๐–๐š๐ฑ ๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐ก๐š๐ง ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐›๐š๐š๐๐ก๐ค๐š ๐ค๐ž๐ฅ๐ฒ๐š๐ก๐š ๐๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐Ÿ๐š๐š๐ W/Q: (Dr abdikarim D Hassan)

๐–๐š๐ฑ ๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐ก๐š๐ง ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐›๐š๐š๐๐ก๐ค๐š ๐ค๐ž๐ฅ๐ฒ๐š๐ก๐š ๐๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐Ÿ๐š๐š๐

๐˜”๐˜ข๐˜ฒ๐˜ข๐˜ข๐˜ญ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ ๐˜ฌ๐˜ถ๐˜ธ๐˜ข ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ญ๐˜ฆ ๐˜ฆ๐˜ฆ ๐˜ฌ๐˜ถ๐˜ด๐˜ข๐˜ข๐˜ฃ๐˜ด๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ง๐˜ช๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฆ๐˜ฆ ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ข๐˜ฌ๐˜ฉ๐˜ณ๐˜ช๐˜ด๐˜ต๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ข๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข ๐˜ถ ๐˜ด๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜จ๐˜ถ๐˜ฅ๐˜ฃ๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ ๐˜ถ๐˜ซ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ถ ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข ๐˜ธ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜บ๐˜ฆ ๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ข๐˜ฌ๐˜ฉ๐˜ณ๐˜ช๐˜ด๐˜ต๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข ๐˜ด๐˜ช๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ ๐˜ง๐˜ถ๐˜ณ๐˜ด๐˜ข๐˜ฅ ๐˜ถ๐˜ถ ๐˜ฌ๐˜ข๐˜จ๐˜ข ๐˜ฃ๐˜ฐ๐˜จ๐˜ต๐˜ฐ ๐˜ฎ๐˜ฐ๐˜ธ๐˜ฅ๐˜ถ๐˜ถ๐˜ค ๐˜ด๐˜ข๐˜ข๐˜ฎ๐˜ข๐˜บ๐˜ฏ ๐˜ฌ๐˜ถ ๐˜บ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ณ๐˜ข ๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ง๐˜ช๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฌ๐˜ช๐˜ช๐˜ด๐˜ข ๐˜ข๐˜ฎ๐˜ข ๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ง๐˜ช๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฒ๐˜ฐ๐˜ง ๐˜ฆ๐˜ฉ๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ฌ๐˜ช๐˜ช๐˜ด๐˜ข ๐˜ข๐˜ฉ. ๐˜Ÿ๐˜ฐ๐˜จ๐˜ต๐˜ข ๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ง๐˜ช๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ฐ ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ข ๐˜ญ๐˜ข๐˜จ๐˜ข ๐˜ฉ๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ข ๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข ๐˜ง๐˜ถ๐˜ฅ๐˜ถ๐˜ฅ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜บ๐˜ข๐˜บ ๐˜ช๐˜ฏ๐˜ต๐˜ฆ๐˜ณ๐˜ฏ๐˜ฆ๐˜ต๐˜ฌ๐˜ข, ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข๐˜ข๐˜ด๐˜ฆ ๐˜ซ๐˜ช๐˜ณ๐˜ข ๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฅ ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜š๐˜ฐ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ญ๐˜ช ๐˜ข๐˜ฉ ๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ด๐˜ช ๐˜ง๐˜ช๐˜ช๐˜ค๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ถ๐˜จ๐˜ข ๐˜ฃ๐˜ฐ๐˜จ๐˜ข๐˜ฏ-๐˜ฌ๐˜ข๐˜ณ๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ถ๐˜ฏ๐˜ข ๐˜ง๐˜ข๐˜ฉ๐˜ฎ๐˜ข๐˜บ๐˜ฏ ๐˜ข๐˜ง๐˜ข๐˜ง๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฒ๐˜ข๐˜ญ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ ๐˜ฆ๐˜ฆ ๐˜ข๐˜บ ๐˜ฌ๐˜ถ ๐˜ฒ๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ต๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข๐˜บ ๐˜น๐˜ฐ๐˜จ๐˜ต๐˜ข๐˜ข๐˜ด๐˜ช. ๐˜›๐˜ข๐˜ข๐˜ด๐˜ช ๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ข ๐˜ช๐˜ฏ๐˜ข๐˜จ๐˜ถ ๐˜ธ๐˜ข๐˜ข๐˜ซ๐˜ช๐˜ฃ๐˜ช๐˜ฏ๐˜ข๐˜บ๐˜ด๐˜ข ๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ ๐˜ข๐˜ง๐˜ฌ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฏ๐˜ข ๐˜ฌ๐˜ถ ๐˜ด๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ฏ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ช๐˜จ๐˜ฏ๐˜ฐ ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฃ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ฐ๐˜ธ๐˜ฅ๐˜ถ๐˜ถ๐˜ค๐˜บ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข ๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฌ๐˜ฐ ๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ข๐˜บ ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ข ๐˜ต๐˜ข๐˜ข๐˜จ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜บ๐˜ช๐˜ฉ๐˜ช๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ข๐˜ฎ๐˜ข ๐˜ข๐˜บ ๐˜ด๐˜ข๐˜ข๐˜ฎ๐˜ข๐˜บ๐˜ฏ ๐˜ต๐˜ฐ๐˜จ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜บ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ณ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ.

