Faaidooyinka laga helo Biyaha liin dhananta (WQ: Dr. Liibaan)

Wan ogahay in Aqriska necban tahay balse 1 daqiqo kaliya isi si an kugu so gudbiyo talooyinkaan laga yaabo inay ku anfacaan waxna iska bedeli donaan.

1= Cabbida Biyaha liinta leh calooshada oo maran (Eber ah) waxay ka cawinaysaa in jirkaaga ka saarto sunta.

 

2= Cabidda liinta waxay jirkaaga ka cawineysaa inuu joogteeyo xadka PH-ta (Potential Hydrogen).

 

3= Liinta waxay la dagaalantaa Bakteeriyadda xidmaha,  waayo waxaa ku jirta Maado layiraahdo PECTIN FIBER taaso faaido u ah xiidmaha mardhiciradda yar yar.

4= Biyaha Diiran oo liinta leh waxat ka cawiyaan in dheefshiidkagu si fican u shaqeeyo sababtoo ah waxaa ku jirta CITRIC ACID  taaso ah maado la falgasha dhecaanadda kle ee qaabilsan dheefshiidka si loo yareeyo qatarta ka imaan karta cabitaanada laga dhaxlo boog calooleedka (Peptic Ulcers | Gastritis ).

5= Biyaha liinta leh waxay nadifiyaan beerka ,  waxay ka caawineysaa in beerkagu si sahlan iskaga saaro sunta.

6= Biyaha liinta waxay la dagaalamaan infekshanada  ku dhaca Hawo-mareenka Respiratory Infection ) sida nabarada qoorta iyo Caabuqyada ku dhaca Qumanka.

7=Biyaha liinta leh waxay ka caawinayan Misaan dhimista (Weight Loss) waayo waxaa ku jirta PECTIN FIBER oo ah maado la dagaalanta Xeerta / Dufanta.

8= Liinta waxay faaido u tahay ama ilaalisaa Difaaca jirka (Immune System) waayo liinta waxaa ku jira Vitamin C.

9= Liinta waxay ka kooban tahay  CALCIUM, MAGNESIUM, POTASSIUM, CITRIC ACID, PHOSPHORUS, iyo kuwo kale oo badan faaido badana leh.