30 Sanno Ka Hor: Muqdisho illaa Maraykan Q.2aad (WT: Hassan-Garnayl)

Wakhti fiican oo 24tan saacadood ah, waxaan fadhiyey kursiga daaqada xiga—halkaas oo aan kala socday daruuraha, webbiyada qalqaloocan iyo dhul badan; sidda adduunkii weynaa mid yar uun ugu muuqday!. Ka dib khibrad naxdlin leh oo aanu kala kulanay gegada diyaaraddaha ee Boston Logon, sarkaalkii Laanta Socdaalku wuxuu igu war-galiyey in aan madaarka ka bixi karo; waxaan dareemayey cabsi iyo kabuubyo. Ugu dambeyntii waxaan ka soo baxay albaabka kastamka; waxaanu is helnay habarwadaagay Maxamed Ali Baranbaro, C. Xamiid Maxamuud Yuusuf iyo Cabdiraxman Yuusuf (Dhagaweyne) oo u sii samray sugitaankayga. In baadhaha

Laanta Socdalku (immigration) wax ka su’aallay arrinkayga si uu ii hubiyo, ayey ii sheegaan; anna waxaan uga mahadnaqay sidda qadarinta leh ee ay saacaddaha badan ii sii sugayeen.

Kursiga hore ee gaadhiga in aan fadhiisto ayey igu qasbeen; wuxuu ahaa gaadhi Bruick ah, General Motors saamaysay, Cabdiraxmaan Yuusuf baan lahaa. Waa arragaygii koowaad ee Maraykankii soo jiidashada lahaa; markii aanu dhex soconay tunnel-ka ( dhuun waddo ah, oo dhex marta biyo ama buur sidda Tabca oo kale), maan rumaysan kareyn in aanu biyo hoos marayno. Ku soo laabashadaydii magaalada,

ka dib xagaagii oo aan ku soo qaatay miyiga, waxaan ku safri jirray dusha saree gaadhi weyn, oo Japan lagu sameeyay. Caadiyan gaadhigu wuxuu qaadaa 20 qof iyo riyo, dhammaantayo waxaanu dul fadhinaa jawaano hadhuudh, bariis iyo sonkora, xayndaab na looga dhigay alwaax loox u eeg. Wey adkayd in aan aamino, in aan fadhiyo kursiga horee gaadhi raaxo Maraykan ah, oo hees fiicani ka baxayso. Wax la qabtaa ma jirtee, ku raaxayso muuqaallada Boston!. Gudcurkii waxaa ifiyey laamabaddo ifaaya; runtii waa yaab, aan lumaysan karin (Woow! wey shidneyd Boston).

Waxaan la dagay gurigii habarwadaagay. Bal aan wax yar idiinka waayo waramo (nostalgic) Maxamed. Waa habarwadagay; waan xasuusta is-arragayagii koowaad; 12 toban jir baan ahaa, isna 9 jir. Aabbo ayaa Balad-weyne iga soo ambabixin jirray xilliyada fasaxee xagaaga, halkaas oo aanu kula noolaa intuu militartga

ka tirsanaa illa Muqdisho, oo ay habo Sahra joogtay. Habo Sahra ayaa dhashay Maxamed, aabahii na waa Cabdiraxman Cali Baranbaro,

oo ahaa sarkaal saroo ka tirsan War-doonka.

Aabbo iima gaxayn karo Muqdisho, badalkiisa waxaa la igu aaminay nin la yidhaahdo Maxamuud Siciid, oo markaa u shaqaynaayey Wasaaradda Gadiidka. Saddex maalmood bay nagu qaadatay in aanu helno gurigii habaryaro. Muu jirrin Yellow Page (warqad tuse ah, tilmaamto loo adeegasado raadinta goob); internet ma jirro; ma hayno hab aanu u raadin karno gurigii habo. Telefoonadu, iyagu xisaabta ba kuma jirraan; guryo kooban oo dawladdu leedahay, ayuun baa lagu rakibay. Waxaas dhami waxay ii ahaayeen khibrad weyn.

