12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado Q.3aad (WQ: Mubarak Hadi)

5. Qodobka shanaad ee keeni kara in uu akhriskaagu yaraado waa dul-qaad li’i. Caadada akhrisku maaha wax fudud, weliba kolka aad caadadaa imminka uun billaabayso. Wax waliba billowgoodu ma sahlana. Waxay kaaga baahan tahay juhdi iyo dul-qaad dheeri ah. Waxa la yidhaahdaa, dayax gacmeedku, ku dhawaad 80% shiidaalkiisu wuxuu quutaa daqiiqadaha ugu horraysa ee safarkiisa, halka 20% uu ku dhammaysto inta ka hadhay muddada uu sahanka ku jiro. Wax waliba billowgiisu wuu adag tahay, akhriskuna waa la mid.

Xal: Labo siyoodba akhriska ugu dul-qaado. Waa mare, ma fududa inaad muddo 30 daqiiqo ah wax akhris meel la fadhido iyadoo aanay weli caado kuu noqon, weliba casrigan sooshal miidhiyuhu ee dadku taleefanka ku fooraro. Isku day inaad wakhti yar ku billowda sida: 10 ka cisho ee hore inaad 5 ama 10 daqiiqo aad wax akhriso, haddii ay kugu adkatana aad kasii yarayso si aanay 60 kaa casho maalinna kaaga baaqan.

Waa marka labaade, muddada ugu horaysa waxa dhici karaysa adigoo wax badan wax akhriyay, oo wax akhriska u dul-qaadanayay, haddana inaad muddo dheeftiisa arki waydo. U dul-qaado arrintaa oo ogow in ay tahay wax caadi ah oo lasoo wada maro. Dhirtuba, waraabka bilaha hore kuma dheeraato. Muddo sii insha Allaah.

La soco qaybta 4-aad.

Sii wadaag (Share) 🙂