2 Feberweri 1994: Sanad-guuradii 26aad ee aasaasidda ciidanka qaranka Somaliland

Fu’aad Sh.Jabha {USA}

www.farshaxan.com

Waxay aheyd maalin boqran, kuna xusan diiwaanka sooyaalka Soomaaliland.

Wariyayaasha maalintaa bulshada dareenkaa la wadaagey, kana gudbinayey dhigaal taariikhgal ah waxaa ka mid ahaa mudane Axmed Siciid Cige. Wariyuhu wuxuu xilligaa gudoomiye ka ahaa wargeyskii Qarni-Ifriiqiya ,Iminkana la yidhaa  {Dawan}.

Wariyaha oo ka waramaya dareenkii bulshada ee maalintaa ayaa yidhi: ” Dareenka dadweynaha Somaliland maalintaasi badidoodu waxay u ahayd maalin ku weyn.Waxaaney bilow u ahayd hubkii qabaa’ilka ee halista ku ahaa nabadgelyada oo beesha Arab ay ku dhiiratay inay ku wareejiso xukuumada. Waxay ahayd xaflad weyn oo la keenay hubkii tiknikada ee cuslaa iyo ciidankiiba garoonka kubada cagta ee Hargeysa. Waxaa hor kacayay suldaankii guud ee beesha Arab Suldaan Maxamed Suldaan Faarax (IHUN) oo hadal dhaxalgal noqdayna halkaa ka sheegay.”

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax (IHUN) ayaa weedhihii uu halkaa ka jeediyey ay ka mid ahaayeen : ” Habrihii hubka isugu faanayow waannagaa annagu wareejinay hubkayagii ee bal cidi ha na soo weerarto”.

Madaxweynihii xilligaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHUN) ayaa isna u ballanqaaday beesha Arab in nabadgelyadooda dawladu damaanad qaaday. Maalintaa oo ay taariikhdu ku beegnayd bisha Febraayo 2dii ee gu’gii 1994kii ayaa loo suntay inay noqoto maalinta aasaasida ciidanka Qaranka ee Soomaaliland. Waxaana mudnaanta koowaad leh oo suurtogaliyey maalintaasi inay yeelato mudnaantaa iyo maamuuskaba Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo beesha uu hogaanka u hayey ee ka ogolaatey fulinta arinkaasi. Waxaana khudbadii maalintaa uu halkaa ka jeediyey Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal(IHUN) ka mid ahaa: ““Guutada Sancaani ayaa maanta laba ku noqotey guushii laga gaadhey dib-u xoreyntii dalka”

Bahda Mareegta Farshaxan ayaa had iyo jeer bulshadeeda la wadaagta qoraalo ku salaysan taariikhda dalka iyo dadka Soomaalida, si gaar ahna awooda u saarta sooyaalka dadka iyo dalka Soomaaliland.

Mareegta Farshaxan Media 2020