Ciidanka Yuhuuda ayaa soo gebo gebeeyay burburin laba cisho socotay oo ay ku qaadeen xerada qaxoontiga ee Jiniin. Sida aynu war baahinta kala soconay waxa lagu tilmaamay inuu ahaa howl galkii ugu waynaa tan iyo markii 2002 dii isla kaamkan la burburiyay. Sidii caadada u ahayd, Yuhuudu waxa marmarsiinyo u ahaa inay argagixo la dagaalamayso. Balse waxa jira ujeedooyin qarsoon oo weerarada joogtada ah Israa’iil ugu qaado Falastiiniyiinta. Buug dhawaan soo baxay oo layidhaa ๐๐๐ ๐๐๐ก๐๐จ๐ฉ๐๐ฃ๐ ๐๐๐๐ค๐ง๐๐ฉ๐ค๐ง๐ฎ: ๐๐ค๐ฌ ๐๐จ๐ง๐๐๐ก ๐๐ญ๐ฅ๐ค๐ง๐ฉ๐จ ๐ฉ๐๐ ๐๐๐๐๐ฃ๐ค๐ก๐ค๐๐ฎ ๐ค๐ ๐๐๐๐ช๐ฅ๐๐ฉ๐๐ค๐ฃ ๐ผ๐ง๐ค๐ช๐ฃ๐ ๐ฉ๐๐ ๐๐ค๐ง๐ก๐ oo uu qoray saxafi Yuhuudi/Ustareeliyaan ah oo layidhaa ๐ผ๐ฃ๐ฉ๐ค๐ฃ๐ฎ ๐๐ค๐๐ฌ๐๐ฃ๐จ๐ฉ๐๐๐ฃ ayaa waxa uu daaha ka rogayaa ujeedooyinka dad-qalnimada ah ee Yuhuudu uga faa’iidaysato dilka, cabudhinta iyo gaajaysiinta shacabka Falastiin.
Qoraagu waxa uu tilmaamay in, ugu horeyn, ciidanka yuhuudu hubka cusub iyo teknoolajiyada basaasidda iyo xog ururinta uu ku tijaabiyo deegaanada Falastiin. Dhamaan hubka Yuhuudu samayso iyo inta badan hubka shirkadaha ay jaalka yihiin sameeyaan waxa lagu tijaabiyaa dhulka falastiin, gaar ahaan hubka “high precesion targeting” loo yaqaan ee wax lagu khaarajiyo ee shiishka halista ah laga rabo. Sidoo kale, waxa falastiiniyiinta lagu tijaabiyay hababka socodka iyo isku imaatinka bulshada lagu xakameeyo “crowd control measures,” hababka lagaga hortago kacdoonada “counterinsurgency methods” iyo hababka lagu nafsad jebiyo maxaabiista si xog looga soo saaro “extreme interrogation tactics.”
Khibrada Yuhuudu ka hesho tijaabooyinkaas waxay usii iib geysaa aduunka intiisa kale. Wadamada macmiilka u ah Israaiil, lacagta badanna ka siista, waxa ugu horeeya wadamada Khaliijta, Maraykanka, India, iyo wadamo badan oo Yurub ah. sanadkii 2021, waxa la qiyaasay in 130 dal ay gaadhay farsamooyinka Yuhuudu ka heshay cabudhinta iyo burburinta reer Falastiin.
