𝘿𝙃𝙐𝙇𝙆𝘼 𝘿𝘼𝙉𝙏𝘼 𝙂𝙐𝙐𝘿 𝘼𝙃 𝙀𝙀 𝘿𝘼𝙒𝙇𝘼𝘿𝙐 𝙄𝙄𝘽𝙄𝙎𝘼𝙔 𝙎𝙄𝙁𝙄𝙃𝙄𝙄 𝙎𝙃𝘼𝙍𝘾𝙄𝙂𝘼 𝘼𝙃𝘼𝘼 𝙈𝘼𝙇𝘼 𝙈𝘼𝙍𝙄𝙔𝙀𝙔 ? ..W/Q:(Mohamed Abdi Jama Dhimbiil) 

 

𝘿𝙃𝙐𝙇𝙆𝘼 𝘿𝘼𝙉𝙏𝘼 𝙂𝙐𝙐𝘿 𝘼𝙃 𝙀𝙀 𝘿𝘼𝙒𝙇𝘼𝘿𝙐 𝙄𝙄𝘽𝙄𝙎𝘼𝙔 𝙎𝙄𝙁𝙄𝙃𝙄𝙄 𝙎𝙃𝘼𝙍𝘾𝙄𝙂𝘼 𝘼𝙃𝘼𝘼 𝙈𝘼𝙇𝘼 𝙈𝘼𝙍𝙄𝙔𝙀𝙔 ?

Sida ku cad dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 12naad faqradiisa 1aad waxa ay cadeynaysaa in dhulku yahay hantiguud oo ka dhexeeya ummadda masuuliyadiisana dawlada ayaa leh.

Dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 12naad faqradiisa 3aad na waxa ay cadeynaysaa in xukuumadu awood u leedahay in ay yeelato, gacanta ku hayso hanti guurto ah iyo hanti ma guurto ahba , inay iibsato ,iibiso , kireyso ku badelato qiimo u dhigma ama ku sameyso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

Dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 12naad faqradiisa 5naad waxa ay qeexaysaa ; Hantida guud ee lahaansheheega ama ka faaiideysigeega loo baahdo in la wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.

Xeerka dhulka xeer lr.17 qodobkiisa 31naad wuxuu leeyahay sida tan ;

1- waxii dhul dawladeed ah ee loo arko in laga iibiyo qof , shirkad , safaarad iwm ah ee leh sifo la ogolaaday waxa iibin kara oo kaliya dawlada dhexe oo ay ka wakiil yihiin gudi qaran oo ka kooban ;

a) wasiirka wasaarada hawlaha guud Gudoomiye .

b) wasiirka wasaarada maaliyada xubin.

C) xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Xubin.

d) Hantidhawraha guud ee qaranka xoghayn .

2- Hadii dan loo arko dhisme ay dawladu leedahay waxa loo raacayaa sidan;

a) dhismaha dawlada hoose ee degmo leedahay waxaa iibkiisa ogolaanaya golaha deegaanka ee degmada , ka dibna waa la naadinayaa si loogu tartamo.

b) dhismaha dawlada dhexe leedahay waxa iibkiisa soo jeedinaya gudiga qaran ee ku sheegan faqrada 1aad ee qodobkan waxaana ogolonaaya madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland.

Marka intaasi laga yimaado xeer lr.17 qodobkiisa 8aad faqradiisa 1 & 2 waxa ay si wanaagsan u qeexayaan dhulka ka reeban in dawlada hoose iibiso .

Haddaba dhulka danta guud ah ee la iibiyey inooma muuqdo mid la mariyey sifihii sharciga ahaa , sidoo kale la inooma sheegin ama dadka looma soo bandhigin in qiimihii ku munaasibka ahaa lagu iibiyey , sidoo kale baahida rasmiga ah ee keentay in dhul danguud ah iuo dhismayaal dawladeed oo dalku baahi weyn u qabay in la iibiyo waxa keenay.

Maadaama dhulka iyo dhismeyaasha dantaguud ahi ay yihiin hanti umadeed hadii aan sharciga loo raacin kuwan iyo kuwii ka horeeyayba waa lagula xisaabtamayaa ee hala ogaado .

 

Mohamed Abdi Jama Dhimbiil

Bandhige@gmail.com