𝐁𝐚𝐥 𝐔 𝐅𝐢𝐢𝐫𝐬𝐨. W/Q:(Dr-Abdikarim D Hassan)

𝐁𝐚𝐥 𝐔 𝐅𝐢𝐢𝐫𝐬𝐨

Dagaalkii reer galbeedka oo Maraykan hogaaminayo ay Falastiin ku qaadeen wali wuu socdaa, waanu sii xoogaystay, bahalnimada wuu sii kordhaysaa, damiir la’aanta iyo munaafaqaduna way sii qaawismaysaa. Balse, waxa jira dowladu carbeed oo Muslimnimo ku magacaaban oo intaasba reer galbeedka la wadaaga, kana sii daran.

𝐖𝐢𝐥𝐥𝐢𝐚𝐦 𝐅. 𝐖𝐞𝐜𝐡𝐬𝐥𝐞𝐫 waa maamule sare oo ka ah xarunta 𝑹𝒂𝒇𝒊𝒌 𝑯𝒂𝒓𝒊𝒓𝒊 𝑪𝒆𝒏𝒕𝒆𝒓 & 𝑴𝒊𝒅𝒅𝒍𝒆 𝑬𝒂𝒔𝒕 𝒑𝒓𝒐𝒈𝒓𝒂𝒎𝒔, waana xubin joogto ah oo ka tirsan 𝑻𝒉𝒆 𝑨𝒕𝒍𝒂𝒏𝒕𝒊𝒄 𝑪𝒐𝒖𝒏𝒄𝒊𝒍 waxa uu ka faaloonayaa booqasho uu 7 𝑶𝒄𝒕𝒐𝒃𝒆𝒓 kadib ku tegay Israel iyo wadamada gacanka carbeed ee UAE iyo Bahrain. Waxa uu leeyahay isagoo ka waramaya mowqifka Imaaraadka:

“Inta badan madaxda aan halkan ugu imid ee aan la sheekaystay waxay rajaynayaan in Israa’iil tirtirto Xamaas, howshaasna si degdeg ah ay u fuliso, ka hor inta dareenka bulshada Carabtu aanay faraha ka bixin oo aan la maarayn kari waayin”

Imaaraadku waa dowladda keli ah ee Xamaas oo keli ah eeda dagaalka dusha u saaray. Waxay Xamaas u aqoonsan tahay urur argagixiso. Sidoo kale, Imaaraadku waa dowlada keli ah ee Bariga dhexe ku taal ee howl galkii Xamaas qaaday todobadii October ku sifaysay inuu halis ku yahay gobolka oo dhan “dangerous to the region.” Sadex xagalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Baxrayn, waa saddexda dal oo hormuudka u ah waxa loogu yeedho Abraham Accords, waxayna ka shaqaynayaan in lasoo afjaro gebi ahaanba qadiyada Falastiin.

Madaxda Imaaraadku waxay Israa’iil uga digeen inay ogolaato wada hadal ay Xamaas la gasho, iyo in ay dagaalka joojiso iyadoo aan si kama danbays ah u burburin Xamaas, Haddii taasi dhacdo, Xamaas waxay noqon doontaa awood aan si fudud looga takhalusi karin waxaana is bedeli doona dhamaan qorshayaasha Imaaraadka, Maraykan, Isra iyo xulafadoodu ay la damacsan yihiin Bariga Dhexe.

Dagaalka Falastiiniyiinta lagu wado waxa uu bedelayaa gebi ahaanba siyaasada iyo awoodaha Bariga dhexe. Haddii Xamaas cagta la mariyo waxay ka dhigan tahay in laga guulaystay dhamaan awoodaha Yuhuuda iyo Reer galbeedka ay is hayaan- Xisbu- Llah, Ururada Suuriya, Iiraan, iyo Xuusiyiinta intaba guul daro xoog leh ayaa soo gaadhaysa. Haddii Israa’iil ay u suuro gasho inay Xamaas xasuuqdo, waxay si kalsooni leh ugu gudbi doontoo Xisbu Llah iyo Suuriya. Taasi oo ka dhigan in la jaray gacantii dheerayd ee Iiraan la tiigsan jirtay dowlada Yuhuuda, markay edeb darooto.