Aabahay ma u eegahay? (WQ: Ahmedyasin sh cumar Ahmed)

أتأمرون الناس بالبر وتنسون انفسكم وانتم تتلون الكتاب

Hadaad qofwalba(waalidkasta) su’aasho ka waran maxaad ubadkaaga la rabtaa? sida Jawiga noloshiisa,Sawirka mustaqbalkiisa? waxay si fudud kuugu jawaabayaan, waxaan rabnaa inuu farxad ku noolaado,inuu dhakhtar noqdo,inuu sheekh noqdo.

Waa maxay farxaddu? farxadda aad la rabtaa, asal ahaan sideed u fahansantahay,maxay kuugu qeexantahay,ma waxaad utaqaanaa inuu lacag helo Dhakhtar kuu noqdo lacagta urursada oo dadka ka macaasha,sida kuwa maanta nool oo kale mise Sheekh inuu kuu noqdo oo isna cilmiga diinta faaidadiisa lacag samayn u fahmay sida wadaadka maanta.

aabuhu waa tusaalaha kaliya ee ubadkiisu ku garaadsadaan,habdhaqankiisa hadaba aabaha waaqican nooli waa dhawr qof mar waa aabo hadalkiisu dirir ubadan yahay ama sheekh ama dhakhtar kuu doono ha noqdee gaar ahaan ahaan inta uu guriga joogo waa traffic oo khaladaadka guriga ka dhaca uunbuu yaqaanaa sheegmadiisa, macaamilka nolosha miisaankeeda dheelitiri lahayd waxba ugama duubna,farxadda iyo kalgacalka ay ubadku kaga dayan lahaayeen malaha suuqa ayuu kusoo qaataa, bal adba.

aabaha waaqican nooli wuxuu ubadkiisa usheego iyo qaabka uu udhaqmaa xoog ayay u kala duwan yihiin.

Xikmadda guusha nolosheenu “أتأمرون الناس بالبر وتنسون انفسكم وانتم تتلون الكتاب ” ma wanaag bad faraysaan dadka( ubadkooda) idinkoo nafahiiniina ilaaway waa sababta aayada usoo qaatay tafsiirkeeda waa laga yaabaa in meelo badan tusaale loogu qaadan karo ” وانتم تتلون الكتاب” idinkoo ka tagay Kitaabka quraanka.

ilaahay Xikmadda guusha nolosha kitaabkiisa ayuu ku sheega waanu dhamaystiran yahay, qalqaloocna malaha ” ؤلم يجعل له عوجا” habdhaqankii nabigu Csw wuxuu ahaa guriga iyo ubadka kalgacal ku koriya,tusaale unoqda, aabo wanaagsan,run sheeg ah,runta ku dhaqma, masaakiinta udamqada, dadka iyo jaarkaba wanaajiya, cadaaladda ku dhaqma, hadalkiisu mid laga naxo aanu noqon.

Aabaha waaqican nooli caqli iyo cilmi, iyo Diin midna uma eego wadiiqada ula macaamilayo dadka (ubadkiisa) ku xeeran, aan ahayn iimaan la,aan iyo siduu lacag u heli lahaa mooyaane! , Aabaha waaqican nooli isagoo ilmaha ku qaylinaya oo usheegaya inuu khalad sameeyay isagoon garanayn khaladka usameeyay iyo sababta cida iska leh.

sababta ilmahani wax u khaldayaa waxaa u asal ah waa adiga oo aan udiyaarsanayn,daacadna u ahayn inaad noqoto aabo wanaagsan oo hadalkiisa iyo ficilkiisu isleeyihiin, wanaaga iyo farxadda aad ubadkaaga la rabtaa waa inaad noloshaada ku dhaqdaa.

Adigu Aabo is baro, Qofka aad tahay, haddii aad isbarato waxaa laga yaabaa in maanta,saacaddan ay wax kuu iftiimaan Alla ha sahlo!

 

Qalinkii : Ahmedyasin Sh cumar Sh ahmed furre