18-ka May siday ku timid? (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Shirkii Walaalaynta Beelaha Waqooyi.

Shirka Walaalaynta Beelaha Waqooyi, kaasi oo qabsoomay 5/5/1991-kii, waxa aanu socday muddo afar cisho ah. Talooyinkii shirweynahaasi laga soo jeediyey wuxuu ka koobnaa hal Bog, waxa aanu u qornaa sidan: “Shirka Aayo-ka-talinta Beelaha Woqooyi oo ay isugu yimaadeen Guurtida, Suldaammada, Odayaasha iyo waxgaradka kale ee Beelaha Woqooyi oo maanta lagu qabtay magaalada Burco. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

Qodobbadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob

  1. In Waqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
  2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
  3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
  4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
  5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
  6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.

Waxa sidoo kale jiray Qodob toddobaad oo ay mujaahidiintu soo jeedisay oo la xidhiidhay amaba ku taxnaab in Mujaahidiinta qaddarinta iyo mudnaanta la siiyo marka shaqooyinka la bixinayo oo la ogolaaday.

Magacyadii Xubnihii saxeexay gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku.

Markii ergada shirkii Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.
Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirkii Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad.

Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa:
1.In guddoomiyaha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah
2. In SNM xilka hayso muddo laba sannadood ah oo kala-guur ah: 18/5/1991 ilaa 18/5/1993.

  1. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.
    4. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayn oo noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.
    5. Waxa kal-fadhigii 2-aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.

Ku-Dhawaaqistii Gooni-isu-Taaga Soomaalilaan.

Shirkaasi wuxuu bilaabmay goor casar ah, gaar ahaan, xaafada shacabka ee Burco. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen ururkii SNM waxa guddoominayey, guddoomiye ku xigeenkii SNM  Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii Soomaalilaan ee taliskii Max’ed Siyaad hubka isugu dhiibay.

Dhinaca Golaha Guurtida waxa Guddoominaayey Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf. Intaasi ka dib waxa hadalka qaatay Sheekh Khaliif Sheekh Gudaal oo su’aal weyddiiyey, xubinihii SNM ee shirka fadhiyey, waxa aanu ka dalbaday hogaankii SNM gaar ahaan shirguddoomihii madasha Xasan Ciise in ay golaha dhexe ee SNM ergooyinkii shir-Beeleedka u caddeeyaan qaabka ay u hirgelinayaan go’aankii Gooni-isu-Taaga madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaalilaan?. Waxooga yar oo buuq ah ayaa dhacay, ka dib waxa shirkii ka dhex-kacay Guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali oo yidhi waanu ballan qaadnay in SNM sidooda u fulin doonta go’aamada ka soo baxay shirweynaha Beelaha lagu gaadhay, wuxuu Af-carabi ku yidhi” iraadatu umah hiya iraadatu laah.” Ka dib waa loo sacab tumay. Markii arrintaasi laga gudbay waxa la gudogalay doodii go’aaminta mustaqbalka Aayo ka talinta Qaranimo, taasoo ku soo gabagabowday 17/5/1991 in la isku raacay Qarannimada madaxa bannaanida Soomaalilaan.

17-ka Qof Ee Saxeexay Gooni-Isu-Taaga:

Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye
Suldaan Ismaaciil Muuse
Suldaan Rashiid Suldaan Cali
Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
Axmed Sheekh Saalax
Sheekh Daahir Xaaji Xasan
Axmed Xirsi Cawl
Suldaan Maxamed Jaamac
Xasan Cumar Samatar
Maxamed Warsame Shiil
Garaad C/Qani Garaad Jaamac,
Suldaan Cali Muuse iyo Xaaji Aadan Axmed Diiriye(Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tix-Raacyo:

Cali Dool Axmed (Qoryooley)….Meerisyada Taariikhda (2014)

Boob Yuusuf  Ducaale……Dhaxal-reeb, Horaad  2007.

The Search for Peace oo ay soo wada saareen APD iyo Interpeace.