeer, markii kooxdiisa Manchester City ay ay ka badisay kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.

Kol hore ayuu hantay oo uu ku guuleystay horyaalka ciyaaraha dalka Ingiriiska, iyo koobab kale oo dalkani ah, halka uu la qaaday koob sharafeed kooxda Barcelona sanadkii 2009-kii.

Laakiin, haddii uu ku guulaysto ama hadii uusan ku guuleysan lahayn cayaartii xalay ee Istanbul, Guardiola, ayaa horeba u noqday tababarihii ugu weynaa ee abid soo mara.

Ma ahan oo kaliya inuu ku guulaystay 16 koob oo waaweyn, walina ay socoto qaadistiisa – laakiin waxa uu si weyn u beddelay Kubbadda Cagta.

Waxaan dhawaan la kulannay mid kamid ah macallimiinta da’da yar ee Yurub aadka loo xiiseeyo, sheekadu waxay u weecatay 52-jirka reer Spain, taasoo ka dhigtay sheekadeenna mid xiisa leh.

“Pep waxa uu dardaaran siiyay Joao Cancelo,” ayuu tababaraha ii sheegay. “Waan maqlay oo kaliya waxaan u malayn karaa inay ahayd: ‘Waan ogahay waxaad samaynayso, mana iska difaaci karo.”

Tababarahani ayaa sheegay in waxa Guardiola gaar ka dhigay ay tahay in uu baadi goobaya heer ah mid aan kala joogsi lahayn, inkasta oo aan loo baahnayn. Kooxdiisu waa ku filan tahay inay gaarto guul si kastaba. Laakiin wali, tababare Guardiola, ayaa ku riixaya kooxdiisa City iney gaarto darajada 100%, oo aanu aqbalayn wax ka hooseeya heerkaas.

‘Sannado wanaagsan oo la rajeynayo mustaqbalka soo socda’

Weeraryahankii hore ee reer Faransiis, ee kooxaha Arsenal iyo Barcelona Thierry Henry, ayaa dhawaan hadal uu soo saarey ku sheegay Guardiola inuu yahay “Tababarihii ugu fiicnaa abid”. Ciyaartooy kalana waxay qabaan aragti taa la mid ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City, Fernandinho, ayaa sheegay inuu tababare Guardiola kugu qancin karo ra’yigiisa, iyo waxay la tahay hadba uu ka filayo kulan ciyaareed. Kadibna wuxuu ku siinayaa dhammaan macluumaadka aad u baahan tahay, si aad u wajahdo xaaladda.

“Sida aan haatan u arko kubbadda cagta…weligay, oo weligay uma aanan arkayn sidaas oo kale, ka hor intaanan la kulmin isaga,” ayuu yiri.

Isagoo dib u xusuustay hadalladii kooxda, ka hor ciyaartii kama dambeysta ah ee horyaalka Champions League-ga, ee ay kooxda Barcelona sanadkii 2011-kii kaga badisay kooxda Manchester United. Ciyaar yahanka khadka dhexe ee, Javier Mascherano, ayaa sheegay in sida uu Guardiola u hadlay, ay la mid tahay inuu dib inoo xusuusinayo ciyaar ay halkaas ku ciyaarayeen, isagoo intaa sii raaciyey…

Wuxuu yiri: “Waxaad xirtaa indhahaaga, kana soo qaad inaad ciyaarta qeyb ka tahay, intii ay socotay ciyaarta waxaan ku fikirayay: ‘Mar hore ayaan tan arkay, Pep mar hore ayuu ii sheegay arrintaas.’

“Wax kasta oo uu yiri way dhici doonaan, waxay u dhaceen sidii uu yiri.”

Ilkay Gundogan oo ka tirsan kooxda Manchester City, ayaa ku tilmaamay inuu yahay Guardiola, nin aad u garasho wanaagsan, isla markaana daboolaya xaalad kasta oo la darista kooxda.

