𝐃𝐡𝐮𝐮𝐱 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐮𝐠𝐨 ! W/X:(Dr-Abdikarim D Hassan)

Marka Ilaahay inooga waramayo sheekada Nebi Ciise dhalashadiisa suurada Maryam,waxa ku jirta in Maryam fooshu ku qabatay geed timir ah hoostiis. Geedka miyay ku agnoolayd, mise socoto ayay goobta ku ahayd la inooma sheeegin, laakiin waxa aayadu sheegaysaa in halkaa fooshu ugu timid

“فَأَجَاءَهَا الْمَخَاضُ إِلَىٰ جِذْعِ النَّخْلَةِ قَالَتْ يَا لَيْتَنِي مِتُّ قَبْلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسْيًا مَّنسِيًّا”
𝐅𝐨𝐨𝐬𝐡𝐢𝐢 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐭𝐢𝐦𝐢 𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐭𝐢𝐦𝐢𝐫 𝐚𝐡 𝐣𝐢𝐫𝐢𝐝𝐢𝐢𝐬; 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐭𝐢𝐝𝐡𝐢 -𝐢𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨 𝐢𝐬 𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐤𝐚𝐚𝐧𝐛𝐢𝐲𝐚𝐲𝐬𝐚- 𝐬𝐡𝐚𝐥𝐚𝐲𝐭𝐚𝐝𝐚𝐲𝐝𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐨 𝐚𝐫𝐢𝐧𝐤𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐚 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐰𝐚𝐲 𝐚𝐚𝐧 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐨”

Waxa kale oo aayaduhu shegayaan in lagu amray in ay 𝐣𝐢𝐫𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐫𝐮𝐱𝐝𝐨 𝐬𝐢 𝐭𝐢𝐦𝐢𝐫 𝐬𝐢 𝐟𝐢𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐢𝐬𝐥𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐮𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐝𝐚𝐭𝐨.
وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا

Marka laga tago sida ay u adagtahay gabadh fooli haysaa inay jirid geed ruxdo, waxaan is badan is waydiiyay, waa maxay sababta geedku u noqday timir. Timirtu aad ayay u dheertahay, jiriddeeduna way xoog badan tahay, hadhkeeduna waa suququ; umana eka geel lagu hoos nasan karo. Sidaa darteed, malaga yaabaa in xikmad iyo aqoon kale oo baadhitaan u baahani ku jirto xaaladan?

Bal hadaba halkan u yara fiirso, timirta waxa si dabiici ah ugu jirta hormoonta Oxytocin; waxaaba la odhan karaa waa khudrada xadigga ugu badan ee hormoonkan ah ay kujirto. Oxytocin, haddii aanad aqoon, waa hormoon lagu sameey qaybta Hypothalamus ee Maskaxda laguna kaydiyo lagana soo daayo qaybta danbe ee qanjidhka Pituritaryga. Hormoonka Oxytocin shaqadiisu waa inuu caawiyo foosha, isagoo jilciya isla markaana balaadhiga iridda ilma galeenka si ilmuhu si fudud ugu soo baxo. Waxa uu xoojiyaa shaqada muruqa ilma galeenka si ilmuhu hore ugu soo baxo oo aanay fooshu u dheeraan. Waxa kale oo uu godlaa naasaha si ay caanaha usoo daayaan, nuujinta ilmuhuna u fududaato (milk letting). Waxa intaasba ka xiiso badan, Oxytocin waxa uu qalbiga hooyada ku abuuraa kalgacal iyo naxariis ay ilmaha u qaado taas oo keenta inay si naf hurid ah u daryeesho (mother-baby bonding and attachment). Oxytocin waxa la xaqiijiyay in ay ka mid tahay hormoonada kalsooni abuurida iyo deganaanshaha- sidaa darteed waxa la aaminsan yahay inay yarayso qulubka iyo isku buuqa hooyada ku dhaca dhalmada kadib.

Waxa jira cilmi-baadhiso badan oo isugeyntoodu miisaan leedahay oo sheegaya in timirtu saamayn togan oo la taaban karo u leedahay foosha, iyo deganaanshaha hooyada dhalmada ka dib, Oxytocin ta ku jirta dareed. Daraasad lagu sameeyay Jordan, ayaa is dhinac dhigtay koox dumar ah oo bishii ugu danbaysay ee uurka lasiiyay timir xadidan iyo koox aan timir lasiin, iyadoo duruufahooda kale isku mid yihiin. Waxay ogaatay in kooxdii timirta lasiiyay wakhtiga fooshu gaabnaa, iridda ilma-galeenku degdeg u furantay, ay yarayd baahida ay u qabeen dawooyinka lagu dedejiyo foosha, marka loo eego kooxdii timirta aan lasiin.

Daraasad kale oo Jaamacada Tabuk ee Sucuudiga lagu sameeyay ayaa iyana tilmaantay in timirtu faa’iido u leedahay foosha iyadoo wakhtiga dedejisa- farqi kale daraasadani may helin. Balse, daraasad saddexaad oo lagu sameeyay Israel Institute of Technology, oo nooceedu yahay Meta-analysis ayaa tilmaantay in timirtu fududayso marxaladaha foosha; Waxa natiijadaas oo kale sheegtay daraasad lagu baadhay saamaynta timirtu ku leedahay foosha oo ay samaysay jaamacada Tabriz ee dalka Iiran.