Sidaa darteed waxaan ugu tallo galay in aan kagga qayb qaato kordhinta wacyiga iyo garashada bulshada Somaliga ku hadasha. Ujeedadda labaad waxa weeye in uu qofku faham guud u yeesho shaybaadhka kadibna uu awoodi karo in uu dhakhtarka waydiin karo suโ€™aasha ku haboon, si kalsooni lehna ula niqaashi karo.

๐€๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ฆ๐š ๐ค๐ž๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ง๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐๐ ๐š๐ก
โ€ข Dhiig kar.
โ€ข kaadidda oo dhiig soo raac0.
โ€ข Kaadidda oo qofka ku badata oo uu suuligga ku noqnoqdo.
โ€ข Qofka oo ay ku adkaato in kaadiddu ka timaado
โ€ข Kaadidda oo qofka gubta, midabkeedu is bedesho.
โ€ข Labada gacmood iyo labada cagood oo qofka barara.

Waxa laga yaabaa in astaan keli ahi aanay khatar badan tilmaamin laakin hadii dhowr astaamood qofka ku kulmaan waxay tilmaan u noqon karaan in kelyaha qofku aanay si fiican u shaqaynayn. Sidaa darteedna loo baahan yahay in la sameeyo shaybaadh buuxa oo kelyaha shaqadoodda iyo fayo qabkooda lagu qiimeeyo. Hadii arinku sidaa yahay, waa kuwee shaybaadhada ay tahay in qofka laga qaado? Maxay tahay ujeedadda loo qaadaa iyo sababta la raadinayaa? Sidee loo fasiraa shaybaadh-ka kelyaha, sideese lagu ogaan karaa in kelyuhu dhib qabaan iyo in kale? Qormadan gaaban waxaynu si guud ugaga jawaabi doonaa suโ€™aalahaas.

๐๐จ๐จ๐œ๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐ก๐š๐ฒ๐›๐š๐š๐๐ก๐š
1. ๐‘บ๐’‰๐’‚๐’š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’…๐’‰๐’Œ๐’‚ ๐’Œ๐’‚๐’‚๐’…๐’Š๐’…๐’…๐’‚
Kaadiddu waxa siddaa qashinkii keliddu sifaysay waxaana lagala soo bixi karaa macluumaad kusaabsan shaqada kelida iyo fayo qabkeeda guud. Waxa kale oo lagu ogaan karaa hadii xanuun ka jiro xubnaha kelyaha kasoo hooseeya sida kaadi mareenka, kaadi haysta iyo xubinta taranka. Sidaa darteed xunbahaas hadii middkood buko wuxuu saamayn karaa muuqaalka, ribanaanta iyo walxaha la socda kaadida.

๐‘ฎ๐’๐’๐’“๐’Ž๐’‚ ๐’‚๐’š๐’‚๐’‚ ๐’๐’‚ ๐’”๐’‰๐’‚๐’š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’…๐’‰๐’‚๐’‚ ๐’Œ๐’‚๐’‚๐’…๐’Š:
Dhakhtarku waxa uu kaadi kaa qaadi karaa marka uu rabo in uu xaqiijiyo xanuun xubnaha aynu soo sheegnay ku dhaca oo uu ka shakisan yahay. Xaalado tiro badan ayaana loo baahdaa shaybaadhka kaadidda, tusaale ahaan waxa ka midd ah hadii qofku qaliin gelaayo oo loodiyaarinayo suuxin.

