Dawlad Hoose: Dan iyo Dareen (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Hordhac

Dawladda Hoose waa hay’adda dawladeed ee dadka ugu dhaw. Waxay u xilsaaran tahay daryeelka iyo u adeega dadka deegaanka. Adeeg bay bixisaa aan laga maarmin. Dadka deegaanka ayaa ku tiirsan adeegyada kala duwan ee ay bixiso, la’aantood na, noloshu ba cidhiidhi bay gali lahayd. Dadweynaha iyo dawladda hoose ma kala maarmaan oo dan baa isku toshay. Dawladda hoose bulshada kama maaranto oo la’aantood jiri mayso, dakhlina soo hoyn mayso, cid ay u shaqeyso oo ay meesha u joogtaana, shacabka la’aantood lama arko. Dadkuna kama maarmaanoo adeegyo muhiim ah oo aanay la’aantood nololi ba suuroobayn ayaa kaga xidhan dawladda hoose. Xaaladdaha adeegga dawladda hoose si wacan u fullo, dadkuna ay dareemaan inay tallada iyo maamulka qayb ka yihiin, sharciyadda maamulka ayaa sii adkaata. Marka lacagtii laga ururiyey shacabka adeeg hufan loogu beddello, qaab isla xisaabtan oo banaanyaal ahna la hirgaliyo, natiijo lagu diirsado ayaa dhalata. Kalsooni iyo is aaminaad ayaa abuurma, isla markaana si hagar la’aan ah ayaa loo wada shaqeeyaa. Nabadda ayaa sii xoogaysata, ka dibna bulsho iyo maamul isku ujeedo ah, dhan u wada jeeda oo xidhiidh adagi ka dhexeeyo ayaa soo baxda. Isfahankaas iyo wada shaqayntaasi, rukunno sal adag ayay u noqdaan maamulka, dawlad wanaagga iyo adeegbixinta.

Adeegbixin

Xeerarku waxay dawladda hoose ku waajibiyeen bixinta adeegyo badan oo nolosha aan looga maarmin. Waxa ka mid ah basrinta qashinka, xoojinta iyo kor u qaadista nabadda, wanaajinta xukunka dawliga ah, bixinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, horumarinta deegaanka, dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha iwm. Intii aan dawlad uga baahnayd ba, waxa laga rabaa inaad ka hesho dawladda hoose ee kuugu dhaw. Falsafada ka danbaysaa waa maamuldaadejin iyo in adeegyada aasaasiga ah laga fuliyo xafiiska dawladeed ee dadka ugu dhaw, loo fuliyo, sida ugu kharash yar ee ugu wax ku oolsan (subsidiarity principle). Ha yeeshee awooddii (tamar iyo dhaqaaleba) lagu fulin lahaa adeegyadaasi oo dhammi ma cadda, xeerarkuna way ka aamusan yihiin. Kabka oo ah il dhaqaale oo muhiim ah oo laga maalgalin lahaa adeegyada dadweynuhu, ayaandarro ma u nidaamsana qaab saacidaya adeegbixin isku dheelitiran.

Isfahandarro

Beryahan danbe, awoodda dawladaha hoose aad bay u soo kobcaysaa. Dakhliga ay soo saaraani aad buu kor ugu kacay, adeegbixnitu way ka soo raynaysaa, nidaamyo iyo qaabab shaqo oo casri ah ayaa la hirgaliyey. Waxa kale oo dhab ah in dhaliil badani jirto, halka la joogo meel ka wacanna la gaadhi kari lahaa haddii tab iyo xeelad inta hadda la adeegsaday ka xikmad badan la la yimaado. Yeelkeede, isfahandarro wayn ayaa haddanna wali jirta, tabasho ayaana la kala qabaa. Adigu, ka muwaadin ahaan, kolay cabasho adeeg xummo ah baad qabtaa. In lacag uun lagaa qaado oo aan waxba laguu gu qaban ayaad aaminsan tahay. Inaanad biyo nadiif ah helin, qashinka lagaa basrin, waxbarasho tayo leh oo bilaa lacag ah aanad helin ayaad ka cabanaysaa. Inaanad si fudud u heli karin saraakiishii aad dooratay ayaad ka cabanaysaa, haddii aad heshana ay qiimo sare kugu kacayso. Waxaad aaminsan tahay marka aad adeeg uga baahato xafiisyada dawladda hoose, kaadhka dhalashada oo aad la sooo baxaysana ha noqotee, inaanad si fudud u helayn ilaa aad wax dhaqdhaqaajiso. Inaan tallada xaafadaada waxba lagaa waydiin ayaad ka boodsan tahay; in maamulka maxaliga ahi cashuurta uun kaa qaado ee halka lagu bixinayo waxba kaa tala galin ayaad ka xanaaqsan tahay. Wax waydiini ha danbaysee, inaanay waxba iskaga kaa tirin ayaad la dhakafaarsan tahay. Xisaabcelin iyada hadalkeedaba daa. Waxaad u qabtaa inaad xaq u leedahay inaad odoroska iyo jaangoynta miisaaniyada ka tala bixiso, hadhawna xisaabcelin hesho, ama ugu yaraan ruux kaa wakiil ahi helo. Isku soo wada xoorriyoo xafiiska dawladda hoose kama maarantid, haddana xero jin baad u taqaan.