Sida laga soo xigtay marxuum, Johan Cruyff, laga soo bilaabo markii Guardiola uu ka shaqo bilabaay kooxda Barcelona sanadkii 2008-dii, ayaa waxa kaliya ee uu doonayay inuu sameeyo waxay ahayd, “in kubadda cagta uu ka dhigo mid wanagsan, kooxdiisa uu gaarsiiyo heer kale”. Tababarihii hore ee kooxda qaranka dalka Argentina, Jorge Sampaoli, ayaa ku tilmaamay “in Guardiola yahay tababaraha ugu maskaxda badan haatan kuwa layliya kooxaha kubadda cagta”.

Waxa uu awood u leeyahay inuu kooxdiisa si adag u dagaal galiyo, isagoo isticmaalaya dhibicda u danbeysa ee awooddiisa, isagoon waxba laharin oo micnaheedu yahay inaanu jixin jix agtiisa, haddana dhanka kale go’aan ka gaari kara ciyaar tooyda aan markaas waxba usoo kordhineyn.

Tayadaas, oo lagu jaangooyay heerka ciyaartoydiisa, ayaa ka dhigtay kooxdiisa iyo ciyaartooydaba, iyo qudhiisaba kuwa ka horreeya inta kale.

‘Waxaan u maleeyay inuu waalan yahay’ – halka iyo sida ay wax u billowdeen marka aad eegto.

Sheeko kooban oo soo koobaysa falsafada Guardiola, ayaa dhacday wax yar uun kadib markii uu qabtay shaqada kooxda Barcelona sanadkii 2008-dii.

Goolhaye Victor Valdes ayaa u sharraxay sidatan: “Waan xusuustaa wada hadalkii ugu horreeyay ee aan la yeeshay Guardiola, waxay ahayd mar uu kusugnaa xafiiskiisa garoonka Nou Camp, waxa uu haystay loox ay ku qoran tahay hannaanka taatikada ah, oo ay ku jiraan laba magnet oo yar yar oo labada dhinac ku kala dhagan, sida xarriiqda goolka meel ka baxsan halka ganaaxa. Ma og tahay labadan ciyaartooy kuwa ay yihiin?

Wuxuu yiri: ‘Kuwani waa daafacyadaada dhexe. Wax fikrad ah kama helin waxa uu ka hadlayo, wuxuuna yiri: ‘Marka aad kubbadda haysato, tani waa meesha aan doonayo inay joogto.’ Waxaan u maleeyay inuu waalan yahay.

“Kadibna wuxuu yiri: “Waxaad u gudbi doontaa iyaga, waana halkaan goobta lagu dhisi doono ciyaarta.” Waxaan weli moodayay inuu gabi ahaanba waalan yahay, laakiin markii aan nafteyda xoogaa la tashtay, waxaan dareemay inuu la socdo isaga wax waliba. Pep ayaa yiri: “Ha ka welwelin, taasi waa shaqadayda, waxaan hubin doonaa inay rabaan iyaga.” Wax walbana sidaas ayey ku billowdeen”.

Waxaa halkii aan ka galay albaabka ii furmay ee dunida cusub.

Wixii markaas ka dambeeyay, shaqadiisu waxay ahayd inuu ku qanciyo ciyaartoyda xilliyada tababarka, si ay u qabtaan waxa uu u baahan yahay inay qabtaan. Taasi waa wax kasoo horjeeda natiijada kama danbeysta ah ee inta badan ciyaartoyda kubbadda cagta.

Bal aan xasuusanno in yar sida kubbadda cagtu ay usoo martay heerar kala duwan, iyo horumarka ay haatan gaartay; waxay ka timaadaa halka uu kasoo bilaabay ciyaaraha ee waddooyinka, ciyaaryahan kasta shaqsiyaddiisa, iyo hal abuurka iyo xirfadda gaarka ah ee ciyaar yahanku lasoo ifbaxo.