Waxaan fuushanahay dhug-dhuglayda yar ee Vespa, dhabarka dambe ee Maxamuud Siciid. Markaanu waxoogaa socona ba qof baanu wax weydiinaa, isna mid kaluu noo soo tilmaamaa, haddana mid kale, illaa aan helayno halkuu uu qoyska habaryaro dagganeyd. Muqdisho waxay caan ku ahyd Shinoomiyinka shaashadaha waa weyn leh ee lagu caweeyo; [ M. Siciid] filimadii ii geyn jirray; waxaan daawan jirray filimada dagaalka ah. Runtii Maxamuud si fiican buu ii daryeelay. Waan u hanweynahay inaan hadda idinla wadaago, in Maxamuud hadda yahay Suldaan iyo hoggaaminaha qabiilkiisa.

Khibradda aan ka helay imaatinkii Boston iyo

la joogitaanka Maxamed, ayaa sidoo kale i xasuusisay markii ugu horreysay ee aan Muqdisho imi, anigoo d’a yar. Maxamed aabihii waa Kornel saroo sir-doonk ah, wuxuu mas’uul ka ahaa gobolka Waqooyi-Galbeed. Wuxuu ahaa nin culus oo aan iska daawaneyn, xalaada qalalase ee wadanku galaayo; 1981 ayuu ku dhintey shil diyaaradeed oo Somali Airline.

( Cabdiraxman Cali Baranbaro wuxuu ahaa taliyahii NSS ee Waqooyi, iyo taliye ku xigeenka haayadda innuu ahaana waan maqlay. Sidda uu Cabdiqaadir Oromo buuggiisa ‘Sababahii Burburka Soomaliya’ ku qoray, Mr. Baranbaro wuxuu ku tilmaamay innuu ahaa nafta ku jirta NSS. Muhiimada shaqada uu hayo awgeed, qasab ayey ahyd innuu maalin walba la kulmo madaxweynaha. Isaga iyo Janeraal Canjeex oo reer Hargaysa ayaa 1981-dii ku dhintay shil diyaaradeed, oo looga shakisanyahay innuu ahaa mid qorshaysan. Dukumantiyo xafiiskiisa laga hellay ayaa la sheegay inay muujiyeen arrimo la xidhiidha ‘ Gooni-isu-taagga’ gobolka Waqooyiga—waa mid ka mid ah sababahii ugu waaweynaa ee Siyaad Barre ku riixday, ka amiin bixidda madaxda beesha Isaaq ee ka tirsan xukumaddiisa. Kornayl Cabdiraxman, Toljecle ayuu ahaa). Isagoo d’a yar, haddana Maxamed wuxuu lahaa astaamahii aabbahii.

Wuxu ahaa safarkii rajada, iyo suurtogalnimada wejihidda jewi adag iyo loollan dhib badan. Shillinka labadiisa dhinac ba—deegaan ahaan iyo qoomiyad ahaan ba, Maraykanku u fursad ima siinayn, laakiin isma dhiibin; hawshaydaan watay; nasiib na waan lahaa!. Alle (SWT) ayaa iigu nimceeyay la kulmidda dad badan, oo si weyn ii caawiyey. Sababta aan u xamilay annigoo dhalinyara ah, dhibaatooyinka adag ee laga maraayo Maraykanka iyo waddamada kale, waxay ahyd: ku kalsoonaanta qotada dheer ee kartidayda, iyo dabeecadii aan la qabatimay annigoo aad u yar. Markaan miyaga joogay waxaan ka masuul ahaa raacida adhi riyo iyo edo ba lahaa; maalmaha fasax iskuulka waxaan ku dhammaysan jirray dhulka miyiga ah ee Waqooyiga Somalia. Siddii ay qoyskayga uga hagar baxeen waxbarashadayda, ayaa siddoo kale muhiim u ahyd guullahayga qaangaadhnimo. Waxay carabka ku adkeeyeen in hantida dhabta ah tahay waxbarashada, judhiina ii carbiyey shaqo adag. Waxay na iga filayeen inay si weyn iiga go’antahay, una adkaysanaayo waajihadda heerka u sareeysa, annigoon daruufaha dhag u dhigin. In kastoo cashar loo dhigo caruurta, haddana waxaan ku qanacsanahay layligaygu/edbintu ahyd, furaha ii furay caalamka fursadaha ee aanan weligay hore ugu riyoon!!.

… Dhammaad.