๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐๐š๐ฌ๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š๐š?

Sanadka 2024 waxa noqday kii koowaad ee dadka Falastiin ay ka tiro bateen dadka Yuhuuda ah ee ku nool gudaha xuduudii Falastiinta taariikhiga ah, laga soo bilaabo markii dawladda Yuhuuda la sameeyay. Toban sano gudahood, Yuhuudu waxay noqonayaan bulsho tiro yar oo xoog ku haysata bulsho ka badan dhulkana xaq u leh.

Waxa uu noqday, markii koowaad ee dadka Yuhuudu dhul ay hore u deganaayeen ay uga guureen dagaal ku socda. Waxaana dhacay, markii ugu horeysay, dagaal aanay Yuhuudi bilaabin, si cad oo marag maddoon ahna aanay ugu guulaysan, dhul na aanay ku qabsan.
Waxa kale oo hoos u sii dhacaya in awood ciidan Falastiiniyiinta lagu sii muquunin karo. Waxa gabaabsi ah taageeradii dunida reer galbeedku siin jirtay Yuhuuda, isla markaana waxa sii gudhaya tacaaduf kii ay ku heli jireen inay yihiin dulmanayaan taariikheed.
Yuhuudu baqdin kama qabto hubka Xamaas iyo dawladaha carabta ee ku xeeran, balse waxa abuurmay siina xoogaysanaya waaqac halis ku ah jiritaankooda oo aanay joojin karin. Maxaa xal ah? Waa in Maraykan iyo Yuhuudu ku ciyaaraan kaadhkii ugu danbeeyay oo Falastiiniyiinta Qasa, oo laba milyan dhan, la qixiyo.
Mar haddii xasuuqii lagaga qixin kari waayay dhulkooda, waa in baala-xooftada iyo ismaqiiqa Donald Trump lagu dayo.
Bal aynu eegno halka ay biyo dhigato.
Qore: Dr.Abdikarim D Hassan
Bandhige@gmail.com