Abaal Marinta Sannadlaha ah ee Akhriska iyo ku xidhnaanta Rugta buuggaagta Jaamacadda Hargeisa (WQ: Cabdifataax M. Axmed)

“aan wax akhrino waa aan fikirno”

Rugta buuggaagta iyo kutubtu waa in ay noqotaa mid fahansan in aan buuggaag meel lagu uruuriyey macno sameyneyn haddii aan loo helin dadkii akhrisan lahaa,buuggaag khaanado ka buuxa oo meel cidlo ah iska yaallaa ma leh qurux,buuggaagtu waxa ay nuxur iyo macno sameynayaan marka ay heystaan dadkii akhrisan lahaa.

Akhrisku dunida waa xor,waana mid akhriste kasta u abuura jawi xornimo uu dunida kaga ogaado wax kasta  jidka akhriska iyo kutubta,waa wax qofku naftiisa ku xoreyn karo kagana saari karo caqliyad danbeysa sidaasi si la  mid ahna waxa xornimada akhriska ku weheliya meelo badan lacag la,aan iyo kharash yari.Rugaha kutubta hargeisa gaar ahaan kuwa jaamacaddaha (University Library) inta badan kama aragno hal abuurid sarre oo la xidhiidha  ogaanshaha ku xidhnaanta ardeyda ee xarunta akhriska iyo qorraalka loo dhisey,iyada oo Rugaha kutubtu ay yihiin meelaha la rabo in ay kor u qaadaan hab fikirka iyo akhriska ardeyda wax baraneysa.in Buuggaag Saxaarado laga buuxiyo,dadkuna ay aamusni ku jiraan meeshana laga saaro,doodaha,curinta,iyo buugg wadaaga waxa ay weli rugaha kutubta ku sii heyneysaa aamusnida.

Ardeydu Hab Nooce ah Ayey ugu Xidhan Yihiin Rugta Kutubta Jaamacaddaha

Ardeyda ugu badan ee booqda Rugta kutubta Jaamacadduhu waa kuwo ugu xidhan ku akhriska Casharka Macallinka iyo Dhiganaha yar ee ay sitaan.Su,aal ayaa la iska weydiin karaa tiro intee leeg ayaa ku xidhan Rugtaasi lagu keydiyey buuggaagta cilmiyada kala duwan ee Jaamacadda marka la eego diiwaanka Ardeyda xubnaha ka ah (Library-ga) una heysta oggolaanshaha ka mid noqoshada bahda akhriska ee Rugta kutubta.Haleel uma laha Akhrinta buuggaag ka baxsan Casharkooda sida sheekooyinka iyo buuggaagta tixraaca ah ee la xidhidha maadooyinkooda.haddii la sameeyey xarun akhris iyo cilmi baadhiseed hase ahaate ardeydu ay casharka macallinka oo qudha uun ku akhriyaan amma aaney booqanba maxey xaaladu noqoneysaa.mushkilad yar oo cashar imtixaan lagu gelaayo in uu a la soo fadhiisto ardeygu maktabada,laakin ujeeddadu rugta kutubtu ay ka weyn tahay in cashar yar lagu dhex xafido amma qeybaa waa mida somaliland lagu hayo.

Xubinimada Rugta kutubta

Maxaa looga jeeda rugta kutubta Akhriska ee xorta ah amma lacag la,aanta ah?Xornimada iyo lacag la,aantu ma tahayse in aad bilaash iyo diwaan gelin la,aan ku soo gasho xaruntaasi?Ma la odhan karaase lacagta diiwaan gelinta xubinimada iyo kharashka yar ee sannad laha qofka looga qaada ardey badan iyo akhriste badan waa mida u diidey in ay ku soo xidhmaan libraryga.Xarunta lagu keydiyo buuggaagta waxa qeexa hadba dadka ku xidhan iyo akhristayaasha jooga oo macno u yeella una suurto geliyo in rugtaasi noqoto mid la jaan qaadeysa heerarka ugu sarreeya ee akhriska tiknolojiyeeda ee wakhtigan si looga hayaamo hab akhriskii horre ee gaboobey.

