๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ก๐
Inta Qurโaanku umad Rabi halaagay ka waramay, ma sheegin umad lagu halaagay wax soo saarkeeda beeraha, wershadaha, ama xirfadeedda xoolo dhaqasho iyo ganacsi oo hooseeyay. Maynaan maqal umad wayday maalgashi caalami ah ama ictiraaf oo la halaagay. iska dhaafe, waxa Qurโaanku inoo sheegay in umadaha badankoodu aad ugu fiicnaayeen camiraadda dhulka iyo dhismaha nolosha aduunka oo ay horumar fiican sameeyeen. Qaar baa dhismaha ku xeel dheeraa; qaar baa beeraha iyo aqoonta dalaga ku xeel dheeraa oo ilaa maanta la darsaa nidaamkii ay ciida iyo biyaha u laylyeen.
Ufiirso, fircoon iyo tolkii, waxay heer sare ka gaadheen aqoonta dhismaha sayniska, ilaa maanta waa lala amakaagsan yahay aqoontoodii, laakiin laba arimood ayaa halaag ugu dhacay- waxay dafireen jiritaanka Ilaahay, waxay ogolaadeen kelitalisnimo, dulmi, ismahadin, ku gabood falka awoodaha maamulka iyo dhaqaalaha. Waxa lagu halaagay qalad hogaamineed. Waxa jira qolyo lagu halaagay dulmi iyo xad gudub dhaqaale oo, gaar ahaan, ay kula kaceen danyarta. Reer Madyan waxay noqdeen dhiig miirato, damac badan oo akhlaaq xun oo jeebkoodu uu hogaamiyo; bulshadana u tudhin. Waxa lagu halaagay shirki, dulmi dhaqaale, iyo boobka hantida bulshda.
Waxa jira kuwo lagu halaagay akhlaaq xumo jinsiga la xidhiidha iyo shahwadooda oo ay adoomo u noqdeen sida reer Luud. Kibirka iyo Alle koodnimadu waxay geyaysiisay inay fidrada toosan ee Rabi baniโaadamka ku abuuray bedelaan. Waxa lagu halaagay shirki, iyo akhlaaq xumo baahday oon la iska qaban. Waxa jira umado lagu halaagay inay ku mahadniqi waayeen nimcooyinkii Ilaahay isla markaana ay u adeegsadeen hantidii Alle siiyay fasahaadinta dhulka, dulmiga adoomaha, cabsi gelinta xasiloonidda iyo tookh โููููู
ู ุฃูููููููููุง ู
ูู ููุฑูููุฉู ุจูุทูุฑูุชู ู
ูุนููุดูุชูููุงโ waxay ku kibreen noloshii Alle siiyay, waxaana ilaahay ku tilmaamay โููุงูููุงู ูุงู ููุชูููุงูููููู ุนูู ู
ูููููุฑู ููุนููููููโ iskamay reebi jirin, iskamay waanin jirin, xumaanta ay samaynayaan.
Waxa feejignaan inooga baahan in denbiyada dabaqadaha sare ee bulshadu- lacag layda, aqoon layda, hogaamiyeyaasha bulshada, hal doorka siyaadasa, iyo hogaanka diinta- caadaysato ay ka halis badan yihiin qalooca ku dhaca dabaqada hoose; waxa Alle (subxaana wa tacaalaa) inoo sheegay in saboolka iyo wax ma garatadu ay lumaan marka hogaanka ay ku daydaan baadiyoobaab
โ โููุฅูุฐูุง ุฃูุฑูุฏูููุง ุฃููู ูููููููู ููุฑูููุฉู ุฃูู
ูุฑูููุง ู
ูุชูุฑููููููุง ููููุณููููุง ูููููุง ููุญูููู ุนูููููููุง ุงูููููููู ููุฏูู
ููุฑูููุงููุง ุชูุฏูู
ููุฑูุง โ
Marka aanu doono in aanu qolo halaagno, madaxyo wayntooda- kuwa loo barwaaqeeyay- ayaanu farnaa inay toosnaadaan; iyana -intay madax adaygaan- ayay baadiyoobaan; markaas ayuu goโaan kayagu ku dhaboobaa oo halaag adag aanu halaagnaaโ Allah waxa uu inoo cadaynayaa saamaynta hogaanka bulshadu ku leeyahay badbaadaya umada.
Umadahaas oo dhan waxa lagu halaagay DULMI iyo xad gudub ay ku sameeyeen xuquuqda Ilaahay iyo tii adoomohiisa. Dulmiga ugu wayni waa Shirkiga oo ah dulmi adoonku uu Rabigii abuuray ula badheedhay; waana danbiga keli ah ee Rabi inoo sheegay in aanu dhaafin. Waxa ku xigta dulmiga adoomaha, dulmi dhaqaale, dulmi maamul, dulmi akhlaaqeed, dulmi dhaqan- dulmi iyo xad gudub saameeyay qayb kasta oo nolosha ka mid ah.
Waxa muhiim ah in la darso umadaha Ilaahay SWT inooga waramay oo lagu cibro qaato. waxaynu fahmaynaa in aanu waari karin nidaam kasta oo Dulmi lagu aasaaso isla markaana lagu burburiyada xuriyada aadanaha. Waa in lagu baraarugsanaado in nidaamka dowladnimdu xoogaysanayo oo jirayo ilaa inta uu xoojiyo Cadaalada iyo Caqiidada toosan ee bulshada isagoo aan ku xad gudbin xuriyada fikirka, dhaqashada, iyo doorashada.
Qore :Dr-Abdikarim D hassan