Waqtigu waa muhiim waana in la ilaalsado waayo waqtiga ku dhaafaa kuguma soo noqonayo. Quraanka Kariimka ah iyo Xadiisyada Nabigu NNKH waxay aad uga hadleen muhiim ka waqtiga.
Alle (SWT) marar badan ayuu ku dhaartay qaybaha kala duwan ee waqtiga, taasoo muujinaysa muhiimaddiisa iyo in waqtigu yahay mid qiimo wayn leh la isna waydiin doono.
Nebiga Maxamed (NNKH) wuxuu aad uga hadlay muhiimadda waqtiga isagoo Muslimiinta ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan waqtigooda si wanaagsan, wuxuuna ka digay in waqtiga la lumiyo.
Nicmooyin Ilaahay ina siiyay ee waqtiga iyo caafimaadka dadku waa dayaceen balse waxay ogaadaan qiimahooda marka ay waayaan waa in aan ka faa’iidaysano inta ay jiraan ee aan haysano.
Waqtigu waa Nicmooyinka waa wayn ee Alle ina siiyay wuxuuna ka mid yahay afarta la is waydiindoono maalinka qiyaamaha Qof walba waa lagula xisaabtamayaa. Hada adigu waqtigaaga maanta aad haysato maxaad ku lumisaa? Maka faa’iidaysataa oo ma ku xisaabtantaa in saacada maanta ku dhaaftay dib kuugu soo noqonayn.
Nebigu SCW wuxuu ku booriyey Muslimiinta inay waqtigooda ka faa’iidaystaan inta aysan caqabadaha waaweyn ku soo bixin. Xadiis ayuu Nabigu SCW kaga hadlayaa Shan shay oo ay muhiim tahay in aan la dayacin inta aad haysato.
Ka faa’iidayso shanta ka hor shanta:
Dhalinyarnimadaada ka hor intaad gaboobi lahayn. Caafimaadkaaga ka hor intaad bukoon. Maalqabeennimadaada ka hor intaad sabool noqon.Waqtigaaga firaaqada ah ka hor intaad mashquulin iyo Cimrigaaga ka hor intaad dhimman.
(Bukhaari iyo Muslim)
Xadiiskani wuxuu tilmaamayaa shanta fursadood ee muhiimka ah ee qofka Muslimka ahi uu ka faa’iidaysan karo inta aysan xaaladihiisa is beddelin. waxaanan ka arkaynaa in waqtigu ku jiro muhiim wayna yahay.
Maanta dadkeenii waqtigii kama faa’iidaystaan qiimahiisana way iska Indho tiraan waxaana inta badan maqlaysaa waqtigaan meel heblo isku dhaafinayaa balse waxaa muhiim ah in waqtigaaga si dheellitiran ugu qaybisaa hawlaha adduunka iyo aakhiro.
Waxaan kusoo gabogabaynayaa qaybtan aan waqtiga kaga hadlaynay in aan xasuusnaano in Qiimaha waqtiga lagu waydiindoono maalinta Qiyaamaha waana inta nolosheena wax badan ka bedelno oon waqti badan lagu lumin fadhiisiga cunista Qaadka, fadhiisiga Maqaaxiyaha waqtiyada badan iyo Isticmaalka Baraha Bulshada sida cad dhaafka ah.
Hadii aan intaasi ku dhaafno muhiimada waqtiga waxaa lagama maar maan ah in waqtiga si aan u ilaashano samaysano Jadwal ama Qorshe aan ku ilaashano ama kaga faa’iidaysano.
Maadaama sanad cusub ee 2025 uu maanta bilaabmay qofku waa In uu samaysto qorshe macquul ah isaga oo Ilaahay ku kalsoon.
Qofku marka uu wax qorshaysto waa in uu ilaahay talada saarto sida Quraanku ina faray
فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُتَوَكِّلِينَ
Markaad wax go’aansato ku tiirsanow Alle, Alle-na wuxuu jecel yahay kuwa isaga isku halleeya.
(Suuradda Aal-Cimraan: 159)
Qofku inuu samaysto qorshe waa muhiim ha noqdo Todobaadle, Bille iyo Sanadle. Hadii ay kuu qorshaynsan tahay sanadka cusub ee 2025 inaad qorshe yeelato waa inuu qorshahaasi kuu noqdaa mid leh yool cad.
Halkan waxaa eegaynaa ama ku sheegaynaa hab-raac aad ku diyaarsan karto qorshe waxtar kuu yeesha sanadka cusub Insha Allah.
1. Dib U Eeg Sanadkii Hore qorshahaagii qiimee Guulahaagii, maxaa caqabad kugu ahaa?. Wixii sanadkii hore aad ka baratay maxaa sanadkan ka bedeli kartaa.
2. Dejiso Yoolal Cad oo Qeexan: Yoolalkaaga u qaybi qaybo kala duwan sida Qorshahaaga Shaqo, Caafimaad,Dhaqaale iyo Horumar shaqsiyeed ah.
3. Yoolalka u Qaybi Tallaabooyin Yaryar isla markaa Liis garee tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee yool kasta lagu gaari karo una samee waqti cayiman tallaabooyinkaas.
4. Samee Qorshe Bilaha iyo Usbuucyada – Adeegso qoraal si aad u qorshayso hawlahaaga bil kasta iyo usbuuc kasta iska markaana ku dadaal inaad si joogto ah ula socoto wixii kuu muhiim ah.
5. Yoolalkaaga kala horaysiiso diiradana saar 3–5 yool oo muhiim ah si aad u maamusho wakhtigaaga iyo tamartaada.
Waxaan kuu rajaynayaa in waqtigaaga muhiimka ah ka faa’iidaysato isla markaana sanadkan aad samaysato qorshayaal wanaagsan dajisana sidii aad ku gaadhi lahayd.
Sanadka cusub wuxuu noqon karaa fursad muhiim ah oo aad ku gaarto guulo waaweyn, haddii aad si cad u qorshaysato kuna joogteyso.
💖💘💞 𝙉𝙖𝙗𝙖𝙙 𝙞𝙮𝙤 𝙃𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧 💞💘💖
Qore:Abdinasir Dahir Egeh
Bandhige@gmail.com