W.Q: Jamaal C. Xuseen
W.T: Hassan-Garnayl
30 Sanno Ka Hor: Muqdisho illaa Maraykan
17kii Sept sannadii 1989kii, ayaan Muqdisho kaga ambabaxay duullimaad Soomaali Airline illaa FrankfurtโGermany. Subax ku beegan badhtamahii August 1989, hiirtii waaberi baan toosay si aan u aaddo Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho. Markan 5tii subaxnimo ba tagay, kuyuugu wuu dheeraa, dad ayaa habbeenkii sii hor seexday dhismaha Safaaradda. Boqolaal naga mid ahi waxay maalintaas sugayeen gudbinta dalabashada Fiisaha, iyo in waraysi loogu yeeedho, laakiin waanu ognahay in tiro koob uun loo oggalaan doonoโbadi waxay ku xidhan tahay sidduu waraysigu u dhaco. Aroortaas qoraxdu aad bay u kululayd, muraad se kama lehi!. Hortayda waxaa taagan Hooyo doonaysa inay Atlanta arooskii wiilkeeda kaga qayb-gasho; gadaashaydana lammaane haysta ilma yaroo u hayo cudur dhifa, laguna daawayn karo uun Memorial Sloan Kettering. Haa, qof walba waayahiisu waa u gaar. “waxaan tagayaa Bostan!” ayaan qof walba ku idhi.
Waxay ahyd labadii galabnimo ka hor, waana wakhtigii lay waraysan lahaa. Nasiib wanaaggayga sarkaal i waraysanyaa Boston College buu ka soo baxay. Waxaan u sheegay hadafkayga & sababta aan halkaas u aaddayo; ugu dambeyn wuxuu igu yidhi ” waad u riyaaqi doontaa halkaa [Boston]” Dhoollo-caddeyn buu iigu ishaaray (oggolaansho) ana waan fahmay. Farxad awgeed in aan dhabarka ka taabto ayaan rabay (mahad-celin), laakiin ma awoodo; muraayad baa noo dhaxaysa. Waxaan u soo cararay siddii aan qof walba ugu sheegi lahaa gaar ahaan abtigay Axmed Ciise, oo aanu wakhtigaa wada joognay. Waa dhab; xaqiiq waan tagayaa Maraykan!. Usboocyo ka hor intii aanan bixin, nafsiyan waan is xakamayn kari la’aa. Bishii iigu dambaysay Soomaaliya firaaqo maan lahyn, saaxiibo badan ayaa ii fidiyey casuumado macasaalmeyna, oo casho iyo qado ba lahaa. Waxaan ku soo gabagabeeyay quraaco aan kula kulmay dadka.
Dagaalkii sokeeye ayaa ka socday Soomaaliya, dalkuna wuu sii adkaanayey. Dhinaca koonfurta ee Muqdisho, oo ahyd halkii aan ku noolaa, welli qof welliba nabad ku filan buu haystay. Mashquul baan ku ahaa Iskuulka, shaqo iyo asxaabta; weyna ii fududayd in laga indho saabo dhacdooyinka foosha xun ee ka dhacaya Waqooyi. Markii ugu horaysay ee Siyaad Barre awoodda yimi, wuxuu sameeyay waxyaabo badan oo wanaagsan; horumar ah, si uu dalka u dhiso. Wuxuu sameeyay beero, warshado, dhismaha waddooyin, ruggo caafimaad, iskuullo iyo dhir badan oo la beeray. Waxaan
la barbaaray jiilkii ku raaxaystay nabad galyo taama ah iyo barwaaqo, kana faa’iidaystay dib u habayntii waxbarashada ee 70kii illaa horaantii 80-tanmaadkii. Arrimahu wey sii kharibmayeen dabayaaqadii siddeetamaadkii. Mar dambe ayuun baan ogaaday baaxda dhibaatadu gaadhisiisan tahay (Waqooyi). “Nin daad qaaday xunbo cuskay” ayey maahmaah Soomaliyeed tidhaahda. Ciidamada dawladda ayaa si aan kala sooc lahyn u duqeynaayey magaalooyinka waaweyn ee Waqooyiga.
Waxaan u socdaa Maraykan. Wadnahaygu wuu garaacmayaa. Waxaa ahaa nin yaroo faraxsan. Diyaaraddu waxay nala dul-martay ‘Xerada Tababarka Ee Xalane’ halkaas oo ardayda ka soo baxda dugsiyada sare, shuruuda lagaga dhigay inay saddex billood oo tababar militariya ku qataan, ka hor gelitaanka Jaamacadda. Shan sanno uun ka hor, ayaan Kaamkan ku jirray. Marwalba oo aan arko diyaaradaha waaweyn ee na dul haadaya, waxaan qabay riyo maalmeed ah, inay dhammaantood u socdaan Maraykan. Haddase annigaaba ka dhoofaya Afrika illaa Frankfurt. Waxaanan raacay Lufthansa Flight #422 illaa Boston. Wakhti fiican oo 24tan saacadood ah, waxaan fadhiyey kursiga daaqadda xigaโhalkaas oo aan kala socday daruuraha, webbiyada qalqaloocan iyo dhul badan; sidda adduunkii weynaa mid yar uun ugu muuqday!.
Lasoco Qaybta 2aad…