Laakiin si tartiib tartiib ah, ayay waxay u noqotaa ciyaarta hannaan wadareed abaabulan. Iyadoo Guardiola uu horay u yiri “Ciyaaryahanku waa kan u qalma ammaanta oo dhan”, waxaad dareemeysaa inuu og yahay in ciyaaryahan la’aantu aysan waxba ahayn.

Manchester City, waa koox qaab ciyaareedkeedu uu aad u wanaagsan yahay. Kow iyo tobanka ciyaartoy ee garoonka ku jira dhamaantood, ayaa waxay ka shaqeeyaan hal fikrad, taasoo ah hadafka iyo riyada tababaraha.

Taasi, ayaa ah waxa kaliya uu rabo in laga jibo keeno. Waagii hore – kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona – ayaa markii uu dareemay inaysan xaqiijineyn heerka uu doonayo, wuxuu ka xir xirtay boorsooyinkiisa, si uu koox kale ugu wareego.

Guardiola iyo xiligiisii kooxda Barcelona

‘Macalin iskuul aad loo neceb yahay’

Guardiola ayaa waxa uu Kubada Cagta kusoo kordhiyey habab ciyaareed cusub.

Sanadkii 2008-dii, ayaa fikradaha Kubbadda Cagta ee jiray waagaas, waxay ku saabsanaayeen qaab-dhismeed difaac adag oo qaabaysan, kuwaasoo isbeddel degdeg ah marka danba keenaya, oo ah ciyaar weerar celis ah. Guardiola, ayaa waxa uu ahaa hormuudka hal abuurka dhisidda koox loo qaabeeyey in difaac la xirto, iyadoo taa aanan loola jeedin in si toos ah loo galo difaac, balse taa cagsigeeda, oo ah in marka ciyaarta lala wareego, durbadiibana la qaado weerar.

“Waa macallinkii ugu horreeyay ee bilaabay curinta iyo shaqeynta waxa aragti ahaan looggu yeero ‘dhismaha hannaanka ciyaarta ee weerarka’,” ayuu yiri Pep Segura, agaasimihii hore ee isboortiga kooxda Barcelona, iyo laga yaabee inuu yahay qofka sida qotada dheer u bartay saameynta ugu badan iyo dhaxalka Guardiola.

“Wuxuu ku bilaabayaa inuu ka shaqeeyo wajiga [dhismaha dhanka dambe] ka dibna waxa dhacaya marka ay kubbadu gaarto khadka dhexe, labadaas ayuu soo saaray oo bilaabay inuu ka shaqeeyo, iyo wajigii saddexaad ee diyaarinta baaskii ugu dambeeyay ee ciyaarta.”

Qaab ciyaareedkiisa iyo dalabyadiisa, ayaa waxay ku saleysan yihiin mabaadi’da fudud. Sida haysashada banooniga, u ciyaarista si fudud, oo waliba ciyaar deg deg ah.

Taasina, mararka qaarkood, kooxda, ayaa waxay ku qaadan kartaa hawl culus.

Bernardo Silva, ayaa hore u qirtay in qaar kamid ah saaxiibbadii reer Portugal, iney si joogto ah ay ula kulmayeen daal, markii ay joogeen Manchester City, sababo la xiriira ku celcelinta joogtada ah oo keeneysa daal, inkasta oo ay tahay tallaabooyinkan kuwa gaarsiiyay heerka uu maanta jooggo.

Guardiola waa sida macallinka iskoolka, oo aad kaliya u mahad celinaysay sannadaha dambe, laakiin aad necbayd xilliyada waqtiga hore, sababo la xiriira inuu wax badan kaa dalbaday.

Dhammaan ciyaartoydu kuma koraan baahidiisa tababarka degdegga ah. Kuwa horumarkaa samaynayaa sidaas ayay yeeli doonaan, sababtoo ah waxay bartaan dhamaan qeybaha xeelaha iyo aqoonta ciyaarta, meelaynta wanaagsan, iyo taageerada wanaagsan ee asxaabta kooxda.

