Qoriddii afka Soomaaligu waxay ahayd guul aan la illoobi karin oo Soomaali oo dhami ku taamaysay in ay maalin uun gaadho. Inkastoo qoridda Af-Soomaaligu isaga ka horraysay, Haddana waxaynu ognahay in Siyaad Barre ku dhawaaqay. Waxaase qalad weyni ka dhacay markii lagula soo degdegay iskuuladii iyo maamulkii dawladda. Taasna waxyeeladeedii ayaa ka badatay waxtarkeedii. Halkaasna Siyaad Barre wuxu ku waayayaa abaal loo hayn lahaa.
Ololihii far barista Afka-Soomaaliga ee Kacaanku qaaday todobaatanadkii waxay ahayd tallaabo sax ah si loo baro muwaadiniinta in ay wax qoraan waxna akhriyaan si ay u noqdaan berri muwadiniin fiican. Waxayse ceebtu dhacday markii laga dhigay Afka wax lagu barto xagga tacliinta dugsiyada iyadoo aynu ognahay in buugaag cilmi ah oo Af-Soomaali ku qorani aanay jirin(No Somali library). Waxa kaloo iyaduna qalad kale ahayd haba ka yaraado kaa hore’e in si dhaqso ah markiiba looga dhigo afka kaliya ee lagu maamulo dawladda.
Aniga ra’yigayga waxay ila tahay waxay ahayd Afka Soomaaliga in lagu koobo dadweynaha si ay u akhrisan karaan wargeysyada iyo waraaqaha ay eheladooda ka helaan. Marka dimuqraadiyadda iyo is doorasho timaaddana wuxu ka caawinayaa cod bixinta.
xagga waxbarashada, Siyaad Barrihii maskaxda yaraa wuxu isagoon la tashi badan amar ku bixiyay in Af-Soomaali lagu dhigo dugsiyada, taasoo keentay in tayadii waxbarashadu ay dhulka gasho, gaadhona meel aanay waligeed gaadhin. Waa fursad oo ma diidayno in ay nasiib u helaan ardaydu in ay afkooda hooyo wax ku bartaan, laakiin taas waa la gaadhaa ee ma aha wax layska jeclaysto.
Waxay ahayd in si tartiib tartiib ah loo Af-soomaliyeeyo waxbarashada si aan tayada tacliinta loo sadqayn. Ma samayn kartid sidaas adigoo og in maktabadda Af-Soomaaligu ay faaruq ka tahay kutubta cilmiga ah, hadii aanad ahayn nacas qeyru -masuula sida Siyaad Barre.
Anigoo ka mid ahaa dadkii ka badbaaday indho la’aantaas( khasabna ku bartay afaf dhawr ah), waxaanu ka haysanay maaddo kasta hal buug oo Af Somali ku qoran oo cidina bebedelin editionkaas.Waxaan xasuustaa xanuunka ay lahayd in aanu ka faa’iidaysan kari waynay xarun wax-akhris oo uu lahaa dugsigayaga sare kaasoo ay ka buuxeen buugaag badan oo Biology, physics iyo chemistry ah, oo laakiin dhammaantood ku qoraa Afka-Ingiriisiga. Anigoon buunbuuninayn waxaan leeyahay indhaha iyo dhegaha ayuu na tiray kali taliyahaa xun ee jaahilka ahaa.
Aniga waxay ila tahay, in ay ahayd qalad weyn oo laga galay jiilasha Soomaalida ee kala danbeeyay in waxbarashada la Af-Somaliyeeyo tiiyoo aan la diyaarin beddelkii kutubta cilmiga ee Afka ingiriisiga ku qornaa, si aan loo dhaafsan taas tayada waxbarashada, taasoo keenaysa nimcadii in ay isu beddesho habaar.
Sidoo kale waxa qalad iyaduna ahayd in maamulku sidaa dhaqsaha ah loo Af-Soomaaliyeeyo, taas oo keentay in maamulkii dawladda tayadiisii hoos u dhacdo, gaar ahaan markii Siyaad Barre ka door biday kuwii daacadda u ahaa kuwii wax garanayay. Waxa dhacday in kuwii wax garanyay lagu beddelay kuwo aan waxba garanayn oo laakiin immika bartay sida Afka-Soomaaliga loo qoro. macnaha kuwii ka soo qalin jabiyay ololihii Afka-Soomaaliga ayaa lagu beddelay dadkii wax garanayay, waxaana la odhan karaa maalintaas ayay bilaabantay burburkii qarankii Soomaaliyeed.
Xagga maamulka iyo xafiisyada, anigu waxaan qabaa tubta saxa ahi waxay ahayd in dawladdu u adeegsato Af-Soomaaliga waraaqaha boosta ee muwaadiniinta loo dirayo, laakiin may ahayn in sidaa dhaqsaha ah loo Af-Soomaaliyeeyo maamulka.
Immika iyo haatan Somaliland waxa wax lagu bartaa inta badan Afka Ingiriisiga, inkatoo tayadu liidato, waa sax oo tallaabo dib u sixid ah oo la qaaday. Xafiisyada dawladda lafteeda waa lagu isticmaalaa labada luqadoodba. Laakiin waan in aynu iska jirnaa in aynu xadka ka tallowno oo Afka Soomaaliga aynu ilowno.
waa in Afka Soomaaliga aynu u qoondaynaa miisaniyad innagoo kaashanayna Soomaalida kale ee mandaqadda ku nool, sidii Afka Soomaaliga loo horumarin lahaa xagga maamulka iyo cilmigaba. Waayo lama huraan waa caws jiilaal.
W.Q. Prof. Cabdi Cali Jaamac
Agaasimaha Guud ee Komishanka la Dagaalanka Aydhiska