Ilaalinta Buuggaagta Libraryga taalla

xasuusta wakhtigii waxbarashadda markaad dib u eegto Ardey baa xasuusta sannadihii waxbarashadiisa in uu buugg kala baxsadey Libraryga dibna aanu ugu celin waayo waxa suurto   gal ah in wakhtiyo horre sida buugg lagu helaa ayba adkeyd.ardey badan soo celinta buuggaagta loo muddeeyey ee ku muddo dhaafey ayey  iska jari laayihiin.ardey badan oo danyar ah oo aan loo iibin karin buuggaagta ay rabaan isla markaasi ku xidhan libraryga waxa ay u arkaan rugta kutubta deegaan ay caqliyadooda ku koriyaan oo xor ah,taasi oo adduunka  akhriska iyo iyaga ku xidhey adduunka erayada iyo sheekooyinka.Sidee haddaba lagu ilaalin karaa buugaagta taala Libraryga? dhanka ardeyda waa heshiis isaga iyo rugta dhex mara,ganaax lacageed iyo luminta xubinimada xarunta wax akhriska marka la jebiyo xeerarkeeda.dhanka jaamacadda waa in loo qabto shaqaale u carbisan hawshaasi.

Dugsiyadda Somaliland iyo Rugta Kutubta iyo buuggaagta

Dugsiyadda dalka ku yaalla haddii ay leeyihiin xarumo wax akhris oo ardeydu yaranta ay ka soo billaaban ku xidhnaanta buugga iyo akhriska waxa ay horre u qaadeysa  hanka iyo hibada akhris iyo qoraal ee ardeygeena.Marka dugsigu leeyahay xarun wax akhris ardeygu waxa uu jeclaanaya akhrinta buuggaagta,u qaadashada  guriga isaga oo dareemaya in la qiimeynaayo maskaxdiisa.waayo akhriskaasi ayaa qoraalka iyo riyooyinkoduba ay ka soo baxayaan.Weligii ardeygeenu haddii aanu soo arag Library intii dugsiga oo ka jaamacaddu ugu horreyso waa mushkilad lag dhaliilaayo waxbarashadda dhaqamiga ku noqotey jid qudha ee dalka.ardeydeenu waa kuwo maskax furan,waa xoog iyo tamar u baahan in si wanaagsan loo jiheeyo riyooyinkooda akhris lagu tuso,waa kuwo u baahan in ay akhriska iyo buuggaagta ka  sinaadaan faqiir iyo taajirba sida awgeed waa in dugsiyadeenu soo billaaban aragtida akhrisa iyo qoraalka ardeygeena.

Abaal Marinta Akhriska ee Libraryga Jaamacadda Hargeisa

Rugta kutubta jaamacadda hargeisa (UOH Library)  waxa ay haddaba bixisaa abaal marinta sannad laha ee Akhriska iyo ku xidhnaanta Librarygooda,waa abaal marin ku tuseysa in Xaruntu ay in ka badan buuggaagtooda  iyo dadka arkhrisanaaya ay labada tixgelin weyn u hayaan dadka akhrisanaaya.Xarunta buuggaagta jaamacadda hargeisa waa mid ardey badan o jaamacadda ka baxdey ay xubinimadeeda soo mareen kuwo badana hadda ay kadiiwaan gshan yihiin iyada oo ay ku xidhan yihiin kumanaan leh maskax furan iyo hibo akhris iyo qoraal loo diyaariyey jawi ay wax ku akhristaan iyo deegaan xasiloon  si dib loogu soo nooleeye akhriska ardeyda wax baraneysa loona dhiirigeliyo akhristaha.

Waxa aan hamablyo u dirayaa Maamulka Libraryga Jaamacadda hargeisa oo ugu horreey Mohamoud,Bahda Jaamacadda Maamulka Jaamacaddda hargeisa ee dhaqan geliyey fikradani, sxbkey Macallinka ku guuleystey Abaal marinta Akhriska iyo ku xidhnaanta Libraryga ( Health Officer Mr. Mohamed Osman  Bule) iyo Ardeyda kala duwan ee Xaruntu u soo xulatey Akhristayaasha ugu wanaagsanaa sannadkii tagey loogana markhaati kacey ku xidhnaantooda Libraryga.

Abdifataah M.Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com