Macaanku dhowr nooc ayuu leeyahay, nooca aynu halkan kaga hadlaynaa waa nooca labaad oo inta badan ku dhaca dadka daโdoodu ka wayn tahay afartan sano, miisaankoodu culus yahay, cuntadoodu aanay nidaamsanayn, jimicsiguna ku yar yahay. Guud ahaan, Macaanku waa xanuun kasii dara oo khatartiisu la korodho daโda qofka iyo mudadda uu hayay. Hasayeeshee, dadka Macaanka la nool suโaasha aan maskaxdooda ka bixin, markasta oo ay ila kulmaanna i waydiiyaan waxa weeye Macaanka ma ka bogsan karaa? Suurto gal ma tahay in aan mar uun dawada joojiyo? Labadaa suโaalood ayaan isku dayi in aan qormadan kaga jawaabo.
Marka hore aynu doorano ereyga meesha ku habboon. Bogsasho โreversalโ waa erey culus oo tilmaamaya xanuunka oo si rasmi ah u taga. In la yidhaa waa laga bogsan karaa waxay u baahantay daliil culus oo lagu taageero. Daliilkaasna wali lama helin. Ereyga suโaasheena ku habbooni waa ladnaansho (remission). Macaanka malaga laddnaan karaa?.
Aynu ku bilowno in aynu qeexno maxaynu uga jeednaa bogsasho? Dhowr hayโadood oo waawayn ayaa siyaalo kala duwan u qeexay bogsashada aynu u jeedno:
1. ๐ผ๐ข๐๐ง๐๐๐๐ฃ ๐ฟ๐๐๐๐๐ฉ๐๐จ ๐ผ๐จ๐จ๐ค๐๐๐๐ฉ๐๐ค๐ฃ: ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ฏ๐๐จ1๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ 5.7% ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐.
2. ๐ฟ๐๐๐๐๐ฉ๐๐จ ๐๐๐ข๐๐จ๐จ๐๐ค๐ฃ ๐พ๐ก๐๐ฃ๐๐๐๐ก ๐๐ง๐๐๐ก (๐ฟ๐๐๐๐พ๐) ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐ซ๐๐น๐ฌ๐ช๐ป ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐๐ , ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐: ๐ฏ๐๐จ1๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ 6.5% ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ .
3. ๐๐ฃ๐ฉ๐๐ง๐ฃ๐๐ฉ๐๐ค๐ฃ๐๐ก ๐ฟ๐๐๐๐๐ฉ๐๐จ ๐พ๐ค๐ฃ๐จ๐๐ฃ๐จ๐ช๐จ ๐๐ง๐ค๐ช๐ฅ: ๐ธ๐ข๐น๐ข๐บ bogsashada ๐ฌ๐ถ ๐ฒ๐ฆ๐ฆ๐น๐ฆ๐ฆ๐ฏ: ๐ช๐ฏ ๐๐ฃ๐1๐ ๐จ๐ข ๐ฒ๐ฐ๐ง๐ฌ๐ถ ๐ฌ๐ข ๐ฉ๐ฐ๐ฐ๐ด๐ฆ๐ฆ๐บ๐ฐ 6.5%, ๐ช๐ด๐ญ๐ข ๐ฎ๐ข๐ณ๐ฌ๐ข๐ข๐ฏ๐ข ๐ถ๐ถ ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ข๐ข๐ณ๐ฎ๐ฐ ๐ฅ๐ฉ๐ข๐ฎ๐ฎ๐ข๐ข๐ฏ ๐ฅ๐ข๐ธ๐ฐ๐ฐ๐บ๐ช๐ฏ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ข๐ค๐ข๐ข๐ฏ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ข๐ณ๐ฌ๐ข ๐ญ๐ข๐จ๐ข ๐ณ๐ฆ๐ฆ๐ฃ๐ฐ ๐๐ฆ๐ต๐ง๐ฐ๐ณ๐ฎ๐ช๐ฏ ๐ถ๐จ๐ถ ๐บ๐ข๐ณ๐ข๐ข๐ฏ ๐ด๐ข๐ฏ๐ข๐ฅ.
Saddexda qeexitaan kii aad doorataaba waxa uu xooga saarayaa HbA1c ka hooseeya 6.5%.
