20 faa’ido oo ku jira, buugga aabbe saboola iyo aabbe Hodana (WQ: Kamaal Shaacir)

1.Dadka badankooda dhaqalahoodu waxa uu ku xidhan yahay, xirfaddooda,halka dadka hodanka ah hantidoodu ku xidhan tahay, maalgashiga ay sameeyaaan ee u shaqeeya.

2.Haddii aad shay iibsato, horta lacag kasamee, aad ku daboosho. qarashaadkana dib dhig iyo wixii raaxooyin gaara.
3.Lacagaha dheeraadka ee aad samayso maalgashi ku samee, yey meel kuu oollin, si’ay usoo saarto hanti badan.

4.haku xisaabtamin, mushaar badan ood hesho, ku xisaabtan hanti badan ood samayso ood ku tiirsanaato.

5.dhaqaalahaaga iskaashi ku samee oo cid lagal, yareena cashuuraha kaa go’aya iyo mushaaraadka iska baxa.
6. Aqoon u yeelo, xisaabaadka,suuq-gaynta, xidhiidh wadaagga iyo hadalka qumman.
7.Ushaqee si’aad aqoon uga barato shaqada, ha u shaqayn si’aad mushaar uun uga hesho, markastana shaqo ka raadi halka aad xirfad cusub ka helayso.

8.maal gashi ha iibsan, (investment) horta baro sida wax loo maalgashado.
9.waxaad noqonaysaa waxaad barato, ka taxadir waxaad baranayso.
10.Guusha ganacsigu waa inaanad ka cabsan guuldarada.
11.Guuldaradu waxay dhiirri galisaa,qofka guulaystey waxayna jabisaa qofka guuldarraysta.
12.Dadka wax iibiyaa,waxay ka fikiraan qiimo sare,mase oga in marmar iib hoose ka qiimo badan yahay.
13.lafadhiiso dadka guulaystey iyo kuwa kaa sarreeya.
14.maankaaga ka tirtir”weedha ma awoodo” Kuna baddel “inteen awoodaa”?
15.Hantidaadu waa inay dhigaal yeelataa”savings”
16.Riyadaada maskaxeed ha ballaadhnaato.
17.Baro sida wax loo dhagaysto,dhagaysigu waxa uu ka qiimo badan yahay,hadalka.
18.suuqaaqa ballaadhi, Hal suuq haysku xidhan.