Aan beerno geed (W.Q. Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan)

Mudane ama Marwo, weligaa geed ma beertay?

Haddii aanad beerin ha werwerin. Hadda waad nooshahay waanad haysataa fursad aad ku qabato wixii ku dhaafay.Waxaad haysataa fursad aad ku badbaadiso guud ahaan nolosha aadamaha, gaar ahaanna noloshaada tan carruurtaada.

Ka faa’iidayso wakhtiga. Hadda abaabul naftaada, raadso qalabkii geedo beerista, cayin goobtii aad ka beeri lahayd kadibna beer hal geed si aad u badbaadiso mustaqbalkaaga iyo ka ilmahaaga iyo ka ilmihiisaba.

Aan beerno geed

Waxaynu dhammaanteen ku jirnaa halis aynu gacmaheena ku kasbanay. Waxaynu jarnay dhammaan dhirtii Ilaahay dhulkan ku mannaystay innagoo og faa’iidada ay dhirtu u leedahay dhammaan noolaha kale.

Aniga waxaa tusaale iigu filan, deegaankii aan deggenaa ilaa 20 kii sanno ee ugu danbeeyay waxaa ku socday isbeddel taban oo ay sabab u ahaayeen dadka deggan deegaankaas.

“Waxa aanu jari jirnay dhirta dabiiciga ah sabab la’aan, waxa aanu dhayalsanay in aanu beerno geedo cusub aqoon la’aan.”

Waxaan maskaxdayda ka bixin bilicdii uu lahaa ballay ku yaallay meel aan xaafaddayda sidaa uga durugsanayn. Sannadka oo dhan waxa uu ahaa meel aad u qurxoon oo cagaaran. Waxaa ku wareegsanaa dhir qurux badan oo inta badani cagaar tahay. Sannadka oo dhan waxaa  ku jiri jiray biyo, wuxuna annaga noo ahaa goob aan u baashaal tagno, ku dabbaal barano oo waqtiyo farxad badan ku soo qaadano.

Waxaa uu ahaa meel marka ay dhallinyaradu rabaan in ay sawir qurux badan iska soo qaadaan ay tagi jireen. Waxaba laga yaabaa haddii aad baadho albam-kaagii sawirada in aad ka dhex hesho hal sawir oo cagaaran oo aad ku gashay goobtan aan ka hadlayo oo ah ballaygii xaafadda Jigjigayar, Hargeysa.

Maanta goobtaasi sidee ayay u eg tahay? Iska daa jiilaalkiiye, xilliga gu’ga ee roobku da’o biyo fiicani ma soo galaan, aniguna waxaan garaadsaday iyadoo roobba roob ku soo gaadho. Dhirtii iyo quruxdii aan ku aqaannay maanta waxaa ka sii hadhay dhawr geed oo waaweyn. Noocyadii kale oo dhami waa ay dabar go’een. Waxa ay waayeen cid daryeesha ama abuurta beddelkoodii.

Mudane ama marwo dhacdadaa aan ka soo sheekeeyey waxaa ay ka jirtaa dhammaan deegaannada kala duwan ee aad ku nooshahay, waana dhib wali socda oo maalin walba isbeddel taban ayaa ka deegaannadeenii.

Ceebta ugu weyni waxa ay tahay moogganaanta aynu moog nahay dhibaatadan ka dhanka ah dabiicinimada deegaanka. Xataa haddii qaar innaga mid ahi og yihiin ma arko dedaalo badan oo aynu ku xalinayno mashaakilkan.

Maanta waxaa la soo gaadhay xilli aynaan indhaha ka qarsan karin dhibka jira. Waxaa la marayaa xili aynu ku qasban nahay in aynu u badheedhno masuuliyadda deegaanka innaga saran oo aynu aqbalno xilkeenan.

Mudane ama marwo waxaa jira tallaabo fudud oo aan waxba kugu joogin adiga laakiin aan ku badbaadin karno nolosheena iyo ta carruurteennaba. Tallaabadaasi waxay tahay “maanta hal geed beer“. Xataa marka aad dhimato waa la intifaacsan adna khayr ayaa kuugu jiraya.

Akhriste ka waran haddii aad hadda go’aansato inaad beerto hal geed oo aad deriskaagana ogaysiiso. Waxaa laga yaabaa in muddo kooban geedo badan lagu beero dhulka, sannad ka dibna waxaa la arki doonaa geedo badan oo soo baxay.

Mudane iyo Marwo mid kasta oo innaga mid ah waxaa uu awoodaa in uu gurigiisa hortiisa ka beero “hal geed”. Wax dhib ah kuma hayso, khayr iyo sadaqo ayay u tahay, qurux iyo bilic ayay u tahay, hadh iyo hoybay u noqon. Haddii aan sidan yeeli wayno waa inoo dammiir xumo iyo mustaqbalkii oo aan hagranay.

Si kastaba ha ahaatee, adigu hadaad hadda bilawdo, dariskaaguna wuu kugu xigi. Ha yaraysan arrintan. Adiga iyo anniguba aan bilawno hadda. MAANTA HAL GEED BEER!

Mahadsanid

Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan

ibroxanafi@hotmail.com