Wax ka baro taariikhda Koobka Qaramada Afrika ee ka socda Gaaboon. Qeybtii Koowaad. W/Q Mohamed Action

 

Koobka Qaramada Afrika ayaa shalay Sabtidii ka bilaabmay dalka Gaaboon, waana kii 31-aad muddo lixdan sanno ah.  Si aad taariikhda Koobkan wax uga fahantaan, waxan halkan idiinku soo gudbinayaa guudmar kooban oo taxabe ah ku saabsan taariikhda Koobka Afrika:

  1. Gabon: oo ah dalka marti-gelinaya tartanka 31 aad ee tartanka Qaramada Afrika, wuxuu tartankan ka soo qeyb galay (6 jeer)

1994, 1996, 2000, 2010, 2012, 2015

– heerka ugu sarreeya uu ka gaadhay waxay ahayd Afar-dhamaadka sanadihii 1996 iyo 2012

– laacibka ugu caansan ee xulka Gabon (Biyeer Obomiyaang oo afka hore uga ciyaara kooxda Buruusiyo Dootmoond ee Dalka Jarmalka)

  1. Dalka Jasaa’ir waxay ka soo qeyb gashay tartankan koobka qaramada Afrika 16 jeer

1968, 1980, 1982, 1984, 1986, 1988, 1990, 1992, 1996, 1998, 2000, 2002, 2004, 2010, 2013 iyo 2015

– Koobkan waxay ku guulaysatay hal mar oo ahayd 1990-kii

– Laacibka ugu caansan ee ay tartankan la timi waa (Riyaad Maxris oo u ciyaara kooxda Lester City ee ka dhisan Dalka Ingiriiska

3.  Tunisia: waxay ka soo qeyb gashay tartankan Qaramada Afrika 17 jeer

1962, 1963, 1965, 1978, 1982, 1994, 1996, 1998, 2000, 2002, 2004, 2006, 2008, 2010, 2012, 2013, 2015

– Tartankan waxay ku guulaysatay hal mar (2004-kii)

– Laacibka ugu caansan ee Xulka Tuuniisiya

Ayman Cabdi Nuur oo u difaac ah una ciyaara kooxda Valencia ee dalka Spain

  1. Egypt: Tartankan waxay ka soo qeyb-galeen 22 jeer

1957, 1959, 1962, 1963, 1970, 1974, 1976, 1980, 1984, 1986, 1988, 1990, 1992, 1994, 1996, 1998, 2000, 2002, 2004, 2006, 2008, 2010.

-Waxay tartankan Qaramada Afrika ku guulaysatay 7 jeer

1957, 1959, 1986, 1998, 2006, 2008, 2010

-Laacibka ugu caansan ee xulka Qaranka Masar waa (Maxamed Salaax oo weerarka uga ciyaara Kooxda Roma ee ka dhisan Dalka Talyaaniga)

La soco…….

Waxaa Turjumay: Maxamed Jaamac Meygaag

Waxaan ka soo xigtay: hihi2.com

Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

Faallo: Doodaha muddo kordhinta iyo xisbiyada

Somaliland Goormay Curdin-nimada ka baxaysaa?

Maxaa innagu cusub

18KA MAY: KU XUS WAX-QABAD

MA QIIRAA MISE WAA QARAAR?

Qalinleyda: Hadalkiina iyo qoraalkiinu ha is yeesho

Ku-dayasho indho-la’aaneed

Maxay isku casileen

Laba aan is qaban

Masuul, ha ballan-qaadin wax aanad fulinayn!

Action50@gmail.com

Hargeysa, Somaliland