โTaariikhdu waynoo musbaax maanka caawima
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaa
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaalโ.
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc), 1968, AHN.
Mar keli ah ayaa la is gaadhsiiyey dareen xambaarsan in inammadii UFFOmaxkamadda xaggeeda dambe laga soo geliyey oo la xukumayo. โGacan Nebi nin doonow gacantaa ha samaatoโ. Dhulka ayaa la taabtay. Dhagaxa iyo shiidka ayaa hadhka lagaga dhigayaa askartii maxkamadda hor tubnayd. Tacshiirad rasaaseed ayay dhagixii askartu kaga jawaabayaan. Maqalkii rasaastu waxa uu soo kiciyey dadkii magaalada oo dhan.
Ardaydii dugsiyada sare iyo dhexe, ayaa qolo kastaa halkeeda ka soo dhaqaaqday. Muddaharaad ayaa dhinac walba ka soo bilaabmay. Faras magaalaha ilaa Shacabka (xafiisyada dawladda iyo maxkamadda) ayaa dadku is qabsaday. Waxaa ka dhacay wixii la ogaa ee toogasho iyo dil lahaa, xadhig iyo cadaadis lahaa iyo dhinaca kale mintidnimo iyo kacdoon dhiirran lahaa.
Maalintaas iyo dhawrkii dharaarood ee ku xigey waxa magaalada Hargeysa ka bilaabmay isa seeggii ugu weynaa iyo isku dhacii ugu riiqda dheeraa ee shacbiga iyo maamulayaashii xaaduqa ahaa ee taliskii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu ahaa kacdoon dadweyne kii ugu weynaa. Afar maalmood ayuu is daba joog ahaa oo aan laga libiqsan, lagan a nasan. Maalin kasta dardar iyo ged cusub ayuu la soo baxayey. Hargeysi waxa ay maalmahaas isu beddeshey goob iska hor imaad.
Dadka oo dhan buu gadoodku saameeyey. Ardayda waxa lagu qarinayey gurigii ay soo galaan oo dharka lagaga beddelayey, gaar ahaan maalintii ugu horraysey ee balcadda la xidhnaa. Maalmihii dambe dhar cad baa la iska wada ahaa oo cidina dirays ma aanay soo qaadan. Dugsiyada ba waa la qaaddacay. Guul ama geeri buu hadafku ahaa. Himilo kale lama lahayn ย in dhallinyarada UFFO dilka laga baajiyo mooyaane.
Waxa la xidhxidhay dad badan, waxana si xoog ah loo cabbudhiyey dhawaaqii xorta ahaa ee dadweyne. Waxa aan xusuustaa tacshiiraddii rasaaseed ee nacweynida lahayd ee ciidamadii dawladdu noo adeegsadeen. Waxa aan xusuustaa toogashadii naxariis darrada ahayd ee lagu diley ardaygii bannaanbaxyadaas ku geeriyoodey 20-kii Febarweri sannadkii 1982 duhurnimadii Alle ha u naxariistoโe Barre Xaaji Cilmi Axmed (Badh-dho).
Waxaan kaloo xusuustaa cidhiidhigii iyo diiqaddii siyaasadeed ee maalintaas Hargeysi gashay ee u sii jiitamey xaaladihii bandowga, dhaca iyo boobka, ย gumaadka iyo xasuuqa aan kala sooca lahayn ee dadka loo geystey ilaa laga gaadhay dumintii iyo burburintii waynayd oo buugaagta taariikhda balasheeda ku soo noqnoqon doonta.
Waa xasuuqyada iyo gumaadyada marka la soo hadal qaado maanta ee laga sheekeeyo dadka qaar โoohinta iyo cabaadkaโ sida dhalaysiga ah ugu tilmaamaan, qaar kale na in ayb qiraan oo laabta u sii daayaan, kana garaabaan, oo raalligelin rasmi ah ka bixiyaan ay afka kala meermeeraan. Waa gumaadyada ay ka sii dhasheen dagaallo hubaysan iyo jawrfallo kale oo falcelin u ah kuwaas xukuumaddii Maxamed Siyaad ku kacday.
(Mawduucan xasuuqa iyo gumaadka aan kala sooca lahayn baa laftiisu taxane kale iyo qormooyin u baahan), marka la eego jiritaanka xaqiiqada: โGenocide Deniers and Their Sympathizersโ ee sii xoogaysanaysa waayada dambe.
La soco qaybta 6aad.