Dhinaca kale, saraakiisha dawladda hoose markaad la sheekaysato, muwaadinka cabasho ayay ka qabaan oo wax bay ka tirsanayaan. Cashuur inaanad bixin ayay kugu eedaynayaan. Marka biilka cashuurta laguu keeno inaad shaqaalaha sanka lacag ka marmariso si aad cashuurta kugu waajibtay uga muquurato ayay kugu dhaliilayaan. Inaad qashinka gurigaaga ka soo qaado haddana shaaricyada dhigto ayay kaaga cabanayaan. In bulaacaddii meheradaada aad dariiqa ku rushaysay oo hawadii iyo deegaankiiba aad sadhaysay ayay kaa tirsanayaan. Inaad dhawr mitir dariiqii gurigaaga hormarayay sifo sharci darro ah u soo gashay ayaa lagugu haystaa. Mararka dhifka ah ee sharciga lagu gu fulliyana inaad galaangal badan tahay oo aan lagaa nasan ayay ka cabanayaan. Waxay qabaan inaad raadinayso danaysi gaar ah oo aan dabar lahayn haddanna loo fuliyo si danta guud lid ku ah. Haa fikradaas ayay dad badan ka haystaan. Iyaguna kaama maarmaan haddana xadhig lama sitaan ayay kuu arkaan. Labadiina dhinacba cabasho waad kala qabtaan, garawshiiyana ma muuqdo. Inaad wada fadhiisataan, wada hadashaan oo aad is xaal waraysataan, waxaad ka jeceshihiin inaad is eedaysaan. Isku soo dhawaansho aan caggo adag ku taagnayn isaga meesha ha ka saarin.

Hay’ad-dhis

Mid ay wax ka jiraanba, asalka dhibtu wuxuun buu ku qotomaa qaab fikir qaldan iyo qaran-dhis qaloocday. Milil korkii ayaa la dhayayaa, ma se la rabo in naburka si wacan loo bogsiiyo. Madaxda laga cabanayo muwaadiniinta uun baa reernimo ku keenay. Codbixiyaha ayaan ka fiirsan cidda ay tallada u dhiibanayaan. Shicibka ayaa gacanta u galiyay awood ay ku go’aamiyaan qarraarro nolosha dhabta ah taabanaya, marka ololku gaadhana calaacal ku danbaynaya. Haa sow codbixiyuhu reero kuma dooran halkii uu ka qiimayn lahay kartida, hufnaanta iyo ammaanada xubnaha damaca leh. Sow bulshadu aqoontii iyo kartidii kamay dhigin wax aan waqtiga la socon karin. Boobkii iyo afmiishaarnimadiina sow looma fahmin ragganimo la is dheer yahay. Ma bulshada ayaan ahayn mid ninka daacadda ah ducuf u aragta; ka digdigta badan ee xaqa daaha saarayana halyey u taqaan. Ma in badan oo dadka ah ayaanu halyey u ahayn ruux xoolihii ummadda dhacay, indhahooga oo shan ah na ka hodmay. Sow la iskuma dhiirigaliyo dhaca iyo boobka; ruuxa ka dhawrsadana sow wax ma tare liita looma yaqaano. Sow dadku ma qiimo ridaan oo kuma digtaan ninka aaminka ah, aakhiradiisa u tudha ee tolka inta la wada leeyahay geed kaga xidha. Doorashadu sow xaraash oo kale ma noqon, ka ugu jeebka wayni guulaysto. Sow hadalka iyo ficilku ma kala foga. Cadaalad sow lama wada rabo, haddana ruux wal baa sow in gooni loogu raxeeyo dooni maayo. Horta ma la rabaa in la la xisaabtano saraakiisha xilka loo dhiibay, haddii ay wax ku soo baxaanna, dhab ma tahay inay cadaaladda waajahaan. Ma la hubaa inaan hadhow reero la kala noqon oo qaar difaac mutuxan isla soo taagin goorta (iyo haddiiba) la soo golejoojiyo hebelo la wada ogyahay in ay yihiin waxmatarayaal wax badani ku maqan yihiin?

