๐๐๐ฑ ๐ค๐ ๐๐๐ก๐๐ง ๐ฌ๐ก๐๐ฒ๐๐๐๐๐ก๐ค๐ ๐ค๐๐ฅ๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐ฒ๐๐ญ๐ ๐๐๐๐
๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐๐๐ก๐ค๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ ๐:
Qofka kelyo xanuun looga shakiyo waa in shaybaadh dhiig loo sameeyo. Xanuuno tiro badna oo kelyaha ku dhaca ayaa dhiigga laga arki karaa; si kooban ayaynu mid walba u sharaxi doonaa si qofka ugu fududaato in uu fahmo shay-baadhka laga qaaday isaga ama qofka uu masโuulka ka yahay.
๐๐๐๐ฎ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ง๐๐ฎ๐๐ฉ๐๐ฃ๐๐๐ฃ (๐๐ก๐๐จ๐ข๐ ๐พ๐ง๐๐๐ฉ๐๐ฃ๐๐ฃ๐):
Kiriyatiniin waa maadad ay sameeyaan muruqyada jidhku markasta oo ay shaqo ku jiraan, hayaraato ama hawaynaato shaqadaasi. Waa maado ah qashin oo ay tahay in jidhka si degdeg ah looga saaro. Sida dadku ukala muruqyo badan yihiin ayay u kala Kiriyatiniin badan yihiin. Sidoo kale dadka ciyaara jimicsiyada muruqyada lagu dhiso iyo dadka soonka ama gaajadu ku badan tahay way ka Kiriyatiniin badan yihiin dadka inta kale. Qashin saarka Kiriyatiniin-ta waxa u xilsaaran kelyaha, sidaa darteed hadii kiritatiniintu jidhka ku badato waxa laga yaabaa in Kelyuhu aanay sifiican u sifayn.
๐ฟ๐๐
๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐ฒ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐(๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐) ๐๐๐๐๐ ๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐: 0.6-1.3 ๐๐/๐
๐/ ๐๐๐๐๐; ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐ 0.6-1.1 ๐๐/๐
๐
Hadii hal-shaybaadh oo qofka laga qaaday uu sareeyo, waa in laba mar oo danbe lagu celiyo.
๐ช๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐ช๐๐ช๐):
shaybaadh-kan wuxuu is barbar dhigayaa Kiriyatiniin-ta dhiiga ku jirta iyo Kiriyatiniin-ta kaadida soo raacday ee kelyuhu sifeeyeen. Farqiga labadaa u dhexeeya ayaa sheegaya in kelyuhu sifiican u shaqaynayaan iyo inkale. Xadiga dabiiciga ah ee shaybaadh-kani waxa uu u dhexeeyaa : 97-137 ๐๐/๐๐๐ ๐๐๐๐; ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ 88-128 ๐๐/๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐. Tirooyinkan macnahoodu waxa weeye, qofka dhalinyarada ah ee caafimaadka qaba, halkii daqiiqo kelidu waxay nadiifisaa 97 -137/ml oo dhiig ah, kaas oo ay ka saarto kiriyatiniintii ku jirtay. Dumarka in yar ayay raga kayara hooseeyaan, sababta oo ah way ka muruqyo yar yihiin, dhisma jidhkuna wuu kala duwan yahay. Hadaba, markasta oo intaas ay hoos uga dhacdo, waxay tilmaamaysaa in shaqadeedu hoos u dhacday.
๐ฎ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ญ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐น๐๐๐ (๐ฎ๐ญ๐น):
GFR waa qaaciido lagu raadiyo shaqada kelyaha, gaar ahaan marka qofka kelyo xannuun mudo dheer hayay ee la hubo in shaqadii kelyihiisu is-dhintay; markaas oo kale waxa la rabaa in la ogaado inta ay is dhimeen. Waxa kale oo la adeegsadaa marka qofka dawooyin lasiiyay ee la doonayo in la ogaado in ay wax u tareen oo kelyuhu kasoo raynayaan iyo in kale. GFR waxa lagu helayaa afar shay oo la isku xisaabiyo: kiriyanitiin-ta, daโda (age) qofka, lab iyo dhedig midka uu yahay (sex) iyo cirqigiisa(race). Qofka caafimaadkiisu fiican yahay GFR-kiisu way ka sarreesaa 140๐๐/๐๐๐/1.73๐ยฒ. laakiin wixii ka sareeya 90๐๐/๐๐๐/1.73๐ยฒ waa natiijo caadi ah oo aan dhib lahayn. Iyadoo Shaybaadhkan la adeegsanayo ayaa kelyaha xanuunka yareeya shaqadda kelyaha loo qaybiyaa shan derajo oo ku salaysan sida ay u kala khatarsan yihiin:
1. Derajada koobaad (stage 1): deragaddan kelyahu way bukaan, dhaawacna wuu soo gaadhay laakiin sifiican ayay u shaqaynayaan fiican, wali dhiig sifayntooddu way ka sarraysaa 90๐๐/๐๐๐/1.73๐ยฒ.
