Doqomada iyo doorka culimada (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Labadii bilood ee ina dhaafay waxa jiray kulamo is daba joog ahaa oo ay culimada Soomaaliland kaga arrinsanayeen sidii wax looga qaban lahaa arrimo xasaasi ah oo taagnaa.

Saddex arrimood ayaa xoogga la saaray sidii wax looga qaban lahaa:

1- Sidii loo Xallin lahaa colaadda Dararweyne.

2- Sidii loo baajin lahaa dagaal Tukaraq ka dhaca.

3- Sidii loo dejin lahaa dareenka qabyaaladeed ee taagan, kana dhashay doorashadii halkan ka dhacday

Culimadu arrimahaas waxa ay kala hadleen dadka ay khusayso qaybo ka mid ah, oo debed iyo gudaba leh.

Muddadii arrimahaas la falanqaynayey culimadu waxa ay yeeshee kullamo badan oo Hargeysa iyo Burco ka dhacay.

Saddexdaa arrimoodba waxa ay culimadu kala hadleen oo ay kulan laba saacadood qaatay qasriga madaxtooyada kula yeesheen Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi iyo koox wasiiradiisa ka mid ahaa oo wehelinayey, si fiicanna waa la isugu af gartay arrimahaas iyo kuwo kaleba.

Culimadu waxa ay guddi xog raadin ah u direen deegaanka Dararweyne, waxaanay la kulmeen labada raas ee colaaddu dhex taallo, ka dib guddi culimo ah oo metelayey dhammaan gobollada Soomaaliland ayaa isugu tegay magaalada Burco shirna ku yeeshay Palaza Hotel.

Halkaa waxa laga soo saaray go’aamo, waxaana la gooyey guddi culimo oo dib u heshiisiinta labada beelood gasha, waxaana la isla gartay in doorkan culimada loo daayo nabadaynta labada beelood ee halkaas ku diriray.

Waxa kale oo laga warramay xaaladda baahiyeed ee meeshaas taalla iyo sidii gurmad looga geli lahaa dad badanna arrintan waa lagala hadlay isla markaana mucaawino kooban ayey culimada qaarkood gaadhsiiyeen labada beelood.

Hawsha dib u heshiisiinta markii lala wadaagay xukuumadda waxa culimada ku soo noqday jawaab odhanaysa hab dawladeed oo guurtida iyo arrimaha guduhu hoggaaminayaan ayaa hawshaa gelaysa ee culimo idinka oo mahadsan iska nasta.

Culimadu waxa ay aqbaleen go’aanka xukuumadda iyaga oo dhinaca kalena ballan qaaday in ay ku xoojin doonaan wixii talo iyo waanoba ah labada dhinac iyo guddida hawshaas loo xilsaarayba.

Culimada habdhaqankooda toosinta bulshadu waa mid dabeecad gaar ah leh, marka laga yimaaddo manaabirta caamka ah ee masaajidda iyo meelaha la midka ah oo ay farriintooda ku gudbiyaan, waxa ay si naseexo ah ugala hadlaan hadba arrimaha taagan cidda ay khusayso, iyaga oo aan miidhiyaha iska muujin, sababtuna waa laba arrimood oo keliya:

1- Nasiixada ay gudbinayaan in la aqbalo, iyana ajar ku helaan ayaa muhiim u ah iyaga.

2- Sida mucaaradku yeelo ama muxaafidkuba wax sheeggooda iyo naseexadooda midna darajo iyo cod kagama doonayaan bulshada  sidaa awgeed ayaanay saxaafadda isugu soo xoomin.

Intan sheegiddeeda maan jeclayn, waxase igu kellifay kuwo doqmo ah oo aan masaajidda aqoonin, isla markaana shayaadiintu u adeegsato magacdilka culimada iyo xushmo tiridda diinta iyo ehelkeeda oo meelahaas ka yidhaahda culimadii meeday?, maxay waxaas uga hadli waayeen? Doolar baan ugu jirin, waa ganacsato naftooda u nool iwm !

 

Afku idin qalloocay, maxay naxli afuufayaan.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder – 07/3/2018