Aasaaskii Liyuu Booliska Iyo Xasuuqyada ay ka Geysteen Deegannada Isaaqa. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Kelmadda liyuu waa af-amxaari micnaheeduna yahay “shay cusub”. Ciidankan waxa la aasaasay sannadkii 2007-dii, sababata samayskoodu wuxuu ka dambeeyey markii ay jabhadii ONLF weeraro joogto ah ku qaaday Petrona oo ahayd shirkadii gaasta cad ka baadhaysay deegaanka Soomaalida Itoobiya (African Oil Company). Ciidanka waxa bilowgii hore madax ka ahaa madaxa nabadgeliyada Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) oo markii dambe noqday madaxweynaha kililka shanaad. Muddo kooban gudahood waxa ay ku noqdeen cudud milateri, oo deegaanka kililka shanaad waxa ay doonaan ka sameeyaaan. Madaxda ciidankani 95% waa Ogaadaan.

Goobaha ay xasuuqyada ka Geysteen

  • Sannadkii 2011-kii ayay Liyuu Boolisku 4 qof oo dirawaliin ah rasaas ku dileen koonfurt Harta Sheekh, iyaga oo wata Baabuurtoodii.
  • Sannadkii 2012-kii ayay ciidanka Liyuu Booliska 11 qof oo shacab ah,  ku laayeen Tuulada Raqda iyo Cadaadda oo hoos tagta dagmada Daroor. Dadkaasi dhammaantood waa shacab aan waxba galabsan
  • Isla-Sannadkaasi 2012-kii ayay ciidanka Liyuu Boolisku 12 qof oo shacab ah ku xasuuqeen deegaanka Cilmi Xirsi, kuwaasi oo aan waxba galabsan
  • Sannadkii 2013-kii ayay ciidanka Liyuu Boolisku 8 qof ku dileen deegaanka Faarax Liibaan ee degmada Xarshin. Dhammaantoodna waxa ay ahaayeen shacab
  • Sannadkii 2014-kii ayay ciidanka Liyuu Boolisku 9 qof ku laayeen koonfurta Kaam-abokor, oo ahaa xoolo-dhaqato aan hubaysnayn.
  • Isla-sannadkaasi 2014-ka ayay ciidanka Liyuu Boolisku 8 qof ku laayeen deegaanka Hawdka Dhoqoshay ee dhinaca Itoobiya, dadkaasi ayaa ahaa xoolo-dhaqato aan waxba galabsan.
  • Sannadkii 2015-kii ayay ciidanka Liyuu Boolisku dad aan tiradooda la hayn ku laayeen deegaanka Raamaale.
  • Isla-sannadkaasi 2015-ka ayay ciidanka Liyuu Boolisku 10 qof ku laayeen koonfurta deegaanka Laanqayrta, kuwaasi oo isugu jira dumar, carruur iyo waayeel.
  • Sannadkan 2016-ka bisha Juun ayay ciidanka Liyuu Boolisku 40 qof ku laayeen deegaanka Jaamac Dubbad oo Gaashamo hoostaga. Dadkaasi waxa ay ahaayeen shacab isugu jira Carruur, dumar iyo waayeel ku noolaa Tuulada lagu xasuuqay.
  • Sannadkan 2016-ka bishan Juun 28-keedii ayey liyuu Boolisku dad ku laayeen tuulada Gor-Gor iyo Boodacadde. Dadkaasi lama hayo tiradooda, balse waxa mudaharaad arrintaasi awgeed Burco ka dhigay dadka deegaankaasi u dhashay oo arrintaasi sheegay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com