Hindiya oo tobankii sano ee ugu danbeeyay ku biirtay dawladaha cabudhiya isla markaana faquuq qorshaysan ku haya muwaadiniintooda Muslimka ah, ayaa ugu horeysa dowladaha Israa’iil ka iibsada barnaamijyada wax lagu basaaso (spyware), tiknoolajiyada dayuuradaha iswada oo tobankii sano ee ina dhaafay lagu soofeeya duqaynihii Qaza, iyo qalabka loo adeegsado xakamayna dibad baxayaasha. Wadamada midowga Yurub ayaa iyaguna Israa’iil ka iibsaday daruurada “drones” ee badaha lagu sheedaaliyo si looga hortago tarhiibayaasha. Shirkada Frontex oo Midowga Yurub u qaabilsan xog ka ururinta badaha ayaa Israa’iil ka iibsatay tobanaan dayuurada is wada ah oo ay Israa’iil ku tababartay kuna horumarisay Qaza. Waxa jira siro aan wali soo wada bixin oo tilmaamaya in Israa’iil ku tababartay ciidanka ilaalada xeebaha ee Yurub farsamooyin mowjado degdeg ah looga kiciyo bada si loo qarqiyo laashashka ay tarhiibayaashu saaran yihiin- kadibna waxay ku daawadaan dayuuradaha is wada.
Wasaarada difaaca Maraykanka ayaa ah ta xidhiidhka ugu xoogan la leh ciidanka Israa’iil. Israa’iil waa wadankii koowaad ee Maraykanku guddoonsiiyo diyaaradaha F35, waana wadanka keli ah ee diyaaradan dagaal ku galay iyadoo marinka Qaza uu ka mid noqday meelahii ugu horeeyay ee diyaaradan lagu duqeeyo, taasi maxay ku tusaysaa? Waxa iyana la yaab leh in Israa’iil dayuuradahan ku iibsatay lacag kaalmo ah oo marka horeba Maraykanku siiyay!!
Dhicana kale, Maraykanku waxa uu gidaar ka dhisay xadka uu la leeyahay dalka Mexico, mase ogtahay in shirkada qaabaysay ee dhistay taawarada sheedaalinta ee digaarku inay tahay shirkadda Elbit oo ah shirkad Israa’iil leedahay oo wax ka dhistay gidaarka u dhexeeya Israa’iil iyo Daanta Galbeed.
Shirkadu waxay tababar joogto ah siisaa ciidanka ilaalada xadka ee Maraykanka iyadoo uga faa’iidaynaysa khibradii ay ka heshay sanado badan oo ay kaalin laxaad leh ay ka qaadatay cabudhinta bulshada Falastiin. Waxa aan la ilaawi karin buuqii ka dhashay markii la ogaaday barnaamijkii wax lagu basaasayay ee Pegasus ee ay samaysay shirkadii NSO. Barogaraamkaas iyo qaar kale oo la mid ah ayay mudo dheer Israa’iil ku basaasaysay Falastiiniyiinta, iyadoo markasta tayadoodu sii fiicnaanaysay, ayaa ugu danbayn loo iib geeyay wadamada kelitaliska u badan ee Carabta iyo Afrikaanku ugu horeeyaan.
Ugu yaraan afartan dal ayaa la xaqiijiyay inay barnaamijkaas iibsadeen oo ay bulshadooda u adeegsadeen. Sanadkii 2022, Israa’iil waxay ka heshay iib geynta dubka, tiknoolajiyada basaasidda iyo khibradaha kale ee aynu soo sheegnay lacag dhan 12.5 bilyan oo doolar; waa lacag sadex jeer ka badan miisaaniyada kaga baxda ciijinta Falastiiniyiinta.
Israa’iill waxay falastiiniyiinta ka dhigtay shaybaadhka aduunka ugu wayn ee wax kasta oo bani’aadamka lagu duleeyo lagu tijaabiyo. Hubka casriga ah, hababka basaasidda, go’doominta, gaajaysiinta, nafsad jebin, jidh dilka ilaa kimikada wax lagu khaarajiyo iyo howl galada shirqoolida lagu fuliyo ayay ku tijaabisaa. Kadibna aduunka kale ayay khibradaas u dhoofisaa oo lacag adag kaga gata. Waa xaalad waxshinimo oo aad taariikhda hore usoo marin, layaab malaha in Israa’iil aan wali loo qaban jariimooyinka ay Falastiiniyiinta ka gashay. Sababtu waxa weeye, Israa’iil waxshinimada waxay kaga wakiil tahay oo ay ku meteshaa dunida reer galbeedka.
Qore : Dr abdikarim d hassan
Bandhige@gmail.com