20-ka Febraury: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne!
Qaybtii 1aad
“Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaa
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaal”.
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc), 1968, AHN.
Febraury 20-keedii, 1982, waxa Hargeysa oo ahayd magaala madaxdii 2aad ee Jamhuuriyaddii Dimoqraaddiga ahayd ee Soomaaliya ka dhacay kacdoon weyn oo ay bilaabeen ardaydii dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa, taas oo dhaqaajisay dadweynihii magaalada oo gadood kala hor yimi xukuumaddii kelitaliska ahayd ee xoogga badnayd ee Maxamed Siyaad Barre. Taxanahani waxa uu ka hadlayaa kacdoonkaas iyo natiijooyinkii ka dhashay iyo xidhiidhka ay maanta la yeelan karaan waayaheenna siyaaso-bulsheed.
Xaaladdii Gobolka
Sannadihii badhtamaha toddobaatanaadkii iyo bilowgii siddeetanaadka; qarnigii 20-aad ee aynu dhowaan sagootinney, waxa hoos u sii ciirayey heerkii bulsho-dhaqaaleed ee guud ahaan dadka iyo dalweynihii kala daatay ee Jamhuuriyaddii Dimoqraaddiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayey xisbigii Kacaanka Hantiwadaagga Soomaaliyeed.
Waxa sii kordhayey cadaadiska iyo cubbudhintii siyaasadeed ee taliskii Maxamed Siyaad Barre uu guud ahaan dadka ku hayey, gaar ahaanna kii dusha ka saarnaa gobolladii Waqooyiga (Somaliland) iyo, Bariga iyoBadhtamaha (Puntland) oo lagu tilmaami karayey cadaadis qorshaysnaa oo markii dambena isu rogey gumaad iyo cidhibtir qoondaysnaa oo aan kala sooc lahayn.
Waxbarashadii
Dugsiyada waxbarashada ee caasimadda labaad ee Hargeysi indhaha ayay isku sii qabsanayeen. Waxa isku takhlanaa kuraasta fasallada dhex tuuran, dhaayahayaga iyo dhoygii ardayeed ee aqoonta u jeellanaa muhasho ahaan. Ardayga fasalka 4aad ee dugsiga sare dhigtaa aqoon uma lahayn sida ay Ogsajiin iyo Haydarojiintu biyaha u sameeyaan marka falgal kiimikaad laga dhexaysiiyo. Shaybaadhadaba (laababka) dugsiyadu badiba ma lahayn, kuwii lahaana habaas baa fuulay oo cidiba ma manaafacaadsan karayn. Macallimiinba looma hayn ardayda xitaa duruustii caadiga ahayd u dhigta oo siisa.
Tusaale ahaan wax macallimiin ah oo dugsiga sare maaddadda fiisigiska ka dhigi karayey, waxa gobolkaba ka joogey macallin keli ah oo magaciisu u caan ahaa sida uu macallinkaaasi macduunka u ahaa; waa Siciid Maxamed Ibraahim “Siciid-Fiisigis” oo arday weliba yaqaanney magaciisa, dhowaanna sannadkan 2020 hortiisii ku geeriyoodey magaalada Birmingham, UK oo uu muddooyinkii dambe ku noolaa, AHN. Xasan Dayax ayaa mar dambe soo labeeyey.
Kiimikadana laba macallin oo keli ah ayaa joogey. Ma jirin gobolkaba wax buugaag ah oo daabacan oo ku saabsan manhajka waxbarashada dugsiyada. Caasimaddii Muqdisho ayay ardaydu xilligaa fasaxyada ka soo iibsan jireen buugaagtaas suuqa wadhatada ama cid uga soo dirta ka codsan jireen. Maantana weli talo ma saalloona, gudcurkiina sii baah. 30 sano ku dhowaad ka dib yagleelkii Somaliland tiro korodhay mooyee tayo waxbarasho waa ay ka sii liidataa sidii ay maalmahaas ahayd.
Maxamed Baashe Xaaji Xasan
La soco qaybta 2aad.