18 May: Maxaa loo dabaaldegayaa? (W.Q. Xaaji Xaaji)

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatulaahi Wa Barakaatuhu.

Waa iga suaale maxaa loo dabaaldegayaa horta? 24 ictraaf la’aan ah mise 24 oo xukun militari la’aan ah? Maxaa loo dabaaldegayaa .. yaa se dabaaldegayaa?

Ma laga war hayaa agoomahii, danyartii, saboolka iyo dadka jilicsan ee dhulkan ku noolaa? 24 sano ka dib talow xaalkoodu wax ma iska bedaleen? Dalka xuquuqdiisa ma loo simanyahay… dheeftiisu se may wada gaadhaa?

Kolayba dal walba oo caalamka ah dhibaato bulsho way ka jirtaa oo dalkeena uun kuma koobna…musuqmaasuqa laftiisa dalal badan ayuu ka jiraa waa kuwo aannu dunida seddexaad la wadaagno’e. Ma caadi baa se in uu xaalkeennu sidannoqdo? In aan dadkeena saboolka ah dawladdu wax u qaban… ilaa hadda waxaa ina caawiya waa hay’ado oo bulshadaa saboolka ah raashin iyo mucaawano gaadhsiiya.  24 sanno muddo yar ma aha ee maxaa dalkii uu ku dambeeyey?

Dhaqaalaha dalka runtii wax badan ayaa u kordhay. Sannadkii 2010 waxaa miisaaniyaddu ay ahayd $47 Milyan marka la barbardhigo miisaaniyada sannadkan 2015 oo ah $ 180 Million (in kastoo uu sarifka dawladda ee 4300 sh ee 1 halka doolar aan u arko mid khalad ah).

Dawladdu waxay ku faantaa in ay wax badan ka qabatay dakhli uruurinta oo waa runtood wax badan waxaa ka qabtay. Eng Maxamed Xaashi wasiirkii maaliyadda ee ugu horreeyey xukuumadda Kulmiye wax badan buu qabtay runtii… waxaa jira in baayacmushtarka iyo dhaqdhaqaaqa kala iibsiga uu kor u socday oo sannad ba sanadka ka sii dambeeyey la arkayo huuteelo, baakhaaro, warshado iyo iwm oo sii kordhaya. Dhaqaalaha dalku markiisii horeba wuu kordhayey oo waa wax la xidhiidha nabadgelyada dalka guud ahaan. Dawladdu se qorshe iyo khubaro ayey u baahantahay oo ka caawiya sida dhaqaalaha iyo maamulka lacagta kor loo qaado. Wali waxaan aaminsanahay in musuqmaasuq uu jiro waana midda ugu muhiimsan ee loo baahanyahay in dawlad ahaan ay ka hortagto oo ay la dagaalanto.

Caafimaadka marka la eego qaybaha dawladda hoos yimaad runtii wali wax badan ayaa u dhiman. Waxaa aad uga fiican qaybaha caafimaadka ee dhakhtarrada gaarka loo leeyahay oo ku sii badanaya dalka oo dhan. Dawladdu waxaad moodaa in ay aanay wali culeys badan saarin sida ay u gaadhsiin lahayd xarumo caafimaad dalka oo dhan. Shaqadaa waxaa hadda haya hay’do dhawr ah oo runtii shaqo aad u muhiim ah ka caawiya bulshada dalka qaybo ka mid ah.

Dhaqaalo yari haysa dawladda ayaa ugu wacan in aan dareeyl badan loo hurin dhismayaasha iyo qalabka caafimaad iyo hawl-wadeennada dawladda u shaqeeya. Dalkan qofka saboolka ah ma ba awoodo in uu helo adeeg caafimaad. Ilaahay caafimadkaa ha inoo daayo’e meel lagu xanuunsado dalkani ma aha!

Waxbarashada marka la eego runtii iyana waxaa aad u kala fog kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa hoos yimaad dawladda. Iskuma dhawa tayo ahaan iyo dhismo ahaan ba. Lacagta ardayda laga qaado ayey ku tiirsan yihiin kuwa gaar ka loo leeyahay inkastoo ay jiraan kuwo dalal shisheeyey dibedda mucaawano ahaan loogu talo galay dalka ku shaqeeya.  Kuwa dawladdu se xaalkoodu aad buu u liita dayactir badan iyo kor u qaadid dhan walba ah ayuu u baahanyahay. Ardayda dhigata dugsiyada dawladda waxaa kugu filan inaad soo booqatid oo aad indhahaag ku aragtid qaabka liita ay wax u dhigtaan.