Cilmi-baadhis tayadeedu sarrayso oo ay sameeyeen koox culimo ah oo ka tirsan Jaamacada Mashad ee Iiraan ayaa iyaduna tilmaantay in dumarka uurka leh oo timir kooban oo tayo fiican lasiiyo labada bilood ee uurka ugu danbeeya ay faa’iido u leedahay foosha, Tani waxay gaabisaa wakhtiga foosha, isla markaana waxay aad u yaraysaa in gabadhu u baahato dawooyinka lagu bilaabo, laguna dedejiyo foosha. Daraasadani waxay ku dhiiratay inay ku taliso- dumarka bilaha ugu danbeeya uurka kujira ha lasiiyo timir tayo fiican si looga badbaadiyo dawooyinka lagu istaadho foosha, haddii aanay jirin sabab caafimaad oo kale oo ka hor istaagi karta.

Daraasadaha saamaynta togan ee timirtu ku leedahay foosha way badan yihiin- waxa la odhan karaa waa 𝒎𝒖𝒕𝒂𝒘𝒂𝒂𝒕𝒊𝒓 waa halkii culimada 𝒎𝒖𝒔𝒅𝒂𝒍𝒂𝒙𝒂 𝒙𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂’𝒆- waxay gaadheen heer lagu kalsoonaan karo oo la daliishan karo. Sababta ugu wayni waa timirta oo ay ku jirto hormoonka Oxytocin. Waxa taas dheer timirtu waxay u jirtaa cuntooyinka ugu tamarka badan sidaa darteed waxay gabadha foolanaysaa ka ilaalin kartaa tamar daro iyo muruqyada oo daal, kuwaas oo uu ugu horeeyo muruqa howsha adag ku jira ee Ilma-galeenka. Waxa kale oo aynu ognahay in umushu dhiig bixi karto, taasi oo keeni karta in sonkorteeda iyo cadaadiska dhiiguba hoos u dhacaan, timirtu labada si kooban ayay mudo kooban kor ugu soo qaadi kartaa. Taas oo fursad u siin karta in degdeg loo maareeyo.

Sidoo kale, timirta aan qol ku raaga ahayni waxay leedahay xadi aad u badan oo faytamiino, faybar iyo barootiin ah- waxay qani ku tahay soodhyam, Bootasiyam, Sulfar, Faytamin A, Faytamiin B12 iyo Beta-Carotene. Waxay ku dhawaatay inay noqoto cunto dhamaystiran. Taas oo u fiican hooyada umushay ee laga yaabo inay danyar tahay ama aan helin taageero joogto ah. Dumarka uurka leh waxa ku badan calool istaagga, timirta oo leh faybar aad u badan way ka caawin kartaa ka hortagiisa. Sidoo kale, waxa jidhka ka dhex socda abuuran ay ka dhashaan walxaha loo yaqaan 𝑶𝒙𝒚𝒈𝒆𝒏 𝒇𝒓𝒆𝒆 𝒓𝒂𝒅𝒊𝒄𝒂𝒍𝒔 oo unugyada jidhka dhaawici kara, timirtu waxay leedahay maadada 𝒂𝒏𝒕𝒊𝒐𝒙𝒊𝒅𝒂𝒏𝒕 oo walxahaas waxyeeladooda yarayn karta.

Qolyaha dhirta dabiiciga ah wax ku maareeya oo mudooyinkii danbe aad usoo xoogaysanaya ayaa waxay hooyada uurka leh kula talinayaan- haddii aanad macaan qabin ama miisaankaagu xad dhaaf ahayn, cun lix xabo oo timir tayadeedu sarrayso ah maalin kasta laga bilaabo todobaadka 36aad ee uurka. Waxay jidhkaaga si fiican ugu diyaarinaysaa foosha iyo nuujinta. Ma ogi cilmi-baadhis rasmi ah ama hay’ad caafimaad oo caalami ah oo taladan xoojin karta laakiin marka la isugeeyo xogta aan soo sheegay iyo in badan oo kale, waa talo macquul ah.

Ugu danbayn, Qur’aanku ma’aha buug saynis, waa manhaj nololeed oo xogtiisa iyo xikmadiisu aanay gudhayn inta dunidu taagan tahay. Qiso kasta, sadar kasta, suurad kasta iyo erey kasta waxaa ku duugan aqoon ayaynaan wali gunteeda gaadhin, gaadhina doonin. Waxaynu ka dheeganaynaa hadba inta garaadkeenu gaadho, ee garashadeenu fido. Maryam- Ilaahay haka raali noqdee- iyadoo baqaysa oo keli ah ayaa waxa soo food saartay howsha ugu adag ee gabadh ku iman karta- fool. Ilaahay (SWT) naxariistiisa iyo daryeelkiisa ayuu ugu dhaweeyay cuntadii ugu haboonayd ee markaas ay helaysay. Cunto iyada iyo ilmuhuba ay ku ku noolaadaan.

 

Xigasho :Dr-Abdikarim D Hassan Bandhige@gmail.com