2. Derajada labaad (stage 2): shaqadii kelyauhu wax yar oo sahlan aya hoos u dhacday, waxaanay u dhexaysaa- 60 – 89๐๐/๐๐๐/1.73๐ยฒ.
3. Derajada shadexaad (stage 3): shaqada kelyaha aad ayay hoos ugu dhacday, waxaanay u dhexaysaa- 45๐๐/๐๐๐/1.73๐ยฒ- 59๐๐/๐๐๐/1.73๐ยฒ.
4. Derajada afraad (stage 4): shaqada kelyaha si halis ah ah ayay hoos ugu dhacday, waxaanay maraysaa- 15๐๐/๐๐๐/1.73๐ ยฒ- 29๐๐/๐๐๐/1.73๐ ยฒ.
5. Derajada shanaad (stage 5): heerkan haday gaadhaan kelyuhu macnuhu waxa weeye way fadhiisteen kelyuhu, wax shaqo ah oo jidhka wax u tarana malaha โค15๐๐/๐๐๐/1.73๐ยฒ. Tusaale hadii la yidhaa qofka GFR-kiisu waa 60ml/min/1.73mยฒ macnaheedu waxa weeye in qofkaa kelidiisu boqolkiiba lixdan shaqaynayso, afartanโna is dhintay.
๐บ๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐ ๐ฉ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐
๐:
Barootiinka ugu muhiimsan ee lagu saadaalin karo shaqada kelyaha waxa la yidhaa ๐๐ช๐ค๐ณ๐ฐ-๐ข๐ญ๐ฃ๐ถ๐ฎ๐ชm, sababta oo ah waa barootiin xajmigiisu wayn yahay isla markaana ah barootiinka ugu badan ee dhiiga kujira. Qofka kelyahiisu fayow yihiin barootiin la dareemi karo masoo raaco kaadida. Waxa duruufaha qaar dhacda in xaddi ilaa xad yar oo aan saamayn ku lahayn jidhka uu kaadidda soo raaco (0-30mg/dl); balse haddii xaddiga kaadidda soo raacayaa gaadho 30-300๐๐/๐
๐, waxay tilmaamaysaa kelyo bilaabay in ay dhintaan oo shaqadoodii gabay. Haddii albuminta kaadidda soo raacaysaa dhaafto xaddiga ka badan โฅ300mg/dl waxay tilmaamaysaa in kelyahaasi derajo hoosaysa marayaan isla markaana shaqadooddu gabaabsi tahay.
๐ฉ๐๐๐๐
๐ผ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐ฉ๐ผ๐ต):
Jidhkeenu wuxuu sameeyaa maadada Urea marka uu burburiyo barotiinada kala duwan ee aynu cuno; maadaddan waxa jidhka ka saara kelyaha, waxayna ka mid tahay walxaha la qiyaaso si sawir fiican looga helo shaqadda kelyaha. . Shaybaadhkani wuxuu is dhinac dhigayaa Urea-da dhiigga ku jirta iyo Urea-da kaadida soo raacday ee kelyuhu soo sifeeyeen.
Arimo dhowr ah ayaa saamayn ku yeesha shaybaadhkan oo ay kamid tahay qofka oo aan cuninba barootiin badan, dhiig-bax caloosha dhexdeeda ah, xannuunadda wadna, sidoo kale waxa jira dawooyin shaybaadhkan natiijadiisa kor u qaadi kara. Arimahaas oo dhan waxa isku miisaami kara oo faham sax ah kasoo saari kara dhakhtarka. Blood urea nitrogen (BUN) dabiicig ah waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 7-20mg/dl.
Xigasho:Dr abdikarim D Hassan
Bandhige@gmail.com