Nidaamka dhisani sow ma dhiirigaliyo kala tag bulsho, dabaqado iyo kala sarrayn bulsho. Sow caado lagama dhigan si ka duwan sida ay u dhaqmaan quruumaha qaangaadhay ee ku dadaala inay bulshada isku wadaan, sinaanta hirgaliya isla markaana sugga nidaam loo dhan yahay oo qayb laga wada yahay. Sow lagama wada dharagsana in nidaam xumaddu ay nacab ku tahay qarandhiska, nuglaan qaranimo iyo xasarad aloosna horseed u tahay, haddanna sow heshiis laguma aha ku sii socodka dariiqaas.

Gunaanad

In gole deegaan oo la soo doortay ku metelaa, waa astaan ilbaxnimo iyo horusocodnimo. Waa maamuldaadejin iyo ka qaybgal bulsho. In dib loo noqdaa, waa dib u gurasho, tirtirida raadadka qarandhiska iyo maamulwanaagga. In sida ay yihiin lagu daystaanna, kob doog leh reerka furi mayso. Xeerkii lagu dhaqayay dawladaha hoose mar haddii maanta dib u eegis lagu samaynayo, garashadu waxay ina faraysaa in wixii qaloocday, maanta la toosiyo. Waayoaragnimadii la kasbaday in laga faa’iidaysto oo qaladaadkii hore laga leexdaa waa lama hurraan. Waa in la iska jiraa in raad arooryo dib loo raaco. Intan hoos ku taxan haddii ilgaar ah lagu eego, la arkee inay inoogu badiso:

Tirada golaha deegaanka ee faraha badan waxba lagama dheefee, waa in aad loo dhimaa. Magaalooyinka waawayn oo dhan, toddoba xubnood oo dalka lexejeclo ka hayso ayaa ku fillan. Xubnahaasi waa inaanay noqon xubno soo shaqa tagaye, ha lagu dadaalo inay noqdaan dad isku fillan, danta iyo horumarka magaaladda ka talinaya. Maalin walba inay soo shaqo tagaan ma loo baahna, balse ha ku koobnaadaan, maalmaha ansixinta qorshe-hawleedka, miisaaniyadda iyo isla xisaabtanka. Gunno fadhi ayay xaq u yeelanayaan.

Duqa magaaladda iyo ku xigeenkiisa toos ha loo soo doorto oo cod dadweyne ha ku yimaadaan. Xubnaha doorasho ku yimaadda kalsooni dadweyne ayay siinaysaa, isla xisaabtanku xubnaha la doortay iyo dadweynaha ayuu ka dhaxaynayaa, xubno aqoon, karti iyo damac lihina inay tartanka soo galaan la arkee.

Xoghayaha dawladda hoose ha laga daayo soo magacwga oo ha loo tartamo. Waa hawlbawlaha shaqada wada’e qofka kaalintan loo xulanayaa karti, aqoon iyo khibrad ha ku soo baxo. Tartan furan ha ku yimaado shakhsiga kaalintan buuxinyaa, maamul ahaanna, mas’uulka degmadda ee tooska loo soo doortay ha hoos tago. shaqsiga tartanka ku guulaysta, wasaaradda arrimaha guduhu wareegto ha ku soo saarto.

Dadweynuhu cashuurta kuShaqsiga tartanka furan ku guulaysta, wasaaradda arrimaha guduhu wareegto ha ku soo magacawdo waajibtay ha bixiyaan, wasaaradda maaliyadda iyo arrimaha guduhuna ha hubiyaan in miisaaniyadda loo soo gudbiyey ay ka jawaabayso baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada. Degmooyinka darajada koowaad (A), waa in lagula xisaabtamaa in kabku boqolkiiba boqol horumar galaa ee aan loo isticmaali karin kharashka joogtada ah. Wasaaradda maaliyaduna waa inay kabkaa ka dhigtaa mid daahfuran, la sii ogyahay, lagu xisaabtami karo, goortiisana la helaa.

Hantidhawrka gudaha waa in la xoojiyaa. Maaha uun dabagalka lacagta’e, waa inuu hubiyaa in qorshe hawleedkii iyo miisaaniyaddii la ansixiyey sidii loo ansixiyey loo fulliyey. Ha madaxbanaanaado, warbixin sanadeed dadka degmadda la la wadaagana waa inuu soo saaraa.

