20 Sanno Kahor iyo Xusuusta Barnaamijka BBC Somali ee Caawa iyo Caalamka (WQ: Khadar Cabdilahi-Qabile)

Mudo ka badan 50 sano kadib, waxa soo gabagaboobay barnaamijkii habeenimo ee idaacadda laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ka bixi jiray sagaalka habeenimo ee geeska Afrika. Waxa uu ahaa barnaamij sannado badan dhagaytayaasha idaacadaasi ay kala socon jireen wararka caalamka, kuwa gudaha deeganada Somalida, heesaha iyo salaamaha, Fanka iyo suugaanta, dhacdooyinka ciyaaraha iyo barnaamijyada taariikhaha. Waa barnaamijka hada loo yaqaaney Caawa iyo Caalamka, erey bixintaas oo uu lahaa ilaahay ha u naxariistee Wariyihii weynaa ee Axmed Xasan Cawke.

Hadaan dib ugu noqdo baryihii idaacada aynu ka dhagaysan jirnay mawjadaha SW2 ayaa lahaa xusuus gaara, maxaa wax la soo maray , waxa dhici jirtay adigoo baadhbaadhaya idaacadii in 30 daqiiqaba dhamaadaan amaba warka muhiimkiisu ku dhaafo, waxa inta badan dhici jiray xiliyada wararka xiisaha leh ama dagaalada iyo colaadaha jiray xiliyadaa ka waramaya in idaacadaba aad wax ka maqli weydo , idaacada ayuunbaa guri jirtay shuquuuuq, may jirin meel kaloo aad ka dhagaysato, FM-tu waa markii danbe, internet hadalkiisa daa.
Inkastoo wariyayaashii joogay idaacadu ay ka hadli jireen dhamaantood hadaan qaarkood xasuusto wariyayaashaa wakhtiyo Kala danbeeyay hadli jiray xusuusta hadaan dib u celiyo ilaa yaraanteydii.

Maxamuud Xasan X.Cumar, Maxamud Sh. Axmed Dalmar, Cabdilaahi Xaaji, Siciid Cali Muse, Cabdirisaq Xaaji Maxamed Siraad, Yoonis Cali Nuur, Cabdinuur Sh.Maxamed Isaxaaq, Axmed Xasan Cawke, Cabdisalaan Ibrahim Hereri, Aden Nuux Dhuulle, Maxamed Cumar Axmed (Haydara), Maxamud Cabdi Cali (Ducaale), Maxamed Sh. Xaamuud, Mustafe Cabdi Xuseen ( Shaafi), Cabdilaahi Xasan Fadal (Sool), Saleeban Xuseen Barkhadle, Saynab Maxamed Jamac, Shamso Cabdilaahi Axmed Bybook, Jawaahir Saleeban Cumar, Maxamed Cabdilaahi Ribaax, Yusuf Garaad Cumar Axmed, Siciid Faarax Maxamud, Yuusuf Xasan Cabdi, idiris Xasan Diiriye, Yuusuf Nuur Xasan iyo Maxamed-Rashiid Sh. Xasan Guuleed.
Waxaan si gaara u xasuustaa habeenimada ay inta badan idaacada ay ku jiraan Cabdilaahi Xaaji, Cabdisalaan Hereri, Siciid Cali Muuse iyo markii danbe ee Cawke joogay, kolayba waa kuwii ka sheekeeya sheeko qosol ama xiiso leh marka idaacadu sii xidhmayso.
Ilaahay ha u naxariisto intii dhimatay ee aan soo hadal qaaday.

Fiiro Gaara: xiliga aan sheegayo waa ka hor 2000.