Waxaa jira cadaadis nafsi ah oo aad u weyn oo saaran ciyaaryahanka, si uu u sameeyo waxay tahay inuu u qabto kooxda. Taas, waxaan ku aragnaa mid kamid ah sifooyinka ugu weyn ee Guardiola: awoodda uu u leeyahay inuu beddelo maskaxda, iyo fikirka ciyaartoyda aan dooneynin in la beddelo.

Tan iyo markii uu ka tagay kooxda Barcelona, waxa uu tababare u soo noqday ciyaar yahanada faro badan, sida Thomas Muller, Franck Ribery, Silva, Kevin de Bruyne, iyo Jack Grealish, kuwaasoo dhamaantood – inkastoo ay shakhsiyad xoog leh leeyihiin – haddana si wanaagsan u qaatay hannaanka iyo xeeladaha ciyaaraha ee Guardiola.

Dani Alves, ayaa mar uu Guardiola ka hadlayay xilligii kooxda Barcelona waxa uu yiri: “Haddii uu Pep ii sheegi lahaa in aan ka boodo heerka saddexaad ee ciyaaraha garoonka Nou Camp, markaas waan ka boodi lahaa, sababtoo ah waxaan u malaynayaa inay jirto sabab loo qaateen ah”.

Guardiola ayaa ah qof dareenkiisu sarreeyo xaalad kasta oo lagu jiro, had iyo jeer wuu saxayaa ciyaartooyda, mar walbana wax badan ayuu dalbanayaa. Mararka qaarkood, ciyaartoydiisu way niyad jabi karaan. Waxay ku dhacday ciyaar yahan De Bruyne intii lagu guda jiray ciyaartii adkayd ee afar – dhamaadka ee koobka Champions League ay ka badiyeen kooxda Real Madrid bishii May.

Mar waxaa jirtay, ciyaar yahankan reer Biljam, uu lumiyay kubbad heysashada, Guardiola ayaana muujiyay inuusan raalli ka aheyn. De Bruyne oo xanaaqsan ayaa ku qayliyay: “Iga aamus, waan ka dheregsanahay inaan maqlo codkaaga.”

Qeylada iyo canaanta, ayuu mar waliba isticmaalaa Guardiola, isagoo mar walibana keena ama gaara guusha. Koox kasta oo uu soo maamulay, Guardiola, ayaa waxa uu u qaabeyn jiray habka uu u fikirayo, si ku habboon, isaga oo aan waligiis ka tanaasulin hadafkiisa. Falsafadda aasaasiga ahi isma beddesho. Sidoo kalana ma sameeyo dalabaadka kaga yimaada ciyaartoyda.

Waxa uu inta badan saacadihiisa uu soo jeedo galiyaa qorshaynta habab uu hal tallaabo kaga horreeyo kuwa ka soo horjeeda. Qaabka hurdadiisa, ayaa ah mid aan caadi ahayn, iyadoo farriimaha loo diro shaqaalihiisa tababarka saacadaha hore ee subaxda. Wuxuu inta badan ku tiirsan yahay fiilooyinka dheer ee dabka soo gudbiya inta lagu jiro maalinta, si uu u buuxiyo baytarigiisa.

Wakhtiga intiisa badan waxa uu ku qaataa gudaha gurigiisa, iyadoo qoyskiisuna ay tani u noqotay hab-dhaqan. Xaaskiisa Cristina, ayaa waxay ka shaqeysaa dukaankeeda ku yaalla Barcelona, waxayna la nooshahay wiilkeeda Marius iyo gabadheeda Valentina.

Gabadhooda kale ee Maria, oo ah qof barta bulshada Instagram-ka saameyn ku leh, ayaa waxay ku nooshahay magaalada London. Qoysku ayaa waxay wada isticmaalaan diyaarad khaas ah.

Xigasho:BBC somali

Bandhige@gmail.com