Magaalooyin badan qashinka shirkado ganacsi ayay ku wareejiyeen. Ha yeeshee shirkadahaasi sida lagu qaatay, heshiiska la la galay iyo sida loo kormeeraaba inta badan wax cad maaha. Waxaanay u muuqataa in dawladaha hoose kaga baxsanayaan mas’uuliyaddii aasaasiga ahayd ee ka saarnayd fayadhawrka deegaanka. Fashilka maaraynta qashinku waa cunsurka u muhiimsan ee sii kala dilla maamulka degmada iyo dadweynaha. Markaa waxa lamahurraan ah, haddii dawladda hoose basrinta qashinka cid gaar ah ku wareejinayso in loo maamulo si banaanyaal ah, cidda lagu wareejinayaa ay leedahay awooddii ay ku wadi lahayd hawsha, diyaar u tahay inay maalgalin samayso, dawladda hoosena kormeer joogto ah ku haysaa.

Mashaariicda horumarku dabagal iyo dayactir ha yeeshaan. Waa la awoodaaye, ha loo hagarbaxo oo jidka lagu dhisay boqol kun oo dollar, marka uu konton doolar oo dayactir ah u baahan yahay ha loo hurro ka hor inta aanu boqol kun oo kale kaa doonin.

Dhulka ganacsiga noqday, gacanta maamulka ha lagu soo celiyo. Muwaadin walbaa xaq ayuu u leeyahay inuu helo dhul uu dego, inuuse arlo dhan weegaarto oo dadka degsiimada u baahana ku dhiigmiirto xaq uma laha. Dawladda hoose dadka dhulkaa ka ganacsada amar ha ku siiso inay sanad gudihii ku dhistaan, waanay ahayn cashuurta dhulka la iska ootay, aad ha uga sarayso, ta guryaha la degan yahay, tanaasulna ayaanu ka furnaan.

Magaalooyinkii waa lagu soo qulqulayaa, si xawli ahna way u fidiyaan, adeegyadiina inay hoos u dhacaan mooyee, la kori maayaan magaalooyinka. Halkan qorshayn magaalo oo lagu ladhay qorshe adeegbixin oo dheelitiran ayaa lamahurraan noqonaya.

Ugu danbayn dadku ha fahmeen maalinta codkoodu mustaqblkooda sarjarayo. Meel ma wada gali karaane, hala kala daayo in marka horena caadifad wax lagu doorto, marka xannuunku cid walba taabtanna, cataw lagu danbeeyo. Aragti qabyaaladdi sal u tahay iyo cod xaraash ah midhahoogii la aragye, armaa la joogaa goortii wax ka aayo roon looga wareegi lahaa. Armaa la gaadhay goortii waxtar iyo waxqabad wax lagu kala xulan lahaa. Karti iyo hufnaanta hebelada borotamayaa hal-muceed caaqibo leh sow ma noqdeen? Alle ka cabsi iyo ammaano sow ma habboona in laga horaysiiyo xigtanimada? Dhismaha hay’ado dawladeed oo dhidibo adag ku taagan, sharcigu sal u yahay, ogol isla xisaabtan, aragti lagu haggo ma la samayn kari waayay, mise waan loo hagarbixin? Ma la dhiirigalin karaa oo halbeeg ma laga dhigan karaa hoggaan la soo jirrabay, lagu hirto oo hiraal iyo aragti leh? Saw lama heli karo dawlad hoose oo u dabacsan dadkeeda, diyaar u ah inay ka jawaabto baahiyaha bulshada, yoolkeeduna yahay adeegbixin loo siman yahay.

Intan isku darkoodu sida loo helaa ma hawlyara oo caqabado badan ayaa ku gudban, waase la qaban karaa hadii loo guntado.

Afeef: fikradaha uu qorraalkani xambaarsan yahay waa arragtidayda shakhsiga ah, xafiis, koox iyo urur toona looma nisbayn karo.

Qallinkii. Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Hoos ka akhri maqaalladii hore oo uu qoray Cabdiraxmaan Aadan:

Tusmadii Waasuge: (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Waalidka Maanta (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Ardaynimada: Shalay iyo Maanta (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Barashadii teebka (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.1aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.2aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.3aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.4aad, (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Adeegsame Aleenkayga! (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Muuqaalku Waa Dage (Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Bal muxuu ku dhintay? (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Fellow Africans Suffer in South Africa