๐๐ฃ๐ข1๐ ๐ธ๐ข๐ข ๐ด๐ฉ๐ข๐บ๐ฃ๐ข๐ข๐ฅ๐ฉ ๐ญ๐ข๐จ๐ข ๐ฒ๐ข๐ข๐ฅ๐ฐ ๐ฅ๐ข๐ฅ๐ฌ๐ข ๐๐ข๐ค๐ข๐ข๐ฏ ๐ฒ๐ข๐ฃ๐ข ๐ถ๐จ๐ถ
๐ฃ๐ข๐ฅ๐ฏ๐ข๐ข๐ฏ ๐ด๐ข๐ฅ๐ฅ๐ฆ๐น๐ฅ๐ช๐ช ๐ฃ๐ช๐ญ๐ฐ๐ฐ๐ฅ๐ฃ๐ข ๐ฎ๐ข๐ณ; ๐ธ๐ข๐น๐ข๐ข๐ฏ๐ข ๐ญ๐ข๐จ๐ถ ๐ฐ๐จ๐ข๐ข๐ฅ๐ข๐ข ๐ช๐ฏ
๐ฒ๐ฐ๐ง๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ข๐ค๐ข๐ข๐ฏ๐ฌ๐ช๐ช๐ด๐ถ ๐ด๐ช๐ง๐ช๐ช๐ค๐ข๐ฏ ๐ถ ๐น๐ข๐ฌ๐ข๐ฎ๐ข๐บ๐ด๐ฏ๐ข๐ข ๐ฎ๐ถ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฅ๐ข๐ข ๐ญ๐ข๐ด๐ฐ๐ฐ
๐ฅ๐ฉ๐ข๐ข๐ง๐ข๐บ, ๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ช๐บ๐ข๐ฏ ๐ธ๐ข๐น๐ข ๐ถ๐ถ ๐ถ ๐ฅ๐ฉ๐ฆ๐น๐ฆ๐ฆ๐บ๐ข๐ข ( 4-6.5%).
Suโaasheenu waxay ahayd qofka macaanka lanooli ma ka ladnaan karaa? Marka lasoo koobo waxa la odhan karaa, dadka qaarkood, haa.
Qofka oo macaanka ka laddnaada waxa lagama maarmaan u ah in beerta iyo ganaca laga sifeeyo subagga โfatsโ ku urura ee cuntada kalorigeedu badan yahay sababto. Subagga beerka iyo ganaca fadhiistaa waxa uu sababaa in beerkuna nidaamin kari waayo sonkorta, ganacuna sifiican usoo dayn kari waayo insuliinta. Sidoo kale, xaydha iyo duxda aadka u badan ee miisaanka la socota waxay keentaa in dhammaan unugyda jidhkeenu sifiican ula fal geli kari waayaan insuliinta oo xattaa iyadoo Insuliin badani dhiiga ku jirto, hadana ay dejin kari waydo sonkorta. Labadan arrinba waxa lagu hannan karaa, macaankana lagaga laddnaan karaa hadii ugu yaraan saddexda arimood ee soo socda midkood qofku si dhamaystiran u fuliyo.
a. In qofku joojiyo dhamaan cuntooyinka Karbohaydarayt
ku ku badan yahay โ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ ๐
๐๐๐”
b. In qofku qabatimo oo daaโimo cuntooyinka tamartu ku
yartahay โ๐ณ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐โ
c. Qaliinada lagu dhimo miisaanka ee caloosha qayb lagu
saaro โ๐ฉ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐โ
๐. ๐๐จ๐ฐ ๐๐๐ซ๐๐จ๐ก๐ฒ๐๐ซ๐๐ญ๐ ๐๐ข๐๐ญ- ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐จ ๐ค๐๐ซ๐๐จ๐ก๐๐ฒ๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ญ-๐ค๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐๐ซ ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ:
Qofka oo joojiya ama aad u dhima cuntooyinka karbohaydaraytku ku badan yahay waxay yaraysaa kaydka dufanka ee jidhka; waxay yaraysaa dareenka gaajada; waxaanay kordhisaa in jidhku tamar badan oo u kaydsanayd adeegsado. Qofka cuntooyinka karbohaydarayt-ka ah aad u cuna markasta Insuliinta ganaciisu sameeyaa way badan tahay. Ujeedadu waa in sonkortaas xad-dhaafka ah inta dux iyo dufan loo bedelo la kaydiyo. Qofkaas miisaan ayaa ku kordha, duxdaa badan ee la kaydinayaa hadhow waxay khalkhalisaa habsan u shaqayntii Insuliinta, waxaanay dhashaa macaan. Ka waran hadii uu karbohaydarayt kii ibir ka dhigo oo joojiyo. Bilowga hore jidhkiisu waxa uu adeegsan doonaa duxdii iyo dufankii kaydsanaa, taasina in uu miisaan lumiyo ayay sababi.
Kadibna waxa uu ku shaqayn doonaa waxoogaaga tamarta ah ee cuntadiisa kooban la socota; waxaa meesha ka bixi doonta sonkortii dheeraadka ahayd ee la kaydinayay. Insuliintu heerkii dabiiciga ahaa ayay ku noqon, suntii iyo qashinkii sonkorta xad-dhaafka ah ka dhalatayna jidhka waa la sifayn. Halkaas caafimaad iyo laddnaansho ayaa uga bilaabmaya. Model kan laba shay ayaa wada socda karbohaydarayt-ka oo aad loo yareeyo (<60gram maalintii) iyo barootiinka oo la kordhiyo si jidhku tamarta dheeraadka ah uga helo barootiinka. Way adag tahay in qofku sonkortiisa caadi ka dhigo isagoo aan miisaan dhimin, karbohaydarayt kana yarayn.