Nabadgelayda guud ahaan dalka runtii sidii loo baahnaa ma ah. Dadkaa is ogole la inama arkeen. Maamul ahaan waxaad moodaa in booliska iyo laamaha kale ee sirdoonka ama  ka-hor-tagga argagixisada loo isticmaalo si u gaar ah dad masuul ah oo dawlada ka tirsan. Waa dawlad walba oo dalka soo marta  teena hadda uun ma aha.

Maamul ahaa qaabka ay u shaqeeyaan booliska runtii wali way liidataa. Tusaale waxaa kugu filan in qofka lacag leh uu soo xidhi karo qof kale oo muddo xabsiga uu ku xidho waa hadii uu yahay qof sabool ah kaa la xidhayo ama tol la’ yahay. Kuwa siyaasad ahaan loo xidho hadalkooda iska daa waa buux inkastoo muddo kooban uun ay xidhnaadaan ka dibna la iska soo daayo.

Kolayba heerkii Siyaad Barre wali may gaadhin ee haddana waa khalad sidani. Xuquuqda muwaadinka ayaa gef laga gelayaa. Dadka miyaa la iska xidhayaa? Meeshu ma fawdaa oo cidii doonta la iska xidhi karo?

Maxkamadaha dalka Ilaahay waxaan uga baryaaya qofna inaanu soo marin. Waan idin jecelahayo dhibtaa meesha ka taagan waa mid aad u weyn. Ma waxaad aragtay suuq lagu kala iibsanayo qaadiga ama marka aan la fahmi waayin loo hanjabayo. Kii doonaya caddaaladda runtii meel kale ha ka raadsado  ma taal maxkamadaha’e. caddaaladdu waa meesha ugu muhiimsan ee uu ku dhismo ama uu ku baaba’o dal ! Ilaahay ha inoo sahalo.

Dhismayaasha iyo waddooyinka runtii wax badan waa laga qabtay oo ma xuma. Meel fiican ayey mareysaa dedaal weyna waa la muujiyey.  Waxqabad muuqda waa la dareemi karaa kolayba musuqmaasuq kama madhna haddii ay noqoto sida uu u dhaco kala shaandheynta shirkadaha u tartama inay dhisaan. Guud ahaan waa inuu horumarku wada gaadho dalka oo dhan ee aanu ku koobnaan gobollo dhawr ah. Dadka qaar waxay ku odhanayaan shaqadu waxay ka socon kartaa uun meelaha nabadgelyo ka jirto, taas ayaa ugu wacan in waddooyinku aanay wada gaadhin dalka oo dhan.

Siyaasadda guud ahaan wali dalku wuu kacaa kufayaa. Khaladaad way jiraan ee waxaa mooddaa mar walba waa la wada tashadaa oo meel dhexe ayaa la isku yimaaddaa. Waxaa mudan in la xuso in dawladdani ay runtii dhankaa iyo gobollada bari ay isku hawlshay inay isfahan ku soo dhaweyso waana ku waajib, inkastoo dagaal ceelal aan loo baahneyn ay dawldu afka la gashay markii hore. Hadda xaalku sidii hore wuu yara dhamaa.

Gobollada galbeed siyaasad xumida dawladda ayaa u sabab ah cadhadii Suldaan Wabar. Anigu waxaan isleeyahay Suldaanku wuu ku degdegay inkastoo uu gar u leeyahay in uu la xisaabtamo dawaladda uu muwaadinka ka yahay. Waana qof walba oo inaga mid ah xuquuq uu leeyahay inuu ka hadlo dulmiga iyo sinnaan la’aanta baahnsan ee ka jirta dawladda. Dawladdu muddo kooban ba markay jirto doorasho ayaa lagu saari karaa oo mid cusub oo ka hab fiican lagu dooran karaa.

18 May sannadkan waxaa inoo qabsoomay iyo meelaha u baahan in wax laga qabto ayey ahayd in lagu soo dhaweeyo dabaaldegga. Ciyaar isdhex yaac ah waa foolxumo iyo danbi ayaan u arkaa. Haddana farxadda yar waa la iskaga baahan yahay mararka qaar soo ma aha:) Sannad guuro wacan iyo happy 18 May.

Sidaa iyo nabad gelyo

Xaaji Xaaji

xaaji169@hotmail.com