26 sanno oo ka dambaysay dhismaha dawladnimada dastuuriga ah ee Somaliland, waxaa joogto ahaa muranno dhammaantood salka ku haya hoggaanka siyaasadeed.

26 sanno oo ka dambaysay dhismaha dawladnimada dastuuriga ah ee Somaliland, waxaa joogto ahaa muranno dhammaantood salka ku haya hoggaanka siyaasadeed.

Madaxweyne Cigaal (AHUN), muddo kordhin ayuu samaystay, cabudhin, cadaadis siyaasadeed iyo cudud amnibana waa uu u adeegsaday mucaaradkiisa, waxa aanay tiisii noqotay iyada oo ay caddahay in aanu dhayal kaga degeyn kursiga.

Rayaale oo sharcigu uu xilka dhaxalsiiyeyna, intii taagtii ahayd waa uu ku dadaalay in aanu ka degin, laakiin beesha dhexe oo aanu ka dhalan, iyo qolyaha SNM ee isa siiyey xuquuqda hoggaamineed ee dalka oo aanu ka mid ahayn, ayaa uu u dhitinayey.
Caqabadda ugu weyn ee uu u sii xejisan kari waayeyna waxa ay ahayd, isaga oo aan sidii KULMIYE xariif ku ahayn dhismaha is xulafaysiyada beelaha, sida ay beesha dhexe isu raacraaci karto marka ay siyaasad tahay, iyo xeeladda uu isticmaalayey oo aan ku dhisnayn istaraatjiyaddii Cigaal oo aan anigu u aqaannay, “Qaniinyo afuuf”.
Cabsida ay ku keeneen arrimahaas oo isu tegey awgeed, Rayaale waa kii ugu dambayn qabtay doorashada ee weliba col hortii guuldarrada isu dhiibay, sida laga garankaro ololihiisiiba.

Madaxweyne Siilaanyo, isna caadadaas ma uu baajin, muddo kordhin waa uu samaystay oo intii taagtii ahayd waa uu isku dayey in uu doorashada dib u riixo. Duruufo badan oo xilligaas jiray awgeed ayaanan u sibir saarayaa sababta uu ugu dambayn u ogolaaday in uu kursiga ka dego.

Madaxweyne Muuse ciyaar kuma uu fuulin oo xitaa dagaalka xisbigiisa gudihiisa ka soo maray, ayaan ahayn wax uu illaawi karo. Ciddii ka filaysa in uu hadal la yidhi iyo hawlyaraan kaga tagaana, waxba kama ay baran taariikhda siyaasadeed ee Somaliland.

Weliba Fursadaha uu madaxweyen Muuse raggii hore dheeryahay ee damaciisa xoojin kara waxaa ka mid ah; bulshada oo sidii ugu weynayd abid u qaybsan, colaado iyo dhaqaale xumo dalka ka jira, cadaadisyo caalamiya, iyo xaaladaha foosha xun ee ka dhashay siyaasaddii Somaliland oo la midowday qabyaaladdii ay awalba is dugsanayeen.

Kursi jacaylka iyo in aan xilka laga tegin waa dabeecadda abuurta ah ee aadamaha badankiisu uu ka siman yahay, laakiin in damacaasi uu hoggaamiyaha u shaqeeyo waxaa saacida duruufo kale.

Marka Somaliland la eego, anigu ma qabo in ay jiraan xariifnimo iyo karti ama caqli dheeraad ah oo madaxdaas u sahashay in ay kursiga ku dhegaan. Mana jiraan tabo iyo xeelado waaweyn oo ay is dheeryihiin mucaaradka kursiga ka dhacsanayey. Balse, waxaa jirta sabab keliya oo dhammaantood ay ka faa’idaysteen, kuwa dambana ay sidaas oo kale uga faa’idaysan doonaan.

LA SOCO HAL QORMO OO KALE …