10 haween ah oo ay tahay in aanad waligaa guursan! (W.Q. Ina Siciid)

In kastoo aynu dhammaanteen isku raaci karno in aanu jirin qof boqolkiiba boqol dhammaystiran, waxa haddana jira arrimo door ah oo saamayn gaar ah oo xun ku yeelan kara ninka doorta ee guursada haweenay ka mid ah tobanka aanu halkan hoose ku taxnay.

1. Ta cadhada badan: Haddii gabadha aad jeceshahay ay aad u cadho badan tahay, had iyo jeerna aad u timaad iyada oo cadhaysan ama diiqadaysan, ka fogow guurkeeda. Xataa haddii aad marar badan ku guulaysato in aad dejiso, cadhadu dhaqan ayay u noqotay oo way ku soo noqon doontaa. Marka nolosha rasmiga ah ee guurka loo gudbo waxa u sahlanaan doonta in ay si sahlan ereyo ku liidaya ama dhaawac maskaxeed kuu gaysan kara ku tidhaah. Haddii aad gabadha dhaqankan leh guursato waxad ka qaadi doontaa qulub.

2. Ta annaaniga ah: Haddii aad rabto in aad ku noolaato nolol farxad leh oo isku miisaaman, ka durug haweenayda annaaniga ah ee wax walba nafteeda la jecel. Way adag tahay qofka caynkan ah in nolol raaxo leh lala wadaago, waayo wax walba waxa uga muhiimsan waxa ay nafteedu doonayso.

3. Ta lacagta aadka u jecel: Gabadha hantida, lacagta iyo dhaldhalaalka sida xad-dhaafka ah u jeceli ma noqon karto xaas wanaagsan oo lagu ledo. Arrin kasta waxay ka eegi doontaa dhinaca dhaqaalaha. Marka dhaqaalaha la waayo jacaylkeedana waa la waayi doonaa. Iska ilaali iyadana.

4. Ta soo-jiidata iskana dhaadhicisa ragga kale: Haweenayda mar walba isku jejebisa iska dhaadhicisa ragga kale ka durug. Waa sida balanbaalista oo marba dhinac bay u duuli doontaa. Waxayna u badan tahay in ay hab-dhaqankan sii wadi doonto guurka kadib, taas oo kugu keeni doonta in aad mar walba dadka ka maqasho xaaskaagii niman kale ayay la joogtay…la baashaalaysay… naftaada ha ku ridin waswaas, hinaase iyo madax-xanuun joogto ah.

5. Ta ladnaanta badan ku soo kortay: Haweenaydu haddii ay korriinkeedii ku soo dhammaysatay ladnaan joogto ah, maalin kali ahna aan loo waayin wax ay u baahato, waxa dabeecad ka noqota in wax kasta oo ay u baahato khasab ku doonato. Sidoo kale waxa dabeecad ka noqota nolol israaf ah oo aan waxba la lexejeclayn, dhaqaalaha oo si xun loogu tagri-falo iyo nafhuridda oo ku yaraata.  Ereyada ay ka mid yihiin “Lama hayo” iyo “in yar sug” kuma jiraan qaamuuskeeda. Haddii aanad rabin werwer iyo dhaqaale-burbur joogto ah, iska jir in aad guursatid.

6. Ta xafladaha jecel: Gabadha had iyo jeer lagu soo casuumo xafladaha ee ka qayb-gasha xaflad kasta kuma wanaagsana xaasnimada. Maalin kasta waxay u baahan doontaa in ay si xad-dhaaf ah u lebisato iyo in aad ku mashquusho qabanqaabinteeda. Haweenayda dhaqankan lihi sidoo kale waxay dayacdaa masuuliyadaheeda oo carruurteeda iyo saygeedu ugu horreeyaan maadaama waxa maskaxdeeda ku jiraaba ay yihiin xafladdii xalay iyo ta caawa soo socota. Iska jir iyadana.

7. Ta dadka is tusta: Gabadha jecel in ay had iyo jeer dareenka iyo indhaha dadka nafteeda ku soo jeediso ma wanaagsana. Sababtoo ah waxay si joogto ah ugu kici doontaa ficilo aan caadi ahayn oo ay ku rabto in ay ku soo jeediso indhaha dadka si mar walba ay dadku iyada u hadal-hayaan uguna mashquulaan. Sidoo kale waxay xiisayn doontaa in ay adiga qudhaada “is-tus” kaa dhigto. Iska ilaali islama keeni doontaane.

8. Ta xanta badan: Gabadha xanta badani ma noqoto xaas wanaagsan. Had iyo jeer waxay ku mashquulsan tahay ama xiisaysaa waxa ay dadka kale qabanayaan iyo sida ay dadka kale u nool yihiin si ay u hesho war ay dadka kale la wadaagto. Danaha dadka kale ayay jeclaysataa in ay farogeliso iyada oo danteediiba dayacan tahay. Marar badan waxa loo qabsadaa fadeexad la xidhiidha war ay cid ka sheegtay mana yeelato cid ay isku kalsoon yihiin oo dadka badankiisa waa ay is nacaan. Ka fogow iyadana.

9. Ta saluugga badan: Haweenayd aad jeceshahay haddii ay saluug miidhan tahay isla markaana aanay lahayn kalsooni ay ugu adkaysan karto go’aan kali ah xaas wanaagsan kuu noqon mayso. Haddii ay wax walba labac-labac geliso oo ay saluugsan tahay waxbarashadeeda, shaqadeeda, qoyskeeda, saaxiibadeed, dee guurkaagana way saluugi doontaa, marka dambena adiga naftaada ayaabay saluugi doontaa. Ha guursan waa bilaa kalsooniye, haddii kale waxa kuu yaal niyadjab joogto ah iyo naftaada oo kalsooni-darro dhaxasha.

10. Ta aan ixtiraamka lahayn: Haddii gabadha aad danaynayso aad ku aragto ixtiraam la’aan badan iyo dadka oo ay ula dhaqanto si fool-xun, ha ku degdegin guurkeeda. Waxa laga yaabaa in ay maanta ku ixtiraamayso laakiin berito marka aad guursato ixtiraam-darradaas ay dadka ku hayso ayaa adigana kuu taal- waayo waxani waa dhaqan sida lagu beddelaana way adag tahay. Haweenayda dadka kale qaddarisa si wanaagsana ula dhaqanta ayuun baa adigana hadhow ku qaddarin doonta. Iska ilaali in aad guursato gabadh maalin walba dadka kugu hor kashiimisa.

Xigasho: Ireportgist.com

Waxa turjuntay: Ina Siciid

Bandhige@gmail.com