A. Dadka la ogyahay in ay qabaan kelyo-xannuun, Macaan ama Dhiig kar ayaa si joogto ah dhowr kii biloodba mar laga qaadaa kaadi.
B. Dumarka raba in ay ogaadaan in ay uur yeesheen.
C. Shaybaadh ka kaadidda waxa loo baahan yahay hadii laga shakiyo caabuqa kaadi-mareenka, kaadi-haysta iyo xannuunada galmada lagu kala qaado.

๐” ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ ๐š๐ซ๐š๐ฐ๐ ๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐›๐š๐š๐๐ก๐ค๐š
Waxa fiican in aad ugu yaran laba koob oo biyo ah sii cabto shaybaadhka ka hor. Midda muhiimka ah ee saamaynta ku yeelan karta natiijada shaybaadhka kaadidu waxa weeye dawooyinka. Sidaa darteed waa dhakhtarka la ogaysiiyo hadii qofku qaadanayo dawooyinkan qaarkood:
โ€ข Vitamin C: waa nooc ka midd ah faytamiinada.
โ€ข Metronidazole: nooc antibiotic-ga ka midd ah.
โ€ข Mithocarbamol: dawo xannuunka muruq-yada.
โ€ข Rifampin: antibiotic loo adeegsado daawaynta qaaxada.
โ€ข Riboflavin: waa nooc ka midd ah fitamiin B-ga
โ€ข Salfasalazine: dawor loo adeegsado roomatiisamka iyo xannuuno dheef-shiidka ku dhaca.

๐‘บ๐’‰๐’‚๐’š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’…๐’‰ ๐’Œ๐’– ๐’…๐’‰๐’๐’˜๐’“ ๐’‰๐’‚๐’ƒ ๐’‚๐’š๐’–๐’– ๐’Œ๐’‚๐’‚๐’…๐’Š๐’…๐’‚ ๐’– ๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’…๐’‰๐’‚๐’‚:
Waxa la eegaa midabka iyo ribanaanta kaadidda. Tusaale ahaan hadii kaadida midabkeedu casaan ama bunni-rasiin ah noqdo waxay tilmaami kartaa in dhiig ama dheecaan la socdo. Mararka qaar dhagxaan yaryar ayaa kaadidda soo raaci kara; urta ayaa iyana wax laga fahmi karaa, sida xannuunada macaanka iyo caabuqa.

Tallaabada labaad, waxa kaadida lagu ridaa waraaqo midabaysan oo kimiko lagu diyaariyay (Reagents strips ama Dipsticks), waraaqdu waxay sheegaysaa heerka Aysiidha kaadida iyo in kaadida ay la socoto barootiin, sonkor ama dhiig. Ugu danbayn, waxa la eegaa bal in kaadida jeermis, xanuun dhaliye ahi la socdo, waxaana lagu fiirsan ๐˜”๐˜ช๐˜ค๐˜ณ๐˜ฐ๐˜ด๐˜ค๐˜ฐ๐˜ฑ๐˜ฆ si loo eego in ay lasocoto Bakteeriya, dhagxaan, dhiig (๐˜™๐˜ฆ๐˜ฅ ๐˜ฃ๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ฅ ๐˜ค๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ญ๐˜ด, ๐˜ธ๐˜ฉ๐˜ช๐˜ญ๐˜ฆ ๐˜‰๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ฅ ๐˜ค๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ญ๐˜ด) ama Unugyo kansar ah.

Waxa muhiim ah in aad ogaato kaadida looguma talo gelin in ay sido Bakteeriyo, Sonkor, Dhiig, Barootiin, Unugyo iyo Dhagxaan midna. Barootiin badan oo soo raaca kaadidu wuxuu tilmaan u yahay xannuunada ay ka mid yihiin; Macaanka, Dhiig-karta, Roomatiisamka, Kansarka dhiiga, Xannuunka wadnaha, iyo qaar kale. Hadii walxahaas laga helo kaadida waxaad ogaataa in ay suurto gal tahay in kelyahaagu bukaan oo sidii loogu talo galay aanay u shaqaynayn waana in la sii baadho sababta.

Xigasho:Dr abdikarim D Hassan

Bandhige@gmail.com