๐. ๐๐๐ฐ ๐๐๐ฅ๐จ๐ซ๐ข๐ ๐๐ข๐๐ญ- ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐จ ๐ญ๐๐ฆ๐๐ซ๐ญ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐๐ซ ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ:
Nidaam kani waxa ku talisay daraasad aad u balaadhan Diabetes Remission Clinical Trial (DiRECT) oo lagu eegayay saamaynta calorie-ga oo la dhimaa ku yeelan karto macaanka nooca labaad (T2DM). dadka daraaada ka qayb galay waxa loo qaybiyay laba kooxood. Koox qaadanayay cunto calorie-geedu aad u yar yahay 850 cal maalintii (๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ช ๐ข๐ฉ๐ข๐ข๐ฏ ๐ธ๐ข๐น๐ข ๐ญ๐ข๐บ๐ช๐ฅ๐ฉ๐ข๐ข๐ฉ๐ฅ๐ข๐ข ๐ณ๐ข๐จ๐จ๐ถ ๐ธ๐ข๐น๐ข๐บ ๐ถ ๐ฃ๐ข๐ข๐ฉ๐ข๐ฏ ๐บ๐ช๐ฉ๐ช๐ช๐ฏ 2500 ๐ค๐ข๐ญ๐ฐ๐ณ๐ช๐ฆ, ๐ฅ๐ถ๐ฎ๐ข๐ณ๐ฌ๐ถ๐ฏ๐ข 2000 ๐ค๐ข๐ญ๐ฐ๐ณ๐ช๐ฆ), iyo koox xadigoodii caadiga u ahaa qaadanayay. Markii shan bilood kadib ayaa dib loo qiimeeyay 46% kuwii calorie ga yar qaadanayay macaankoodu waxa uu kusoo noqday heerkii caadiga ahaa oo way laddnaadeen (remission), halka 4% kooxdii kale ay muujiyeey waxoogaa horumar ah. Dadka daraasada ka qayb galay oo celcelis ahaan miisaankoodu ahaa 101 kg, faaโiidada ugu wayn waxa helay kuwii miisaanka ugu badani uu ka dhacay.
o Mudadii daraasadu socotay, dadkii miisaan ku kordhay
qofna wax kasoo rayn ah muu samayn (zero remission)
o Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeyay 0-5kg, 7% ayaa
ayaa ladnaaday โremissionโ
o Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeya 5-10 kg, 34%
ayaa macaankii la laddnaaday.
o Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeya 10-15 kg, 57 %
ayaa macaankii ka laddnaaday.
o Dadkii uu ka dhacay miisaan ka badan 15 kg, 86% ayaa
macaankii ka laddnaaday.
Laba sano kadib, dadkii daraasada ka qayb galay qiimayn danbe ayaa lagu sameeyay waxaana la ogaaday in kooxdii ladnaatay, 70% ay ku sii jireeen siina xejisteen ladnaanshihii.
๐. ๐๐๐ซ๐ข๐๐ญ๐ซ๐ข๐ ๐ฌ๐ฎ๐ซ๐ ๐๐ซ๐ฒ- ๐ช๐๐ฅ๐ข๐ข๐ง๐๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ฆ๐จ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐จ๐จ๐ฌ๐ก๐ ๐ฒ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐:
American Diabetes Association waxay aqoonsatay in qalliinada caloosha lagu yareeyaa ay ka midyihiin wasiilooyinka miisaanka lagu dhimo, macaankana lagaga ladnaado, gaar ahaad dadka miisaankoodu xad-dhaafka yahay. Sida ay xaqiijiyeen Ururka maraykan ee dersa qalliinada calool yaraynta (๐จ๐๐๐๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ฉ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐) 78% dadka lagu sameeyo qaliinka caloosha lagu yareeyaa way ka ladnaadan macaanka.
Daraasad lagu sameeyay dalka Iswiidhan ayaa iyana ogaatay kadib markii ay qiimayn ku sameeyeen dad lagu sameeyay qaliinka caloosha laba sano kadib in ay 72 % wali kusii jireen ladnaanshihii, halka 30 % macaankii ka ladnaayeen shan iyo toban sano kadib qaliinkii. Sababta ugu wayn ee ladnaanshaha keentay, sida aynu soo carabownay, waa miisaan dhimid iyo cuntadii sonkortu ku badnayn oo qofka ku yaraata.
Gunaanadkii, macaanka nooca labaad waa laga ladnaan karaa iyadoo loo marayo saddexdaa dariiq ee aynu soo sharaxnay, waana fikrad la isku waafaqsan yahay. Waxaadse xasuusnaataa in hadii qofku dib ugu laabto dhaqankiisii hore ee cuntada, miisaankiina dib u fuulo, macaankii wuu soo noqonayaa. Ladnaanshuhu waxa uu toos ugu xidhan yahay inta qofku miisaan rido iyo inta uu yareeyo karbohaydarayt-ka. Isagoo labadaasba aad u wanaajiyay ayay dhici karkaa in aanuu ladnaanshaha helin duruufo badan oo kale dartood.
Waxaan comment-yada ku lifaaqay qaar ka mid ah daraasadaha aan soo xigtay oo aad sii akhriyi karto.