Wax ka baro taariikhda Koobka Qaramada Afrika ee ka socda Gaaboon. Q.4aad. W/Q Mohamed Action

13. Senegal
Xulka Kubadda Cagta ee Senegal waxay tartanka Qaramada Afrika ka soo qeyb-galeen 13 jeer
1965, 1968, 1986, 1990, 1992, 1994, 2000, 2002, 2004, 2006, 2008, 2012, 2015.
-Xulka Qaranka ee Senegal heerka ugu sarreeya ee ay ka gaadheen tartanka Ciyaaraha Qaramada Afrika, waxay soo gaadheen kulanka kama dambaysta ah 2002 halkaas oo lagaga guulaystay
-Laacibka ugu caansan ee Xulka Qaranka ee Senegal waa Sadio Mane oo dhanka weerar caawiyaha uga ciyaara Kooxda Liverpool ee waddanka England
 
14. Togo
Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Togo waxay tartankan ka soo qeyb gashay 8 jeer
1972, 1984, 1998, 2000, 2002, 2006, 2010, 2013.
-Xulka Qaranka ee Togo heerka ugu sarreeyay ee ay ka gaadho tartankan Qaramada Afrika waa Afar-dhamaadka ee sanadkii 2013
-Laacibka ugu caansan ee xulka qaranka Togo waa Emmanuel Adebayor oo weerarka uga ciyaara kooxda ka dhisan dalka England ee Crystal Palace
 
15. Uganda
Xulka Qaranka Uganda waxay tartankan Qaramada Afrika ka soo qeyb-galeen 5 jeer
1962, 1968, 1972, 1974, 1978
-xulka Qaranka ee Uganda heerka ugu sarreeya ee ay ka gaadheen tartanka Qaramada Afrika waxay gaadheen kulanka kama dambaysta ah sanadkii 1978 halkaas oo lagaga guulaystay.
-Laacibka ugu caansan ee xulka Qaranka Uganda waa Denis Onyango oo gool-haye u ah naadiga Mamelodi Sundowns ee ka dhisan waddanka South Africa
 
16. Zimbabwe
Xulka Qaranka ee Zimbabwe waxay tartankan Qaramada Afrika ka soo qeyb-gashay 2 jeer
2004, 2006.
-Xulka Qaranka Zimbabwe heerka ugu sarreeya ee ay ka gaadheen waxa uu ahaa heerka group-yada
-Laacibka ugu caansan ee xulka qaranka Zimbabwe waa Knowledge Musona oo weerarka uga ciyaara naadiga K.V. Oostende oo ka dhisan dalka Belgium
 
                                                                                  Dhammaad
Waxaa Turjumay: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
Waxaan ka soo xigtay: hihi2.com
Hoos ka akhriso saddexdii qaybood ee hore